Guddiga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Tirada Musharixiinta Sharuudaha Buuxiyay (Akhri Magacyada)
Muqdisho (RBC Radio) Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyey goordhow qabashada araajida Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dalka, iyagoona ku dhawaaqay tirada Musharixiinta.
Afhayeenka gudiga doorashada Xildhibaan Cismaan Ibraahim Libaax oo hada shirjaraa’id ku qabanaya magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in musharixiinta buuxiyey sharuudaha musharaxnimo ay yihiin 25 Musharax.
Musharixiintaan ayaa waxaa ku jira masuuliyiin iyo siyaasiyiin magac ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, kuwaasi oo haatan doonaya in ay ku guuleystaan qabashada xilkaan.
Tobanka bishan September oo ku beegan maalinnimada Isniinta ayaa waxaa lagu wadaa in doorshada madaxweynaha Soomaaliya lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoona labada maalmood ee soo socota mushrixiinta ay khudbado u jeedin doonaan baarlamaanka Soomaaliya.
Magacyada musharixiinta buuxiyey shuruudaha oo dhameystiran:
1- C/raxmaan C/laahi Baadiyow
2- Xasan Sheekh Maxamuun
3- Shariif Sheekh Axmed
4- C/weli Maxamed Cali Gaas
5- Axmed Ismaaciil Samatar
6- Maxamed C/laahi Farmaajo
7- C/laahi Axmed Cadow
8- Maxamed Axmed Saalax
9- C/waaxid Cilmi Goonjeex
10- Xaaji Maxamed Yaasiin
11- Maslax Maxamed Siyaad
12- C/raxmaan C/Shakuur Warsame
13- C/qaadir Cosoble
14- Bashiir Nuur Bidaar
15- C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
16- Cumar Salaad Cilmi
17- Yuusuf Garaad Cumar Axmed
18- Salaad Cali Jeelle
19- Siciid Ciise Maxamuud
20- Maxamed C/laahi Oomaar
21- Maxamed C/weli Sheekh Yuusuf
22- Cismaan Maxamed Gacal
23- Ibraahim Cali Xuseen
24- Xuseen Khaliif Jaamac
25- Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
_________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















[...] More: DEG DEG: Gudiga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Tirada Musharixiinta Sharuudaha … [...]
Waxaan oo dhan ma madaxweyneey rabaan? ala somalidii madaxnimey u waasheen. ilaahow dawee
farabadanaa ALLAH mid kheyr qabo oo umada daacad ugu adeego ha nooga soo saaro.
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Ilaahayow kii dalka,dadka iyo diinta udanaynaya adaa garanayee talada noogudhiib
Wow adban usodhawaynaya musharaxiinta somaliya waxan tagersanahay maxamed clhi farmajo waxn urajaynaya in uukugulaysto madaxwaynaha sanadka wan huba hadii sixaqa udhacdo in uuku guulaysanayo farmajo
Encourage the parliament members to select from the group the best person with vision, who is honesty,flexible, team player and above all well educated…It is now or never for Somalia and huge responsibility is on the shoulders of each Parliament member. Fear Allah and fear for the next generations. There is more than enough resources for every Somali in the country. Let us act like human being and start sharing, talking to each other not killing each other. Let us elect new face that is not tainted already with accusations. I believe this very fair… Please don’t disappoint us(parliament members). Do the right thing as you did when you selected the House Speaker. Make us happy one more time. Your job will be easier if you elect the right person. Myself, I don’t know who is the right person for this job…But if I was in your shoes I will do my due diligence and make sure the most qualified person for the position for this time is elected…I am miles and miles away from the election location physically but spiritually, mentally am there. …Don’t feel mad and helpless when you see mothers with children, old people and handicapped persons in campus in neighboring countries with dare situation. Let us wake up and get back our dignity that we lost many, many years ago.
Good luck and God bless Somalia
Waa nasiib daro haddii Salad cali jeele iyo Sakaiye Maxamud Xaji isu soo taageen doorashada madaxweynaha soomaaliya. Waxayse u badan tahay inay isaga huleelaan iyadoo aan lagaarin Sept 10 oo halkaas ay kaga dhimato $10,000.
Waa qiyaasteyda ee ma ogi qeybka.
