DEG DEG: Al-Shabaab Oo Saaka Isaga Baxay Kismaayo
Kismaayo (RBC) Wararka saaka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada habeenkii xalay iyagoo saddex jiho uga baxay magaalada.
Magaalada ayaa la sheegayaa in aysan hadda ku sugneyn dagaalyahanka Al-Shabaab, waxana magaalada ka bilowday bililiqo loo geysanaayo xafiisayadiii Al-Shabaabay ku lahaayeen magaalada.
Dhammaan saldhigyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen magaalada ayaa la sheegay in aysan cidna ku sugneyn, waxana jawiga magaalada saaka uu yahay mid kacsan.
Dhinaca kale, Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Andulus ayaa saaka hawada ka maqan iyadoo la soo sheegayo in Al-Shabaab ay qalabkii Idaacadda qaateen.
Ciidamada huwanta ayaa magaalada u jira ilaa lix km ama wax ka yar, waxaana la hadalhayaa in saacadaha soo socda ay geli doonaan.
Magaalada hadda cid maamusha ma jiro, waxana magaalada saaka xiran goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbrashada.
Dadka ayaa guryaha ku sugan oo ilaa hadda sida uu RBC Radio u sheegay qof diiday magaciisa oo ku sugan Kismaayo.
Magaalada Kismaayo oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Soomaaliya waa meeshii ugu dambeysay oo ay ku xooganaayeen Al-Shabaab oo dhul badan horrey looga soo qabsaday.
Al-Shabaab magaalada waxa ka soo galaayay dhaqaalaha ugu badan, haddii ay dhab noqoto in laga qabsaday saacadaha soo socda Kismaayo waxa hubanti ah in Al-Shabaab uu ku dhacay dhaawac culus.
Wal-walka Magaalada haddii laga saaro Al-Shabaab
Sida ay sheegayaan dadka ka soo jeeda Kismaayo iyo kuwa yaqaana gobalka, waxa ay leeyihiin magaalada haddii laga saaro Al-Shabaab , waxa laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay ka dhacaan magaalada oo ku saleysan dhinaca maamulka.
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa hadda ka socda shir dowladda Kenya ay u qababaneyso qabaa’ilka ka soo jeeda Kismaayo, marka loo baahdo maamul in loo sameeyo magaalada Kismaayo.
Waxa kaloo jira dhowr maamul oo lagu unkay Kenya kuwaasoo mid kasta dhiniciisa ka sheegtay in uu yahay maamulka ka arrimiyaha Kismaayo.
Wixi warar ee ku soo kordha xaaladda Kimaayo kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio













[...] Link: DEG DEG :Al-Shabaab Oo Saaka Isaga Baxay Kismaayo [...]
Waa lafilayey in shabaab baxaan…lakin waxa la yaab leh dadka bililiqestey xarumahii shababka ee bilaabaya boobka iyo fowdada .Manta xarumihi alshabab barina ma dukaamaha iyo guryaha dadka?…xarumaha iyo kasto oo yaala waxay aheed in loodaayo ciidanka dowlada
[...] Muqdisho (RBC) Jawi kacsanaan ah ayey saaka ku waabariisatay magaalada Kismaayo kadib markii xalay saqdii dhexe ay isaga bexeen ciidamadii ururka Al-Shabaab oo ka guuray guud ahaan magaalada. [...]
Waxa kajira ha mamul u madaxweyne kayahay gen.maxamed darwiis o ladhaho jubaland waxa kale waxba mahan
[...] Muqdisho (Hiigsinews.com) Jawi kacsanaan ah ayey saaka ku waabariisatay magaalada Kismaayo kadib markii xalay saqdii dhexe ay isaga bexeen ciidamadii ururka Al-Shabaab oo ka guuray guud ahaan magaalada. [...]
Asc.
U malayn mahayo in ay AL-shabaab sahal ku tagayaan.Waxayna u dhawdahay in ay rag badan uga tageen magaalada Kismaayo oo ay sida Xamar dad u layn doonaan.Tan kale wali lama yaqaan meesha ay u kicitimi doonaan.Waayo waa dambiilayaal oo meelkastaba dacwad bay ku soo oogaysaa.
[...] Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada Kenya iyo dawlada ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana warqada ay ku soo beegantay xilli uu si weyn u soo ifbaxayo walaaca laga qabo in xifaaltan dhanka beelaha ah uu ka abuurmo qabsashada magaalada Kismaayo [AKHRI WARBIXIN] oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo deked leh kana mid ah magaalooyinka muhimka ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo haatan ay isaga bexeen ururka Al-Shabaab. [...]
[...] Dadka ku nool magaalada Kismaayo oo qaarkood saaka aan la hadalnay ayaa sheegaya inaysan garaneyn sababta duqeynta weli ay ugu socoto magaalada maadaama ciidamadii ururka Al-Shabaab ay isaga bexeen magaalada Kismaayo. [...]
[...] dawlada ayaa shalay soo gaaray magaalada Kismaayo oo toddobaadkan ku jirtay xaalad isbedel ah kadib ka bixitaankii kooxda Al-Shabaab toddobaadkii hore [...]
[...] gacan ka geystay duulaankii ciidamada Kenya ay magaalada Kismaayo kaga saareen ururka Al-Shabaab toddobaadkii hore kaasoo soo socday mudo hal sano ah oo ay ciidamada Kenya ku jireen gudaha [...]
[...] gacan ka geystay duulaankii ciidamada Kenya ay magaalada Kismaayo kaga saareen ururka Al-Shabaab toddobaadkii horekaasoo soo socday mudo hal sano ah oo ay ciidamada Kenya ku jireen gudaha Soomaaliya. Wargeyskan oo [...]
[...] oo ay wadajir u qaadeen ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Kenya iyo Ethiopia. Gobolada Jubbooyinka, Labada Shabeelle, xarunta gobolka Hiiraan, iyo degmooyin ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa hadda ka [...]
[...] oo ay wadajir u qaadeen ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Kenya iyo Ethiopia. Gobolada Jubbooyinka, Labada Shabeelle, xarunta gobolka Hiiraan, iyo degmooyin ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa hadda ka [...]
[...] oo ay wadajir u qaadeen ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Kenya iyo Ethiopia. Gobolada Jubbooyinka, Labada Shabeelle, xarunta gobolka Hiiraan, iyo degmooyin ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa hadda ka [...]
[...] ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Kenya iyo Ethiopia. Gobolada Jubooy?nka, Labada Shabeelle, xarunta gobolka Hiiraan, iyo degmooyin ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa hadda ka [...]