DEG DEG: Ciidamada Saracen International ee degmada Xaafuun oo Xabsiga u Taxabaay Laba Nin oo Mid kamid ah la Dhashay Fannaanada Maryan Mursal Ciise Bootaan!!.
Xaafuun[RBC Radio] Ciidamada Saracen International ee ku sugan degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa in ay Xabsiga u taxaabeen laba nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka yimid dalka Maraykanka.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda RBC Radio kana gaabsaday magaciisa sababo la xiriira Xasaasiyada warkan ayaa sheegay in Ciidamadu ay labada nin ka xireen bartamaha magaalada Xaafuun maalinimadii Sabatida isla markaana aan la ogayn sababaha keenay in Xabsiga loo taxaabo.
Waxa uu tibaaxay in mid kamid labada nin uu la dhashay Fannaanada Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise Bootaan laguna magacaabo Bashiir Mursal Ciise iyadoona kan kale uu ku sheegay Subeyer Khaalid oo ah heesaa caan ah oo ka yimid markiisii hore dalka Sweden.
Wuxuu Intaas ku daray in hadda ay ku xiranyihiin dhisme Iskuul oo u dhisay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse iyadoona Ciidamadu ay goobta u tahay fariisinkooda ugu weyn,wuxuuna sheegay in xiliga la qabanaayey ay rabeen in ay Sawirro kasoo qaataan daafaha magaalada iyo goobaha Taariikhiga ah.
…”"Dadka deegaanka oo ka Xanaaqsan Xariga labada nin ee Bashiir iyo Subeyr ayaa maanta tagey goobta lagu hayo,waxayna u geeyeen cuno balsse wey diideen labadooduba,waxayna noo sheegeen in muddo ay ka soomeen cuntada ilaa inta looga cadeynaayo Sababaha loo xiray….”"ayuu yiri Ilo Wareed Magaciisa qariyey.
Bashiir iyo Subeyr Khaalid ayaa kasoo degay Garoonka diyaardaha ee magaalada Hargaysa bilowgii bishaan,waxayna soo mareen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyagoona yimid magaalada Boosaaso,maalmo ka dibna uga ambabaxay degmada Xaafuun.
Guddoomiye Kuxigeenka degmada Xaafuun Yuusuf Cabdillaahi Sanyare oo aan la sameynay xirriir ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Xariga Bashiir iyo Subeyr balse sida ay labadooduba sheegeen waxa laga soo amray Xarigooda Madaxtooyada magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Wixii kusoo kordha kala soco Raxanreeb.com
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe










waa arin laga xumaado ,waana in lasiidaayaa si dag dag ah . faroole iyo wiilashiisa ayaa wadanka qasaaya . xaafuuna yeena u dulqaadan ceebta dadkan ka dhalan karta
raxanreeb aad ayaa u mahadsantihiin xogtan aad soo galiseen waana mid loo baahnaa in aad bulshada mar walba xaqiiqada u sheegtaan
runtii website kan waxaan jeclahay in marka uuu warka daabacayo uu iska fiirsho waxayabaha isaga sumcad darada kuridaya waayo ciiidan ku waa ciidanka marine ee puntland ee cercane waa taba barta waana kabaxday dalka qandaraaskiina waa udhamaaday dhamaadkii bishaan mida kale nin intuu hargeysa kasoo dagay ilaa intaa soo maray xaafuun yimi bulshooy ma idhahaa istirnaa dan muusan lahay mida kale dhul xaafuun ka qurux badan baa dalka kabuuxa ee runta halaysku sheego anaga faroole iyo wiilashiisa midna manaqaan lakiin ciidanka iyo sharafta iyo amniga puntland waa lama taabtaan webkana waxaa leeyahay be careful
shacbiyadaaadu waa siilumaysaa maalinba maalinta kadanbaysa
Waa in la xiraa al Shabab iyo kuwa dacaayada u sameeyah
maryan mursal walaalkeed maxaa xafuun geeyay war ilayn belaayo waa ilayn wadan lahaysto wadanku.
marka sawiro laga soo qaadayo xaafuun yay amar ka qaateen ,shacabka u tagayna hala xiro oo markii 2daa nin maraykanka ku labtaan waxay dhihin shacabka xaafun waxaa dhaqaalo kasoo galaa burcadbadeeda, waa in 2daa nin laxiraa lana masaafuriyaa kaamaroyinka iyo telefonadana laga qaadaa.
