DEG DEG: Al-Shabaab Oo Hawada ka Saaray Idaacad Andaluus Ee Magaalada Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Idaacadii Andaluus ee ku taalay magaalada ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa la sheegay in laga saaray gabi ahaanba xili ay dagaalo ka socdaan deegaano ka tirsan gobalkaai.

Wararka laga helay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay shabaab ka saareen hawada Idaacada Andaluus oo ku hadasha afka kooxdaasi ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay qalabkii idaacadaasi ay ka saareen xarunta ay idaacadu ku tiilay, iyada oo aanan la ogayn halka ay la aadeen.

Xarun wayn oo ay leedahay idaacadaan ayaa ku tiilay magaalada Kismaayo, waxaana idaacadaan ay ahayd mida kalaya oo ay dhageestaan dadka ku nool magaalada Kismaayo.

Arintaan ayaa waxay imaanaysaa xili saraakiisii iyo hogaamiyaashii Al-Shabaab ay xoogooda ka baxeen magaaladaasi kismaayo habeenkii xalay ayagoo ka cabsi qaba in magaalada la soo gaaro.

Dagaalo xoogan ayaa ka dhacaya deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Jubada Hoose oo uu ku jiro deegaanka Janay Cabdalle, waxaana ciidanka dowladu ay doonayaan in ay la wareegaan magaalada Kismaayo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “DEG DEG: Al-Shabaab Oo Hawada ka Saaray Idaacad Andaluus Ee Magaalada Kismaayo”

  1. [...] See more here: DEG DEG: Al-Shabaab Oo Hawada ka Saaray Idaacad Andaluus Ee Magaalada Kismaayo [...]

Leave a Reply