DEG DEG: Ciidamada Kenya Oo Galay Qaybo Ka Tirsan Magaalada Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay haatan aaad ugu dhowwaadeen magaaladaasi.
Ciidamaadan ayaa waxay ka soo galeen dhanka xeebta magaalada waxayna ku yimaadeen Maraakiib, iyadoona haatan ay la wareegeen Deegaanada Madhamaato, Ceel Dhiig, iyo Buulo Abuulo Abliko.
Inka yar Afarv Kiilo Mitir ayaa la sheegayaa in ay haatan ciidamadaan u jiraan magaalada Kismaayo oo ay wali gudeheeda ay joogaan dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamadaan markii ay soo gaareen deegaanadaan ayaa waxay dagaal kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo qoryaha garbaha laga gabo ku weeraray deegaanada y joogaan ciidankaan Kenya.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudaha magaalada Kismaayo ay isaga baxeen Al-Shabaab in tooda badan markii laga reebo dagaalyahano fara ku tiris ah ee magaalada jooga.
Ciidamadaan ka socda wadanka Kenya ayaa waxay doonayaan in ay soo galaan gudaha magaaladam, xili la aaminsanyahay in magaaladaasi ay tahay mida ugu muhiimsan oo Al-Shabaab ay heesaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Kenya ayaa saaka waaberigii si kedis ah dhanka waqooyi bari uga soo galay magaalada iyagoo ka soo daatay deegaanka Ceeldhiig kana soo gudbay halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo illaa 10km dhanka waqooyiga ee [...]