Waa cajiib maxay galabsadeen subxaanalaah waa dad la iska xiraayo maxkamad la,aan war ninyahow bal dharaartan
Fiiri sxb raxanreeb waxay kasoo tebinaysaa xaafuun waa jariidad horumar weyn sameysay sxbayaal raxanreeb waxay mudantahay bilad dahab ah meeshaa ka sii wada
asc ragaa la xiray waa rag danbi wayn galay waa jibna ay tahay in maxkamad sida ugu dhaqsiyaha badan la horkeene danbiga ay galeen waa danbi waa xarun ciidan iyo aad ciidan daganyahay ayey sawiro iyo xog ka qaadayeen waa jaasuusiin cadawga puntland iyo cadayga somaliyeed ayey xog u aruurinayen qof kasta ooo wax ka soo horjeeda qaanuunka iyo xeerarka caalamiga ah tilaabo sharci ah in laga qaado helaayu la dhshay fanaanad caan ah buu ladhashay waxaa shareecada waa ka xaaram sharuucda kalan waa ka raaraam danbi hadu galo qofku abaalkkisa la marsiin …hala laga qaado waxa ay wax ku sawiranayeen ……. meel tarikhi ah ayan sawiro ka qaadanaynay waa been ee xog aruuris weeye
ASC, Wax lala yaabo maahan in calooshood u shaqeystayaal ka amar qaata Yuhuud aay waxaas iyo wax lamida sameeyaan dada baa mooda ineey magac ku yeelanayaan laakiin waxaad ogaataan in guryahooda loogu tagi doono kuwa raba ineey dadka baayacmushtaraan oo Tuulada Tigreegu dhisey fadhiya ee Garawe, midna ha ogaadaan shacabka goboladaas dega oo aan anigu ka midka ahay hadaad ka aamustaan arimaha noocan oo kale ah Zunaami ayaa idin qaadi doona inta goori goor tahay Af futo iyo labiisa kabalyeeri haloogu tago tuuladaas sc.
dadka in la iska xiro ayadoon wax danbiya lagu cadayn waa sharci daro waana arin qaldan lkn se hala ogaado ciidamada amaankuna xaqbay uleeyihiin inay ka hortagaan cidii ay amaanka uga shakiyaan ayagoo wadada sharcigaa umaraya marka maamulka puntlandi waxaan ugu baqaynaa in ay dadkaas siidayaan ama ay ku soo cadeeya haday danbi ku hayaa
shacabka puntland , ma weyn ka hali karin dhibta xukuumada faroole iyo argaxnimada dulmiga ah ee maalin walbaa lagu hayo, qof walba oo la xirana maxaa garoowe anarka uga yimadaa,
xukuumada farooke maxaa llooga baqaa??
yaa amniga gobolka qaabilsan??
yaa wasiirka amniga ah??
1 ma khaliif ciise
2 cabdi jamaal
3 cabdirizaaq xareed
4 mise willka faroole
dad badan ayaa dambi laan u xiran oo u ka mid yahay bille qaboobsade
puntland hadii lagu fiirsado xukuumadaan wa la arki donaa meesha ay ku dambeyso
good job … meeshu waa saldhig militry meel la iska sawirto maaha ..waa jawaasiis haday waxaas sameeyeen !!! faanaan meehee ilaahaw muu imaam masjid ahaado wixii horimarkeena ka soo horjeeda ma loo adeesanayo dumintiisa waa in la iska qabtaa !!! dadku faroole ayay la yaabanyihiin anna dadkaan la yaabanayaa , faroole wuxuu ilaalinayo waa dantiina iyo wanaagina dadyahaw ! wixii mucaaradad ah iyo wixii wadaninimo ah hala kala saaro reer puntland-naw waa iga talee..faroole taageeri maayo anigu waxaan taageerayaa wixii dad u ah ummadeena ree puntland .aroole wuu socdaa wax yar baa u haray sanad iyo xooga mar amnigena aan ilaalino wararka la iska sheegana ka baxno maqalkiisa siyaasadana dadka haya haloo daayo faraha haagala baxo wixi la xiro macnaa lagu xiray hadaynan danbi lahay waaa la iska sooo dayn waqti yar ka dib dhib ma leh !!!! amniga mihiimaada koowaad
Puntland maamulka iyo shacabku waa in ay ka foojignaadaan shirqoolada cadowgoodu soo maleegayo. Maxay tahay sababta ragaan keentay degaankaas, waa in maxkamad la soo taaga, laguna qaada danbiga ay galeen, haddii lagu cadeeyo.Anigu waxaanba oran lahaa haddii danbiga lagu helo, jeegada ha laga bireeyo.