Maxaa laga rabaa Warlord ka Xamar Jooga Ineey Galaan Parlament ka Hadiiba Maslax Max’d siyaad & Salaad cali jeele ba u Cararayaan Ineey wadanka Hogaa miyaan helaana Jagada Ugu sareeysa. Maslax Ma waxuu rabaa oo hami kaga jiraa inuu Soomaalia Hogaa miyo ? Kaaley Aawey Qolyihii Ninka Miskiinka oo Xanuun San waa Max’d Cali samatar Maxkamada Ku mashquuliyay Maad Aadaan Ina siyaad isaguba Janan buu Ahaa Dowladii Militaryga Xasuuqii ka dhacay Puntland & Soomaliland ba Sitoosuu masuul uga Ahaa, Soomaaliya Umalayn maayo in Cadaaladi imaanayso Inta Haraadigii Dowladii Kalitaliska aheyd ,Warlord & Thugs Aan Xabsi Lagu gurin , Viva Puntland & Soomaalia
Xildhibaannada ha ka cabsoodeen Ilaahey oo ha doorteen Muwaadin badbaadinaya Dalka iyo Dadka
Soomaaliyeed. Kuwii horay madaxda iyo Dowladda KMG waa aragnay waxa aay qabteen, umana
baahna faallo badan. waxaa ku filan sida aay u dayaceen Dhulbadeedkii Soomaaliyeed oo illaa
iyo hadda aay ka aamusanyihiin ayagoo arkaya in Shirkadihii batroolka aay la baxayaan bilahaan soo
socda. Lama filayo in kuwaasi haddii uu midkood ku guuleesto Madaxweyne nimada in uu badbaadinayo ee horay ayuu usii iibinayaa oo fulinayaa danaha laga rabo.
Xidhibaanow adigaaa badbaadin kara Dalka ee digtoonow.
Adeer waxba ha sheegan soomalida maanta waanu ku oganahay soomalidii hore ee dambiga ka galay soomalida ayaad tahay reerkii amxaaro dalka kusoo hogaamiyey. Adoo guna oo dabadhilif ah oo soomaali oo dhani ku necebtahay ayaad hadlaysaa basaadyow kadaa wadaniyiinta gobta ah ee isku kalsoon afkaaga amxaaryahow aan soomaaliga ahayn.
puntland boy
maslax maxamad kabahiisa xataa ma baalashi kartid.
doorashadii jabuuti shariifka rag loosoo qoray ayaa shariifku ku guulestay oo maslax ayaa lahaa
GAASKA aad taageersantahay oo bada saxiixay bal aan aragno wareega hore in uu soo gaaro. gaagaab codkiisa koley wuu xaday ee bal madax weyne hasoo gaaro.
soomaalida over 60% ayaa aaminsan in maslax iyo aabihiis xukunkoodii uu dhaamo waxa lagu jiro oo aduunka dadka ugu hooseeya somali noqotay kaamamka dadaab iyo liibiyana lagu kufsado gabdhaha soomaalida oo aidsku kuwada dhacay kuwa puntland iyo soomaliland ku qadhaabta ayaana wadanka u horseeday oo magacyo kale xiligaas watay sida snm iyo ssdf
@ Aalg, well said, and I totally agree your plea to the honorable members of the parliament to get it right this time. Though, I may add, I know for a fact who the right person to lead us in the next Four years, and that is the current Presiden Sheikh sharif. He has the vision and all the qualities & qualifications you mention here. Let us give ourselves and President Sheikh Sharif another chance to revive and resurrect our Third Republic of Somalia.
@ Puntland boy, waa runtaa, dad badan oo madaxweeyne u tartamaayo ayaa “indhaha Somali badan” u arkaan in eeyba ka danbi badan yihiin, ama ka daran yihiin Warlords ka la dhahay xildhibaan ma noqon kartaan. Taas waxaan u arkaa cadaalad daro, sababtoo ah, waa in sharciga dadka dhan wada qabtaa, oo aan dad gooni ah la bartilmaameedsan, specially when we are talking about “truth and reconcialiation” iyo dib u heshiin dadka Somaliyeed oo wax badan kala tirsanayo. God Bless Somalia.
Waa nasiib daro haddii Cabdi Wali GAAS iyo Shariif isu soo taageen doorashada madaxweynaha soomaaliya. Waxayse u badan tahay inay isaga huleelaan iyadoo aan lagaarin Sept 10 oo halkaas ay kaga dhimato $10,000.
Waa qiyaasteyda ee ma ogi qeybka.
ku socoto: somalida maanta
Afkaaga ka qabso Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi….waa nin wadani oo qof walba oo somaali og……………..adigu dabo dhilif ayaad tahey…..abihiin …….Zanawi waa baktiyey…….
Puntland boy@ bowe maxa ku daaray mise xin qabiil aya jira kkk ninkii ilahay u qoray aya madaxwayne noqonaya ee iska dulqaado kolay maanra cidna raysal wasaare gaas ma rabtee somali oo dhan aya si guud u diiiday inyar oo ku beel ah mooyee
Anigu waxan leeyahay Yuusuf Garaad waad arki doontaan waxa kale bada ku shub
Guddiga doorashada Madaxweynaha Somaliya, waxaan u soo gudbinaya taladan; fadlan baarlamaanka iga gaarsiiya in ay doortaan ninka ugu runsheegsan oo ay ka muuqato hadalkiisa in ay kadhab tahay waxa uu sheegayo. midka dadka ka sari kara qaxootiga, dalka kheyraadkiisa soo saari kara. soomaaliya sharafkeeda soo celi kara, isku filnaasho dhaqaqaale gaarsiin kara, tuugsiga ka sari kara. ilaaahay ha na waafajiyo midka soomaaliya ugu kheyr badan. aamiin