Madaafiic Teel Teel ah oo Ku Soo Dhacaysa Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Ciidamo Xoog Leh oo Shabaabka Xalay Soo Geliyeen Magaalada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaafiic xoog leh oo si teel tel ah u soo dhacaysa ay ku soo dhacday deegaanka Yaaq Sacmooja oo dhanka galbeed qiyaastii 60km kaga beegan magaalada.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in madaafiicdan oo loo maleynayo qoriga BM-ka ay ku dhacday dhul buuraley ah oo magaalada ku wareegsan dhanka galbeed, iyadoo aan la ogeyn haddii ay wax khasaare ah geysteen.

Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan waxaan dad magaalada ku sugan ay noo sheegeen in daryanka madaafiicda laga maqlay magaalada gudaheeda. Sidoo kale waxaa dhaqdhaqaaq aadu sareeya wada ciidamada Al-Shabaab oo magaalada gudaheeda weli ku sugan.

Dhanka kale ciidamo aad u fara badan oo ka yimid dhanka Shabeelaha Hoose ayaa xalay magaalada soo galay kuwaasoo ku soo biiray ciidamada Al-Shabaab ee ku haray magaalada.

Ilo wareedyo ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamadan oo tira ahaan dhowr boqol gaaraya ay magaalada soo galeen habeenkii xalay waqti dambe iyagoo ku hubeysan hubka gaarbaha lagu qaato iyo qoryaha fudud ee boobayaasha.

Al-Shabaab waxay maalmihii u dambeeyay xoogooda ka saareen magaalada Kismaayo iyadoo saraakiishooda sare iyo xaasaskooda ay ka guureen magaalada si aysan dagaalada ugu qabsanin, waxaana sida dadka deegaanka ay sheegayaan magaalada ku harsan ciidamo u diyaarsan dagaal oo u badan kuwa lugta iyo kuwa qaraxyada kuwaasoo ay ugu talagaleen in magaalada dhexdeeda ay ku diriraan.

Illaa hadda ciidamada huwanta ah oo ka kooban maleeshiyaadka Raskambooni iyo ciidamada tirada yar ee dawlada iyo ururka Al-Shabaab oo ka soo horjeeda ayaa dhan kasta wuxuu ka fekerayaa istiraatiijiyad uu ku heli karo magaalada Kismayo, waxaana dhinac kasta heysta caqabad gaar ah.

La soco wararkeena dambe.

RBC Radio

 

Share

6 Responses for “Madaafiic Teel Teel ah oo Ku Soo Dhacaysa Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Ciidamo Xoog Leh oo Shabaabka Xalay Soo Geliyeen Magaalada”

  1. cabdul says:

    MAGAALADA,,,, IN LAGU DAGAALAMO CAQLI MAAHA,,, CALI DHEERE INTUU XAMAR IYO DAYNIILE KASOO BAXAY BUU LEEYAHEY KISMAYO BAAN MARASTA KUNOOL KUDUL DHUUMANAYAA,,,,

  2. Dahabi says:

    Kaaley webkan see wax ka noqdeen ma alshabaab kii buu weli rajo ka qabaa ninka warkan qorey war waxkale noo sheeg kuwaas meeshay mareen alle kuma marinin. Jalaabiib bay wada xirteen si ay dumar ahaan uga baxsadaan Somalia.

  3. A.A.Xade says:

    Ku, RaxanReeb. Saaca Mooja waa meel magaalada u jirta 10km waana af sawaaxili erayga tlmaamaya Yaaqa { Geed } in hal saac magaalada looga socdo, ee meesha 60km magaalada u jita waa Janaa Cabdalle. Marka, waxan dhihi lahaa in aad warka iska fiirisaan intaadan bulshada u gudbin. Mahadsanidiin.

  4. A Aziz says:

    Waa su aale kismaayo maxay ugu dhexdagaalamayan magaalooyinkii kalaba kuma dagaline?

  5. Amina says:

    Magaalooyinkii kale oo ay haysteenba waxan maqlijirey way baneeyeene, maxay Maatada Kismaayo ugu kor dagaalamayaan,Ilaahow shacabka ka Badbaadi Gaal iyo Islaanba Aamiin.

  6. qaloocow says:

    Kismaayo isi siin laheydeenaa ama iska deyn laheydeenaa wallee Barre waa soo socdaa saaxiibadiisna dhinaca xamar ayey ka soo socdaa. Midda kale meeqa sano ayaa xamar shabaabku ku dagaalamaayeen

Leave a Reply