walal wiil bari adi webka ha eegine dadka leeska xiraayo bilaa macanah ku xaran maxay yihiin webkana waxa uu ku jiraa kuwa ugu horeeya ee la akhristo uguna shacab badan marka sxb cadaalada ka hadal oo sii baar , biri waxaa ka baqayaa in labadaa ninla raali galiyo markii danbi lagu waayo
maalin walba waxaas oo kalee noo seegtaan websitkaan sumcada hayska qaadin mardambana waxaas oo kale hakusoo qorin wiilasa lacabaa la soo siiyey waxaan la yiri ciidamada mariiniska pl soo sawira dadku xoolo maahan sxb soomaaliand ayeaa soo dirtay waana la o yahay
@FARATELO war ileyn odeyga habartat la saar adeer saar baa u baahantaheey iyo in reer puntland lagaa tumo lkn hadaan ku ogaan lahaa meel aad joogtid walahi badan maalin danbe puntland iyo madaxdeeda ceydeen lkn waa computer meeshu waxaa rabtid iska soo qor nin laangaab ah oo cuqdad disheey baa taheey.
nimanku micne wayn ayay u imaadeen waad la socotaan in UNITED NATION ay puntland jaanis ku raadinayso xaga hubka ay SARECAN keento waxayna raadinayaan sawiro loosoo diray viva puntland iyo faroole
oo meesha miyaanay dawladi jirin? waa maxay sharikad baa laba nin xidhatay?kkkkkkk
garsoor@ sxb magaaca malihid umana adan dhalan meesha aad sheeganayso e maad tuuladaadii garowe iska sheegato intaad magac reerood ku qarabanayso mise waad iska jeclaatay magaca lol
faroole inuu tuug yahaalkii cadow ka gadey waxaa kuu cadeyneysa inuu dalkii keeney calooshood u shaqeystayaal maafiya ah dadkii degaanka u dhasheyna la xirayo maxaad u soo gasheen xaafuun waanba iibiyey sirta ayuu diidayaa allloow ka qabo umada puntlan odaygaan iyo wiilashiisa burcada taageera alloow umiciin dadkii waa la caburiyey waala isku direy tolkii buu kala gooyey daarood buu kala indheeyey isaga iyo caruurtiisa mooyee marabi in cidiba noolaato.
raxanreeb waan idin salamay waxad noqoteen saxaafada ugu afka dheer gayiga somalida wiliba investigative journalismka ayaad ku caanbaxdeen intaas ka dib waxan oran laha ciyaalkaas hala siidaayo dalkan saracen maleh anaga iska leh reer xaafuuna faroole iyo ciyaalkiisa midna doonimayaan kuwan difaacaya faroole dee waan garanaynaa sababta ay dulmiga u difaacayaan balse dulmigu ma waaro mardhowna insha lah waa la iska kicin dona
idinku ha difaacina maamulka faroole waa markii 10aad aan maqlay dad xiran oo aan maxkamad la soo taagin international law ma sheegayo qof layska hayo wax ka badan 24saac maxkamad la,aan hadaad wax ku haysaan halagu cadeeyo hadii kale dadka xoriyadooda waa inay deg deg u helaan hada hadii ay odayaasha waxgaradka hadlaan dheg loo dhigi maayo laakiin amnesty international iyo international cumminity arinta soo galaan wuxuu oranayaa waayahey marka naga daaya difaaca aad had iyo goor difaacaysaan maamulka faroole waa faashil waxaan wax ku tahay waa shacabka haday kugu soo jeestaan ogoow ceeb iyo fadeexad ayaad dhaxlaysaan
I think your all ignorants. my brother didn’t come puntland to spy but to visit his country of origin.
your big time rubbish people and faroole your president used to be a customer for my brother hotel and
my brother helped him even your former president your all ignorants and useless qabiileyste.
