Xulka 17-Jirada Soomaaliya Oo U Soo Gudbay Wareega Labaad Ciyaaraha CAF Kaddib Markii Ay Ka Guuleesteyn Xulka Sudan (Warbixin & Sawirro)
Khartoum (RBC) Waxaa gordhow garoon ku yaala magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan lagu soo gabagabeeyay ciyaar ka tirsaneed ciyaaraha isreebreebka tartanka Junior -ke ee CAF oo dhex mareysay xulka dalkeena Soomaaliya ee da’dooda ka yartahay 17-ka sanno iyo dhigooda dalka Sudan.
Sida uu RBC Radio u sheegay wariye ku sugan ciyaarta halka ay ka dhaceysay, ciyaarta ayaa waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0, oo ay ku badashay kooxda Soomaaliya.
Goolka kooxda dalkeena Soomaaliya waxa u dhaliyay ciyaaryahan Maxamed Cabdi Nuur (Meema ) oo u ciyaara kooxaha heerarka koobaad ee dalka.
Ciyaarta ayaa qeybtii koobaad waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0, waxana xulka Soomaaliya ciyaarta ay soo bandhigeyn ciyaar aad loo jecleestay.
Markii dib la isugu soo laabtay ciyaarta ayaa kooxda Soomaaliya waxa ay soo bandhigeyn ciyaar ka xiiso iyo xamaasad badan tii hore, waxana ay keentay in daqiiqadii 78-aad ay dhaliyaan xulka qaranka Soomaaliya goolka guusha.
Aqiirkii ciyaarta waxa ay ku dhammaatay hal iyo ebar oo ay ku badisay Xulka Soomaaliya ee 17-jirada, kuwaasoo u soo gudbay wareega labaad ee ciyaaraha Junior -ka CAF.
” Ciyaartoyda Soomaaliya waxa ay caawa muujiyeen waa wax aad ii dhiira galiyey, labada qeyb ee ciyarta waanu ka wanaagsaneen Xulka Sudan, Laakin dhallinta xulka Soomaaliya hal cilad ayaa heysatay taasoo ah marka ay usoo dhawaadaan shabaqa xulka Sudan ma shuudaayaan kubaddaha, waxa aad arkeysaa kubad aan la rabin in la shuudo iyagoo shuudaya , marka shuud loo baahdana ma shuudayaan taasina wan u sheegay dhalinta

Wasiirka ciyaaraha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo dardaaran siiyay xulka Soomaaliya ee ku sugan Sudan
Si kastaba, kooxda Soomaaliya ee da’dooda ka yar tahay 17-ka sano ayaa ka dhabeeyay hadal dar-daraan ah oo uu toddobaadkan siiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, kaasoo ah in xulka Soomaaliya laga doonayo imminka guul ama ay dalka ku soo laabtaan iyagoo jajabsan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho looga soo qaaday gaadidka ambalaska”
Soomaaliya wax yaabaha aan raat tirmin waxa ka mid ah ciyaaraha heerarka kala duwan kuwaasoo ay ka qeybgalaan mar kasta.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi














[...] Fadlan Riix Halkaan Videoga Xulka 17jirka Khartoum (RBC) Waxaa gordhow garoon ku yaala magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan lagu soo gabagabeeyay ciyaar ka tirsaneed ciyaaraha isreebreebka tartanka Junior -ke ee CAF oo dhex mareysay xulka dalkeena Soomaaliya ee da’dooda ka yartahay 17-ka sanno iyo dhigooda dalka Sudan. [...]
mashalah aad iyo aad ayaan u ugu farx sanahay meesha ay gaareen ciyaartoyda qaranka somaliyed ciyaar wanaag bay soo bandhigeen iyo ciyaar aad loola dhacay dadkiina ka yaabisay taageeradii iyo dadkii kale ee daawanayey ee sudan kuli waxay qireen in ay ka ciyaar wanaagsanaayeen dhigooda dhan walba adebta baas wanaaga dil la aanta qal qof khalad kama galin dhanka sudan dhawr qof ayaa qalad galay iyo ciyaar tahay rooso qaatay iyo mid kalo jaale qaatay aad baan ugu mahad celin cid walba oo ka qayba qaadadatay tababarodooda guul baan u rajayn inshalah koobkan anaaga leh sand kan