DEG DEG : Ciidamada Ethiopia Oo Ka Baxay Xaafado Ka Tirsan Beladweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beladweyne (RBC Radio) War hadda naga soo gaaray degmada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiran ayaa sheegaya in saaka ciidamada Ethiopia ee ku sugan halkaas ay ka baxeyn xaafado ka tirsan magaalada.

Sida ay sheegayaan dadka ku sugan Beladweyne waxa saaka dhaqdhaqaaq xooggan laga dareemayaa magaalada markii ciidamada Ethiopia ay soo buux dhaafiyeen magaalada kuwaasoo doonaya in ay ku wareejiyaan meelihii ay joogeyn ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Djabuti.

Xaafadaha ay saaka ka baxeyn ciidamada Ethiopia waxa ka mid ah xaafada Howlwadaag ee bartamaha magaalada, waxana halkaas hadda soo gaaray ciidamo Djibouti ah.

Labo maalin ka hor ayaa magaalada Beladweyne waxa soo gaaray ciidamo Djbuti ka socda, kuwaasoo safar dhulka ah soo galay, iyagoo soo maray xuduuda Ethiopia ee Soomaaliya.

Dhowr bil ka hor ayaa midowga Africa waxa ay sheegeyn in meelaha ay ka joogaan ciidanka Ethiopia gobalada dalka lagu wareejin doono ciidamo ka tiran kuwa AMISOM.

Ciidamada dowladda Ethiopia ayaa waxa ay ku sugan yihiiin gobalada Hiiran, Baay iyo Bakool, halkaaasoo ay horrey ugu sunaayeen Al-Shabaab.

Dowladda Ethiopia ayaa horrey u sheegtay in aysan ciidankeeda kala bixi doonin dalka Soomaaliya ilaa inta laga saarayo Al-Shabaab isla markaana dalkaas lagu soo celinaayo xasiloonidiisii.

Ma cadda in go’aankan ku saabsan ciidanka Ethiopia ay ku wareejiyaan ciidanka Djabuti meelihii ay kaga sugnaayeen gobalka Hiiran uu yahay wax cusub oo soo korartay wixii ka dambeeyay geerida ra’iisal wasaarihii dalkaas Meles Zanawi

Laakin ra’iisal wasaaraha hadda Hailemariam Desalegn,oo ka qeybgalaayay caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax is badal aanu ku immaan doonin siyaasaddii uu horrey u jeexay ra’iisal wasaare Meles Zanawi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “DEG DEG : Ciidamada Ethiopia Oo Ka Baxay Xaafado Ka Tirsan Beladweyne”

  1. [...] See more here: DEG DEG : Ciidamada Ethiopia Oo Ka Baxay Xaafado Ka Tirsan Beladweyne [...]

Leave a Reply