Bash my brother is a professional accountant and not a traitor, he came from the United Kingdom but not USA. Xeeb waaye in dad niga cilmi badan ama niga magac dheer aad wasaqeeysaan. Puntland waxa uu u yimid my brother was one thing and it was in uu arko meesha eey iska galaan red sea and indian ocean, i don’t think any thing wrong taking photos but idinka ayaa ka dhigaayo wax weeyn marka waa laga fiican yahay in aad xintam taan sidii naagihii. Bashir mursal ciise bootaan nin idinka la mid ah oo gaari karo ama la tartami karo ma jirto.ma ahan nin jaahil ah but professional accountant. your ignorant who shit with every one. i wonder when you going to learn how to respect humans. waxaad tihiin dad jecel ceeb iyo wasaq.
aniga waa ka xumahey kolka ugu horeyso waxaase aan ka yaabanahey raggan oo aan aqaano si fiican cida xirtey iyo sababka ay ku xirtey intaa markaan ogaado ka dib ayaan ka hadli karaa fikirkeyga hala soo cadeeyo siyaabihii loo xirey iyo danbiga ay geysteenba waa sidaan horey u iriye kolkaa ka dib baan arrigtideyda ka dhiibanayaa waa labo nin oo aan si wanaagsen u aqaano aniga ahaan bashka & super kh
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk faroole waaaa kuday. Hhhhhhhhhhhhhhhhh waxaasa maqli karaaaaa.
mexey ka dooneen xaafuun waa yaaab websiteka wax ha hubsado…
aniga ayaa aqaan meeshan sheekaduna sidaasi mahan
kkk
Mr Omar you talk rubbish, those guys went to see where the indian ocean and the red sea joined,
and they have every right to go and visit every inch in somalia, its their mother land and have the rights to walk freely without getting involved any trouble. edeb yeelo oo xishood. As my brother was going to somalia, one night before his trip remember we had a coffee together in Edgeware road Beirut express and I said to him, somalia is a country of war, there is no law why are you going this time, He said am not going mogadish but Puntland those are my brother they know me my far farthers and I have friends who live there and I must go. Its shocking for his arrest but you guys you have forgotten what histery tells you. He is now got released but Puntland have a lot of questions to answer really, and this was a big mistake.
XIISADA QASKA KU KEENI KARA WADANKEENA ALLAHA KABADBAADIYO SOOMALI WAYN NABAD AYAAN ILLAHAY OGARAJAYNAYNAA MEELKASTA SHIB IYO COLAADA KA OOGANE NABAD IYO BARWAQO
Labo nin oo wax dumar la socon dalxiise maha waa Spies iyo Basasiin Puntland Xaq baay u leedahay waxii Amaanka iyo Qaranka wax Udhimaya in la xiro. Nimankaan waxaay u shaqeeyaan Agencyo
waana Basaasiin hala iska jiro. waa in Cameradoosa laga baxsadaa filmka ayagana la xukumaa oo Example laga dhigaa.
Two men with no female can not be tourists everyone knows who they are spies and enemy of the state.
They should be detained and confiscated their films. PS Please Puntland Prosecute these two spies and make example out of them. Thank you . God Bless Puntland.
Dacaayad aad ku haysaan dalka Puntland idinka ayaa u dhutin doona, waxaan idin leeyahay dalka dacaayada halaga daayo oo halaga shaqeeyo wixii sumcadeena kor u qaadaya, dowladu qof wey xirankartaa tuhun ku jiro xaq beyna u leedahay, mida kale maxaa Ini Mursal Xaafuun geeyay?
Labada wiil soomaali oo idil baa taqaan, waa rag caan ah oo qurbaha ku raagey, waa fanaaniin dadka ilbaxa ah oo idil wada yaqaaniin. xaafuun yaa udiidey soomaalida. labada wiil waxay jeclaysteen iney u dalxiis tagaan dhulkoodi hooyo, from Hargeysa to Xamar ilaa kismaayo ayey rabeen inay isha mariyaan.
Waa mawaadiniin waddnkooda jecel oo wax qabadkoodana la wada ogyahay ee maxaad ku xirteen.
Mise ciidanka calooshood u shaqaystayaasha la sheegayey baa iska xirta ciddey arkaanba.
war bodowyahay dawladnimana wax kama ogiidiine soo daaya wiilasha.
mise maba kala taqaaniin shakhsiyaasdka qarameed iyo burcad badeedda iyo Alshabaab.
website yada ka eega King Khaalid yuu yahay?
Alshabaab baa ka buuxda bari iyo sanaag iyagoo guutooyin ah, kuwaas maa wax ka qabataan?
war waa ceebtaase, iska daaya wiilasha si deg deg yaan la idinla yaabin.
Afarta xabbo south Afrikaanka ah ee calooshood u shaqaystayaasha ah waxba idibka celin mayaane.
fulaynimo intaas gaareysa weligey ma maqal.
