Baarlamaanka Soomaaliya oo Laalay Qodobo Ka Mid ah Dastuurka Cusub Dood Kulul Kadib (SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow soo gabagabeeyay kulan xasaasi ahaa oo maanta ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Kulankan oo sida horey loo shaaciyey ku saabsanaa arimaha shuruudaha musharaxa madaxweynaha oo ku jiray dastuurka cusub lana sheegay inay iska hor imaanayaan ayaa dood dheer aadna u kululeyd waxaa ka yeeshay mudanayaasha baarlamaanka oo uu gudoominayey Prof Maxamed Cismassn Jawaari.

Dooda ka hor ayaa waxaa baarlamaanka la horkeenay codsi ka yimid guddiga doorashada ee baarlamaanka oo ka hadlay “QODOBKA 89AAD” ee dastuurka cusub faqradihiisa 1, 2, 3, illaa 4; kuwaasoo dhamaantood sheegaya in doorashada madaxweynaha jamhuuriyada ay ka wada qeybgalayaan “Labada gole” oo ah labo aqal baarlamaan oo horey saxiixayaasha qariirarada roadmap-ka ay u soo jeediyeen in la sameeyo balse hadda aan jirin.

Xildhibaanada Soomaaliya oo dood ka yeeshay qodobka shuruuda musharixiinta madaxweynaha.

Qodobka 89aad wuxuu u qoran yahay sidan;-

Qodobka 89aad. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (Faqradan waa la tuuray)

(2) Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka. (Faqradan waa la tuuray)

(3) Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed. (Waxaa lagu bedelay in halkii xildhibaan uu musharaxnimadiisa soo jeedin karo (taageeri karo) illa saddex musharax)

(4) Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod. (Faqradan waa la tuuray)

(5) Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan:

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobkan oo si aad markii hore la iskugu mari waayey, waxaase si buuxda cod aqlabiyad la isugu raacay in wax ka bedelkan uu dhaqangalo. Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa markaasi kadib ku dhawaaay in wax ka bedelkan qodobka 89aad uu sharci yahay laga bilaabo maanta.

Shuruudaha madaxweynaha ee ku xusan Q0dobka 88aad ee dastuurka [Halkan ka Akhri qodobka 88aad] ayaan waxba laga taabanin, waxaana guddiga doorashada loo fasaxay in ay ku dhaqmi karaan isbedelka maanta lagu sameeyay arimaha musharixiinta iyo doorashada.

Gudoonka baarlamaanka Somalia oo shirka gudoomiyey

Dhaqan galka wax ka bedelka dastuurka

Sida ku xusan dastuurka, isla markaana uu sheegay gdoomiyaha wax ka edelka dastuurka waxaa uu ku dhaqangalayaa mudo lix bilood gudahood, sidaa darteed ayay baarlamaanka sheegeen in wax ka bedelkan lagu sii dhaqmayo.

Arinta ku saabsan labada aqal baarlamaan ee ku xusan dastuurka, waxay xildhibaanadu gooyeen in loo daayo marka dalka laga sameeyo maamul goboleedyo sharci ah lehna baarlamaano hoose, inta ka horeysana baarlamaanka federaalka uu yahay hay’adda kaliya ee sharci dejinta dalku leeyahay.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia

 

Maxamed Qanyare (dhexe) iyo Cabdicasiis Sh. Yuusuf oo ka mid ahaa xubnihii loo diiday baarlamaanka oo si caadi ah kulamada u yimaada

 

Sheekh Aadan Madoobe (midig) oo ka mid ah xubnihii la diiday ee dib ay u fasaxday maxkamada sare

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

4 Responses for “Baarlamaanka Soomaaliya oo Laalay Qodobo Ka Mid ah Dastuurka Cusub Dood Kulul Kadib (SAWIRO)”

  1. Ahmed says:

    Waxa wax laga naxo ah in ragii dalka baabi’iyey lagu soo daro balamanka, aydoo qabyalad laga eegayo. War miyeysan lahayn beelahodu rag aqoonyahano ah oo dalka dhibta kasaara waxna laqybsada raga kale ee aqoonyahanada ah iskuna soo jiida umada waxaa wax laga xumaado in taa ninkii dalka madaxda ka ahaa ee shalay dalka kasaaray ee ku faanijiray xukunkana ku helay hogaamiye koxeedyo ayaan dalka kasaaray oo mudo 6bilooda ayaan dalka nabad ka dhigay.

  2. B Jameeco says:

    wax walba waxaa ka horeeeya gacan ku dhiiglaayaasha baarlamaannka looo diiday yay fasahaadinin nimankaaan nadiifk ahh marka laga dhexbixiyo dawladdiidka weyn oo isu soo sharraxay mmadaxweynimada Samataa. AAniu ma garanaayo sida ninkaann loogu ogolaaaday can sombody tell me.?
    Dadkaa kor k daaawanaaya oo rajadda qqao a tani rajadoodii sabarsiinaysaa

  3. HANAD says:

    marka hore s.c.w. marka labaad waxaad tiraahdeen qodbkaas waa la tuuray lakin miidan sheegi waxa lau bedelay tusaale ahaan waxaad tiraahdeen xubnaha baarlamaanka waa in ay joogaan labo meelood meel ayuu dastuurku dhigayay oo waa latuuray lkn waxa laqaadanayo maydaan sheegin. halkaas ma fahmin raxanreebeeyey

  4. Gesod says:

    ASC
    CVga Mr Jawaari waxaad ku cadeyseen in Jamacada umada uu ka qaatay shahaado 1982.
    Taasna macnaheedu tahay in uu ka qaatay (Bachelor ). Waxaa warbixintiina ku jira in uu ahaa macalin dugsi sare?. Waxaadna isticmaalaysaan darajada “professor”?.
    Markaa ma bachelor ka mise macalinnimada dugsiga sare ayaa keentay professornimada?
    RBC ama qofkii kale oo naga jahilbixinkara waa mahadsan yahay.
    Gesod

Leave a Reply