DEG DEG: Amisom oo ka Hadashay Wararka Sheegaya in Diyaarado Kenya Ay Leedahay La Soo Riday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) War saxaafadeed goordhow ka soo baxay taliska ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa lagu beeniyey wararka sheegaya in labo diyaaradood oo ay leedahay Kenya lagu soo riday dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa maanta shaaciyey in labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah “helicopters” lagu soo riday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Afmadow.

War saxaafadeedka Amisom auaa ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab mid been abuur ah.

Dhanka kale Amisom waxay beenisay in dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Afmadow ay Al-Shabaab ku qabsatay magaalada Afmadow, sida ay sheegeen saraakiisha ururka Al-Shabaab.

War saxaafadeedka Amisom ayaa soo baxay xilli maanta ururka Al-Shabaab magaalada Kismaayo ku soo bandhigeen meydadka afar askari oo ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay shalay duleedka Afmadow lagu soo dilay.

Amisom iyo Kenya midna kama hadlin meydadka askarta la soo bandhigay.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “DEG DEG: Amisom oo ka Hadashay Wararka Sheegaya in Diyaarado Kenya Ay Leedahay La Soo Riday”

  1. B Jameeco says:

    Nimnkaan gaalada ah oo dawlad diiidkaa ah kuwa afhayeenk u ah ama wararka websie-yada wax u qora waa in la layaa bal walaalayaalow nimankaaan qora Daynile nacaybka iyo cudurka ku jira mala arko miyaa dagaal af ah ayay markastaa wadaan kuwa mayd jiidjiidaya ilaahh baa ka jaasaynaya ayagoo nool

Leave a Reply