Walaalayaa,
Ugu horreyn waa salaamantihiin. Teeda kale, anigaa ah Bashir waxaan mahad weyn u soo jeedinayaa Raxanreeb.com dadaalka ay noo sameeyeen. Wiilka ila socday waxaa la yiraahdaa Khalid Abuukar, waa fanaan weyn oo deggan Sweden loona yaqaan Super Khalid. Kama aanan soo degan Hargeysa, Hargeysa airport waa kan dayactirka lugu hayo. 7dii September ayaan Berbera ka soo degannay waxaan soo booqannay Hargeysa 7dii iyo 8dii Sep. Berbera, Garoowe iyo Boosaa waa run waa soo marnay oo si fiican dadku noogu soo dhoweeyeen. Maalintii 12ka September waxaan booqannay Madaxtooyada Boosaso oo Saciid Dheere ayaa nugu dhooweeyey oo si fiican oo qaabilay. 13kii Sep 12 waxaan seexannay tuulada Gargoorre, si fiican ayaa dadku noogu soo dhoweeyeen, halkaa waxaa caruurta tuulada ku siinnay kubbad aan Egnald ka soo iibinnay. 14kii September 2012 ayaan Xaafuun 9:40am soo galnay, waxaa ia joojiyey ciidankan lugu sheegay in ay iskood u madaxbannaanyihiin oo lo yaqaan Saracen International. Waa isku sheegnay inaan u soconno Xaafuun oo aan nahay dad ka yimin UK and Sweden. Taliyaha qeybta ciidanka ah ee jooga Xaafuun Cabdiweli ayaan u sheegnay inuu tuulada noogu yimaado nala qadeeyo si aan isu wareysanno. 15kii Sep wyuu na arkay annagoo ku soconna Xaafuun duleed, waxaan rabnay in aan isku soo sawirno cirifka geeska Africa ugu dambeeya iyo minaaradda gabowday ee weli ka taagan buurta dusheeda. Soo noqodkeennii 11:30am mar ay ku dhowdahay, ayuu nala hadlay; waxaan u sheegtay in uusan shalay noo imanin, wuu cudur daartay isagoo leh masquul buu ahaa. Waa qadeennay, salaadii duhur tukannay markii saacaddu aheyd 14:00pm ayuu isbaaro noo dhigtay isagoo wato ciidan nuguna xabbisay meel Dusgi ah oo ay ku qorantahay Dugsiga Hoose Dhexe ee Gen Cadde. Waxaan u xirneyn ciidankan 15kii – illaa 20kii Sep 2012. Gaarigii aan wadannay iyo shufeerkiisii Liibaan Xaaji Timirre, waxaan maxaabiis iyo xurriyad la’aan aheyn 6 maalmood.
Waxaan kubbad aan England ka keennay u geynay carruurta Xaafuun. Tuulo ku dhow Xaafuun oo loo yaqaan Karduush, iyadana carrurta joogta waxaan u iibinnay kubbad dukaanka Xaafuun taallay.
Waxaan u ballan qaadnay Tuulada Gorgoorre in aan ka caawinno diinimo tayo leh oo ceelkoodu u baahan yahay. Tuulada Dooxa gibin oo aan ku tukannay casar 13/09/12 waxaan u ballan qaadnay electric generator oo ku buuxsadaan telephoonnada.
Saracen waxay yiraahdeen:
1) Dabagaabyo ayaa qabnay = BEENTOOD
2) Sawirro ayaan xeryo ciidan la qaadnay = BEENTOOD
3) Filimo ayaan duubeynay = BEENTOOD
4) Basaasnimo ayaan u soconnay malaha = NEEDTOOD
5) Waxaan baareynaa Camerooyinkeenna = WAXBA WAA KA WAAYEEN OO AHEYN DHULKA QURUXDIISA IYO CIMILADA EEBBE KU MANNAYSTAY.
6) Naabadgekyadiinna ayaan sugeynaa = BEENTOOD, balo aan iyaka aheyn dalka ma joogto.
