DEG DEG: Dekadda Kismaayo Oo Caawa Madaafic Lagu Garaacay
Kismaayo [Radio RBC] Wararka naga soo gaaraya magaalada dekadda leh ee gobalka Jubada Hoose Kismaayo, waxa ay sheegayaan in dhowr madaafiic ah oo ay soo tureen maraakiib dagaal ay ku dhaceyn dekadda.
Madaafiicda oo laga maqlay magaalada xilligii salaadda Cishaha, ayaa waxa ay qalqal galisay dadka ku nool magaalada sida ay sheegayan goobjoogayaasha ku sugan halkaaas.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda caawa ku dhacday dekadda Kismaayo oo ah halka dhaqaalaha uga badan uu uga soo xaroodo Al-Shabaab.
Sidoo kale Al-Shabaab kama hadlin madaafiicda caawa ku dhacday dekadda Kismaayo, waxana magaalada ka jirta caawa cabsi ballaaran.
Weerarka caawa lagu qaaday dekadda Kismaayo ayaa yimid,markii maanta magaalada Al-Shabaab ay jidadka ku jiid-jiideen meydadka askar ay sheegeyn in ay ahaayeen kuwa Kenya iyo Soomaaliya, oo lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay eek a dhacay gobalka.
Magaalada waxa ka jira xiisad dagaal, qaar ka mid ah dadkii ku noolaana wax ay bilaabeen in ay ka soo cararaan si aysan dirirta u qaban.
Qof ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Raxanreeb u sheegay in dadka ay u qaxayaan dhanka degmada Jilib iyo tuulooyin kale oo ay ka mid tahay Goobweyn, Mareeray halka dadka qaarna ay aadeen dhanka degmada Jamaame oo xeebta ku taalla.
Qiimaha lagu raaco baabuurta ayaa sare u kacay iyadoo qoysaska aysan wada awoodin inay baabuur kireystaan si ay u guuraan.
Magaalada Kismaayo waa magaalo xeebeed ku taalo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya,, waa caasimada gobolka jubbada hoose,
Waxa ay ka mid tahaya meelaha ay ku xooggan tahay Al-Shabaab oo dagallo badan ay ku faran yihiin, waxa ay caasimada Soomaaliya Muqdisho ay u jirttaa528km,waxaana magaalada hormaro Wabiga Jubba oo biyahiisa ku shubto Badweynta Hindiya.
Kismaay waxa dadka ku nool lagu qiyaasaa ilaa 183,300 oo qof, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka dagaalada ay halakeeyeen ama saamenta ku yeeshay.
RB C Radio
============
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] View the original here: DEG DEG Ah: Dekadda Kismaayo Oo Caawa Madaafic Lagu Garaacay [...]
[...] See the original article here: DEG DEG: Dekadda Kismaayo Oo Caawa Madaafic Lagu Garaacay [...]
Kismaayo dadkeedii baa dayacay ee Khawaarij ma qabsan leheeyn….hadeey qabsadeena diin beey noogu soo gabadeen, maantana ilaahay wuxuu un soo diray gaalo ka awood badan oo eeysan waxba isdhaamin maadaama eey khawaarij isla yihiin