DEG DEG: Al-Shabaab Oo Ka Baxday Magaalada Jawhar


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jowhar (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka magaalada ay isaga baxeen Al-Shabaab oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka arriminaayay halkaas.

Dadka magaalada ayaa saaka ku waabaristay magaalada oo aan wax maamul ka jirin, isla markaana Al-Shabaab ay isaga baxday.

Ma cadda halka ay qabteyn maamulkii Al-Shabaab ee magaalada ka arriminaayay, laakin waxa la sheegayaa in ay aadeen meel magaalada duleedka ah xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMSOM ayaa la sheegay in ay hadda ksoo fool lee yihiin magaalada Jowhar, iyagoona hadda ku sugan deegganka Qalimow oo dhowr km u jira magaalada.

Magaalada ayaa laga dareemayaa saaka xaalad jahwareer ah, waxana dadka ay la yaaban yihiin wax yaabaha ka dhici kara saacadaha soo socda.

Jowhar waxa ay ka mid tahay meelaha ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab oo dhul badan laga qabsaday tan iyo sannadkii hore.

Magaalada Jowhar waa magaallo ku fiican dhul beereedka, waa magaallo muhiim ah marka loo barbardhigo magaalooyinka kale ee gobalka.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

1 Response for “DEG DEG: Al-Shabaab Oo Ka Baxday Magaalada Jawhar”

  1. [...] View article: DEG DEG: Al-Shabaab Oo Ka Baxday Magaalada Jawhar [...]

Leave a Reply