Garoowe ayaa nala keenay, haddaan been la sheegeen raggii mna qaabilay oo Mohamed, Candi iyo Abshir laka yiraahdo si fiican ayey noola dhaqmeen, waxay na siiyeen wixii hore nalooga qaaday oo ahaa boorsooyin iyo kaamerooyin iyo mobile phones. Waa ka diidnay cunno iyo jiif, hoteelkii aan hore ugu degnay 9kii Sep ayey na geeyeen, annagaa baxsannay lacagteenna oo iska bixinnay cashadeenna. Maalintii 21ka Sep 2012 ayaa Abshir iyo Mohamed noo yimaadeen oo baaburta Hargeysa aadeysa na saareen. Maamulka Garoowe waa naga dhuunteen, waa ay noo quuri waayeen in ay raalli ahaada na riyaadhaan. Lacagtii gaariga aan ku kireysannay waxay aheyd $1050.00, hal maalin iyo nus ayaa ismicmaalnay. Ninkii gardarrada loo xirtay ee gaariga lahaa cidna ma oran raalli ahow.
144 saacadood ayaan gardarro ugu xirneen dalkeenna hooyo. Haddana cidna wax uma qabno waxaase ayaan darro ah in dalka uu joogo ciidan aqoontoodu yartahay oo sidii South African Solders u dhaqmaya. Badankood ma tukadaan, masaajidka Xaafuun kuma tukadaan, dadka reer Xaafuunna kuma laha sharaf iyo sumcad toona.
Waxaan mahad ballaaran aniga iyo Khalid u soo jeedineynaa Guddomiye ku-xigeenka Xaafuun, shacbiga reer Xaafuun iyo qaar ka mid ah ciidanka oo si fiican noola dhaqmay kana dhiidhiyey afduubka xaqdarrada ah ee naloo geystay.
SAXID:
Bilowgii September ma iman Somalia = Waxaan Berbera ka soo degnay 07/09/12
Magaca Khalid Sbeyr ma aha = Waa Super Khalid
Degaankeenna us ma aha USA = Anigu waxaan ku noolahay UK, Khalidna Sweden.
*** Hadii aan websites-ka nalaku soo qori laheen, Saracen waxay naga iibin laheyn Mareykanka waa nala waayi lahaa bilo badan.
runtu waa sidaa.
Bashir Mursal Ciise
Walaalayaan,
RUN QAAWAN:
Ugu horreyn waxaa mahad weyn leh ilaahay nabad nugu keenay dalalkii aan aniga iyo Super-Khalid ku nooleyn. Waxaa kadib leh mahad gaar ah dadka reer Xaafuun oo muujiyey dadnimo markii ay igaadeen in gardarro naloo afduubay oo xurriyadeenna 144 saacadood (muddo ku dhow 7 maalmood) ciidan aan la aqoon meesha laga xumuko iyo cidda kireysatay ay nugu heystaan Dusiga Hoose Dhexe ee Gen Cadde Muuse.
Aniga iyo Kahlid waxaan ka soo degannay Garoonka Diraadaha ee Berbera 07/09/2012. Waxaan booqasho dalbarasho ah u gaarnay tuulooyin badan, iyo magaalooyin badan oo kala ah: Hargeysa, Berbera, Skeikh, Buco iyo Laas Caanood. Maalintii Dooradhada Madaxwweynaha cusub ee Dowladda Soomaalia, waxaan joognay Garoowe, laba maalmood oo nasasho ah markii aan ku qaadannay Garoowe, waxaan u sheegnay socdaalkeenna laba nin oo u shaqeeya Maamul Goboleedka Puntland.
Waxaa sheegis mudan sidii sharafta badneyd ee Hargeysa iyo Berbera noo soo dhoweysay, xataa waxaa dhacday in Radio Hargeysa naga wareysteen safarkeenna September 2012. Aniga iyo Khalid ma aan aheyn rag Somaliland ama Puntland casuntay ama laha bixiyey diyaaradda ama hotel loo koreeyey, safarkeennu wuxuu ahaa min aan rabnay inaan dadkeenna iyo ciideenna Somaaliyeed ku soo gaarno booqasho, daltabyo na haysay darteedna aan ku faraxsaneen inaan dadkeenna dhinac ka raacno. Waxaan mahad ballaaran u soo jeedineynaa Horn Cable Shaqaalahooda, Radio Hargeysa maamulkooda oo runtii oo miijiyey Somaalinimo, soo showeyn wacan iyo walaalnimo qaali ah. Sidoo kale, waxaa nugu soo dhoweeyey Garoowe Burhan Cilmi iyo aan walaakiis saaxiib nahay oo ina Farabadne la dhoho oo habeen na casho geeyey. Waxaa mahad leh oo aan hilmaan ku jirin Canwiweli iyo Amiin Haji Kheyr oo iyaguna nugu soo dhoweeyey Boosaso, qado wanaagsan iyo baabuur oo gaar ah iyo wedihiisii oo galab dhan nugu soo wereejinaayey xeebta Boosaaso.
