DEG DEG: Jawiga Muqdisho oo Isbedelay, Dhawaqa Rasaasta iyo Dabaaldega oo Caawa Magaalada Ka Socda
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow isbedelay jawiga magaalada Muqdisho kadib markii musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay jagada madaxtinimada Soomaaliya.
Natiijada codadka ee hordhaca ayaa sheegaya in 193 cod uu helay Xasan Sheekh halka Shariif Axmed uu helay 79 cod.
Waxaa caawa xamaasad iyo farxad ay ka socotaa xaafadaha degmooyinka magaalada Muqdisho. Waxaa dhacaya rasaas cirka loo ridayo iyo mashxarad ka dhacaysa guryaha iyo waddooyinka muhimka sida KM4 iyo wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Waxaa mur qura isbedelay xaalada magaalada waxaana bilawday in heeso wadani ah laga baahiyo idaacadaha gudaha ee magaalada Muqdisho. Waxaana dadka ay bilaabeen in fariimo qoraaleed la isugu diro telefoonada gacanta ee moobilka oo dadka ay isugu hambalyeynayaan.
RBC Radio














