DEG DEG : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ku Dilay Gaarisa Labo Boolis Ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaarisa (RBC Radio) War hadda naga soo gaaray magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan goordhow ay ku toogteyn halkaas labo boolis ah.

Wariye ku sugan xeryaha qoxootiga Kenya ayaa u sheegay RBC Radio in rag hubeysan ay toogteyn labo ka tirsan booliska dalka Kenya.

Waxa kaloo kooxda hubeysan ay qaateyn qoryihii ay wateen labada booliska ah.

Dilka caawa ka dhacay Gaarisa ayaa waxa u immaanayaa iyadoo maanta duhurkii qarax labo ah uu ka dhacay goob kaniisad ah oo ku talla Nairobi gaar ahaan xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii, halkaasoo ay ku dhinteyn hal qof seddax kalena ay ku dhaawacmeyn.

Ma jiro koox sheegatay weerarkii maanta ka dhacay kaniisadda, laakin ciidanka Kenya waxa ay ku eedeeyeen Al-Shabaab oo dagaallo ka wada gudaha Soomaaliya

Ciidanka Kenya iyo kuwa AMISOM ayaa hadda ku sugan magaalada Kismaayo, halkaasoo shanti sano ee la soo dhaafay ay ka arrinaayay Al-Shabaab.

Weerarkii maanta lagu qaaday kaniisadda St. Polycarp ACK ee xaafadda Islii  ayaaa waxa loo xiray wariyaal Soomaali ah, kuwaasoo ka agdhawaa goobta.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “DEG DEG : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ku Dilay Gaarisa Labo Boolis Ah”

  1. [...] See more here: DEG DEG : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ku Dilay Gaarisa Labo Boolis Ah [...]

Leave a Reply