Wax qarsoon ma aha inaan Qardho iyo Boosaaso booqannay, oo weliba seennahay laba habeen magaalada Boosaaso. Maalintii bishu aheyd 12kii September 2012, waxaan daawasho ku tagnay rugta Madaxtooyada ee Boosaaso, Gen Saciid Dheere oo ah ninka ciidammada ugu sareeya ayaan soo salaannay, oo runtii nugu soo dhoweeyey goobtaas, waa u sheegnay inaan Bari u soconno. Saciid Dheere wuxuu noo sheegay in dalku nabad yahay haddii aan u baahhanno ciidan iyo haadiidna uu diyaar noola yahay. Waa u mahadcelinnay, waxaana ku kalatagnay
Laba kontorool ayaa soo marnay, kan Garoowe 09/09/12 iyo kan ku yaalla bannaanka Boosaaso. Labada meeloodba ciidanka jooga waxaan tusnay British Passport iyo Swedish Passport. Xaafuun waa loo sheegay inaan soo soconno, waa ay nasoo dhoweeyeen, waxaa nala siiyey jiif iyo cunno wanaagsan, sicii Somaali lugu yiqiinnay, waa aan u riyaaqnay 12kii Sep 2012 sidii tuulada Gorgoorre ay noo soo dhoweysay, waa ka helnay sidii wacneyd ee dadka tuulada Dooxa Gibin noo soo dhoweeyeen. Waxaan 13/09/12 u gudubnay Garduush oo aan galbihii soo booqannay. Labada Tuulo oo kala ah Garduush iyo Gorgoorre waxaa u dhaafnay hadiyad kubbad cagta ah. Xaafuun sidoo kale waxaan siinnay kubbad tayo leh. Waxaan aragnay xaafuunta tsunamidu cuntay, Xaafuun cusub iyo Dul Xaafuun oo ah meesha ugu horreysa ee Afrikadu qorraxda ka aragto. Waxaan aragnay minnaaradda howsha gabtay ee u daxaleysatay Dul Xaafuun. Mar kasta iyo meel kasta ee aan tagnay xafuun iyo agagaarkeeda waxaa nala socday Guddoomiye Kuxigeenka degmada Xaafuun Yuusuf Cabdillaahi Sanyare. Ma uu diidi laheen inuu ka hadlo siday wax u dheceen, laakiin wuxuu aad uga carooday siday wax u dhaceen, inuu xanuunsaday oo dhiig kar ku kacay ayaa aniga isoo gaartay.
Wakhti ku dhow 2dii duhurkii 15/09/12 ayaa waxaa jidka looga baxo Xaafuun oo istaagay Baabur Toyota ah uu la socdo nin iskuu sheegay inuu yahay sarkaal, Cabdiweli la dhoho oo aniga ii sheegat in amar lugu siiyey inuu nugu hayo dugsiga ay deggenyihiin ciidanka uu taliyaha u yahay. Markaan weydiinnay cidda amarkii siisay, wuu diiday inuu noo sheego. Anina, shufeerkeennii Liibaan Xaji Timirre, Khalid Abuukar oo loo yaqaan Super-Khalid iyo 4WD Land-cruiser aan wadannay oo Baasaaso kazoo kireysannay waxaa dugsigaan nalugu heystay 7 maalmood.
Wadihii baabuurka aan kireysannay waxaa uu xirnaa 7 maalmood, maalintii ugu horreysay wuxuu yiri “raga kiro $150 maalintii ayaa ku socota, yaa bixinaaya”? Taliye Cabdiweli wuxuu yiri “waa naqaannaa soosto, anna ayey nugu socotaa”. Maalintii ina Xaaji Timirre lugu yiri iska bax oo Boosaaso ku noqo waxay aheyd 20/09/12, wuxuu weydiiyey lacagtii kirada, wey ku qosleen. Aniga iyo Kahlid ayaa Liibaan siinnay kiradiisii xaqa uu u lahaa.
Ayaan darro waxaa ah in dad Soomaali ah loola dhaqmo si ka baxsan xuquuqda aadanaha. Illaa iyo hadda aniga iyo Khalid iyo Liibaan Xaaji Timirre, ma heyno 1) Explanation 2) Compensation 3) Apology.
Sidaa ayey wax u dhaceen.
