DEG DEG: C/weli Gaas, Baadiyow, C/qaadir Cosoble Iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo Wadahadal Deg Deg ah Yeelanaya
Muqdisho (RBC) Waxaa haatan bilawday kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan musharixiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble.
Kulankan ayaa irdaha loo xirtay waxaana la arkayey afarta nin oo wadahadal ku leh xarunta Gen Kaahiye.
Lama oga wadahadalkan laakiin wariyaha Raxanreeb ayaa sheegaya inay dhici karto in C/weli Gaas, C/raxmaan Baadiyow iyo C/qaadir Cosoble codadkooda ku wareejiyaan Xasan Sheekh.
Natijada hordhaca ah
Natiijo hordhac ah oo ay sameysay Raxanreeb illaa hadda codadka la iwaxaa loo kala horeeyaa sidan.
1- Shariif Sheekh Axmed = 64 cod
2- Xasan Sheekh Maxamuud = 60 cod
3- C/weli Gaas = 32 cod
4- C/qaadir Cosoble Cali = 27 cod
Waxaa muuqata in wareega labaad la geli doono waxaana la qaadan doonaa afarta musharax ee ugu codadka badan.
Musharixiin badan ayaa la rejeynayaa in Xasan Sheekh loogu daro codadka, waxaana baarlamaanka ka muuqata nacaybka LABADA Shariif sida uu soo sheegayo wariyahayaga oo ku sugan goobta shirka taasoo ka dhigeysa in wareega labaad ee doorashada isugu soo haraan Xasan Sheekh iyo Shariif Axmed.
Dhanka kale Shariif Axmed ayaa haatan bilaabay inuu la hadlo musharixiin uu ka mid yahay C/laahi Axmed Caddow isagoo aan la ogeyun waxyaabaha uu kala hadlayo.
La soco RBC Radio.














