DEG DEG: Booliska Kenya oo Caawa Shaaciyey Magacyada 5-Nin oo Ajnabi ah oo Ka Tirsan Al-Shabaab Inay Soo Galeen Kenya (XOG)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Booliska wadanka Kenya ayaa caawa shaaciyey digniin ku socota dadweynaha wadanka Kenya taasoo loogu sheegayo in shan nin oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kana soo baxay magaalada Kismaayo inay soo galeen gudaha Kenya.

War qoraal ah oo caawa booliska ay u qeybiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in shanta nin ay qorsheynayaan inay weeraro dhibaato badan geysta ay ka abaabulaan magaalooyin ku yaalla wadanka Kenya, waxaana dadweynaha iyo cid kasta oo hesha xogta shantaasi nin laga codsaday inay booliska ku soo wargeliyaan.

Magacyada shanta ruux ee la faafiyey:

1- Maxamed C/casiis Xasan (wuxuu dhashay Masar)
2- Maxamed Cali Maxamuud Khalifa (wuxuu u dhashay Masar)
3- Salim Si Maxamed (Wuxuu u dhashay Morooko)
4- Nadane Si Maxamed (Wuxuu u dhashay Moroko)  Labada nin waa walaalo.
5- Rachid Benomari   (wuxuu heystaa dhalashada Faransiiska)

Afhayeenka booliska Kenya Erick Kiraithe ayaa caawa sheegay in shanta nin ay ka barbar dagaalami jireen ururka Al-Shabaab, hase yeeshee waxay magaalada Kismaayo ka soo tageen toddobaadkii labaad ee bishan Sebtembar iyagoo soo galay gudaha Kenya.

Afhayeenka booliska Kenya Erick Kiraithe

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray inay heleen xog sheegeysa in raggan ay qorsheynayaan weeraro qaraxyo ah oo laga fulinayo gudaha magaalooyinka muhimka ah ee Kenya, isagoo dadweynaha u sheegay inay digtoonaadaan.

Digniinta ayaa timid hal maalin kadib markii maxkamada Nairobi ay xukuntay nin lagu magacaabo Cumar Cabdi Aadan oo 26-jir ah oo maxkamada horteeda ka qirtay inuu katirsanaa ururka Al-Shabaab kaasoo lagu xukumay 59 sano xarig ah.

Digniintan ayaa si weyn looga hadalhayaa gudaha Kenya waxaana dadku ay isweydiinayaan waxa xigi kara mar haddii ragga la magacaabay ayba mar hore gudaha u soo galeen Kenya.

Dhanka kale toddoba ruux oo shan saraakiil booliska Kenya yihiin ayaa maanta ku dhaawacmay qarax miino oo lagula beegsaday magaalada Gaarisa, iyadoo weerarkaasina aaney jirin cid sheegatay.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Leave a Reply