Bashir Mursal Ciise Bootaan
London, UK.
Ku Dereya,
Xaafuun ma adigaa leh? gaalada buurta fuusha waa xambaartaan Somaalida dalka u dhalatayna waxaad isklu daydaan inaad hot istaagtaan. Nasiib darro ayaa ku heyso Dereya, waxaad tahay doqon aa runta jecleyn. Waxaan maqlay in Bashir uu muddo laba sano ka hor u sheegay Puntland inuu Xaafuun imaan doono so uu Library uga dhiso usoo guuro. Uma maleynaayo in raggaas qiimaha leh ee Somaaliyeed ku soo noqon doonaan Puntland. Dowlad kusheegga Garoowe waa garan waayeen inay raalli ahaada xataa ku yiraahdaan.
Madar, Dubai.
Bandarqasimi, ka warra hee haddii sawirrada aan sheegeysis ee askarta baawasiirka ku dilay xaafuun ay interntka ka buuxaan. Hal sawir oo askar ama xero ciidan lagama helin kamarooyinkooda. Guddoomiye ku xigeenka ay la joogeen 2 maalmood, meel jato isaga ayey isku raaceen. Aan kuu caqli celiyo nacasyahow, xiro ciidan xaafuun kuma taallo, waxaa joogo 30 askari oo dharkii ku ureen oo ku nool iskool carruurta xaafuun loogu talagalay in ay wax ku bartaan. Maqashay in askarta dhexdooda ay ka tafatay? ma mqashay in tuulada dadka deggan ku sigteen in at weeraraan xerada askarta? ma ogtahay dadka aad ku sheegeysid spies in ay adiga, askarta ariga Garoowe jooga ka waddanisanyihiin? — teeda kale, waxaa askarta laftooda sheegeen in ay la joogistooda ku reysteen, ilaa xaafuun to iskushban askarta jirratay iayakaa first aid-kooda ka daaweynaayey. Taliyaha ciidan futada nabad weyn kaga soo baxay iyakaa siiyey daawooyin uu ku caafimaado. Wax ma kuu sheegaa doqonyahow, hubso inta aadan furin afkaaga uraayo. Aniga abti aan ugu aaddanahay Super Khalid, imana yaqaanno, laakiin aniga waxaa ku oran lahaa, jooji taageerada aad siisi Puntoland xafladeeha sannad walba. Ma istaahilaan in loo tago ama la caaawino qowleysato garoowe joogto oo Puntland oo dhan magac xumo usoo jiidday. Bari dadka joogo ka kaca hurdada, faroole iyo wiilkiisa waxay ceebtaas noogu keeneen in aad cidna idiin imaan oo laga cabsiiyo dadkii jid ama isbitaal ama dugsi idiin dhisi lahaa. Kaca istaaga oo iska kiciya askarta ku jirto dugsiyadiinna. Madar, UAE.
Dhabayaco maamul ma taqaan, faan bay meesha ku hayaan iyo
Inay umada meles sanawi kasoo carartay ee(oromada) iyo
Reer baydhada bada ku daadiyaan. Xishooda
Aniga waxaan nasiib u yeeshay inaan Bashir weydiiyey wixii isdaga iyo Khalid ka qabsaday Xaafuun. Wuxuu iigu jawaabay Ali walaal wixii dhacay waa dhaceen, waxaa muhim ah annagoo nabad qabna in aad guryaheenna kusoo noqonnay. Kuma oran karo ayuu I riri isagoo hadalkiisii sii wato ku ordaayo baabuur sugaayey, anigoon qofna ku dambaabeen, Puntland waa naga jajabisay haddaan been la sheegeen, waa cashar aan marna illoobi karin ayuu iri. 3 maalmood ka bacdi waxaa ku arkay makhaayadda Jubba, wuxuu la fadhiyey Boos Caato iyo Super Khalid, qosol iyakoo kujiro, runtii laba nin oo qaali ah dadkoo dhan jecelyihiin, wuxuu igu dhahay “Wiilka faroole waligiis ma joogi doono Garoowe, meeshuu iga galo ayaa la arki doonaa markay ii ii caddaato inuu isaga dambeeyey 7/dii maalmood iyo 7/dii habeen uu dalkeyga xurriyadda iiga qaaday isagoo ogsoon in uusan igu heysan karin dugsiga hoose/dhexe ee xaafuun. Aniga iyo ina Faroole waa noo gelin dambe ayuu yiri.