DEG DEG: Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Agostiin Mahiiga


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa haatan wuxuu si KMG ah uu daganyahay Hotelka Al-jasiira oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaasi ku ilaalinaya oo amaankiisa ku sugaya madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ciidamo ka gaar ah oo ka tirsan kuwa dowlada iyo waliba ciidamada AMISOM.

Hotelka uu daganyahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka waxaa ku booqday ergaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiin Mahiiga.

Waxaa la sheegay in ay kulan gaar ah ay wada qaateen isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka midyihiin isbadalka cusub ee Soomaaliya ee haatan ku yimid hogaanka sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayo masuuliyiin kala duwan oo ka socda wadamada Caalamka iyo masuuliyiin kale oo Soomaali ah.

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa wali waxaa ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana lagu wadaa in xafiiska dhowaan uu la wareego.

Munaasabad wayn ayaa loo samayn doonaa xilwareejinta waxaana ka soo qayb gali doono masuuliyiin badan oo ka socota wadamada kala duwan ee beesha caalanka iyo waliba taageerayaasha dowlada Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

4 Responses for “DEG DEG: Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Agostiin Mahiiga”

  1. wadani daacad says:

    ilaahow cuqdad hana galinin oo cudur calooosha hanooo fadhiisinin ,soamali guuuleysatay eee ilaahow kuwaa jaaaahilka eh eee dhibka wada ilaahaw naga qabo inlaahow somali tusi nin walba inuuuu dhisto tuuuladiiisa ooo uuu beri somaliya noqoto meel wanaagsan oo looo dalxiis tago ilaahow kuwa cuqdada qabo ooo cayda meelaha kusooo qorqoraya ooo weli xanuunsan ilaahow caafimaaad siiii wabilaaahi towfiiiiq

  2. [...] (RBC) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiisha Qaramada Midoobay iyo [...]

  3. omar says:

    khatumo,
    khaatumo ninka la baxay hadalkas ma ahan nin ”’ah hadalkiis ee dadka magacooda u daa ,
    hadii aad rabtid inad u hadashid sida quruxda badan ee dadka ;;u dhiibtaan fekerkoodana
    iga cawiya dheh adiga oo aan magacooda ku xad gudbin ,waxanan filayaa inay ku anfaci doonto,mida kale ,raxanreeb media waxa noocas ah inad u soo gudbisan adinka oo u arka inay tahahay fikir qof dhiibtay waxay idiinkeenaysaa inan dadbadan kalsooni aysan ku qabin qoraaladiinii qiimaha badnayd ee aad u soo gudbin jirteen dadka caqliga sxbka u ah ee soomaliyeed

  4. abdirizaq says:

    talo ku socota madaxwaynaha somali mudane xasan. waxaad samysaa laba booqasho oo dagdaga iyo waliba hal kulan. kulankaaga oogu horeeya waxaad la yeelataada culumada somaliyeed ooguna baaq in ay soo sameeyaan majmac ka kooban guud ahaan culamada somaliyeed qaybeheeda kala duwan. sida ahlu sunah al itaxaad ictisaam taksiir. islaax aala sheekha iyo kuwa kale. majmacaas oo kala taliya sida uu ula dhaqmi lahaa alshabaab isla markaana iska soo saara gudi ka soo tala bixiya dastuurka qaladaada ku jira. booqashooyonka dagdaagaa waxaad ku kala bixisaa ethiopia iyo uganda kuna hor mar ethiopia si aad u tusto in aadan cadaw u ahayn ethiopia. ugandana ooga mahad celis ciidankooda dalka jooga iyo sida aad oogu faraxsantahay wax qabadkooda. haku dagdagin wadahalka somaliland kana dhig wax yaalaha oogu danbeeya oo aad qabanayso dhamaatka mudaada xilka hayso. sababtuna waxaad ku wayn kartaa taageero iyo sumacad haday qaldamaan wadahadalkaa kuumana wanaagsana. ku dadaal in aad siiso cidamada mushaarkooda. u qor xildhimaanada waraaq aad ooga dalbanayso in ay xadeeyaan mushaarka xildhibaanada, golaha wasiirda iyo madaxwaynaha kuna dadaal in aysan waayin mushaarkooda. sidoo kale saaldiinta somalia u sameeh gole una qor mushaar si ay kuugu noqdaan baalal aad u adeegsato xalinta qilaafaadka soo kala dhex gala beelaha. tag gobalada iyo dagmooyinka somalia ooku jira gacanta dowlada. yaan lagaa xigsan bulshada somaliyeed ee dhagayso idaacadaha maxaligaa booqashooyin kadis ahna ku tag meelha dadka caadigaa ku kulmaan. isku xeer dad iinaan ka imaan isku gobal. ka saar dadka haysta dadkale hantidood ayagana cidlo ha dhigin ee u sameeh dibu dajin. habadin safarka dibada mid muhiim ah mooyaan eh. samayso raisal wasaare ku hadla afka carabiga si aadan turjumaan oogu baahan marka ay wax nooga xirmaan dawladaha carabta ama qodbad aan ka jeedinayno. dowlad walba waxay rabto in ay maqasho u sheega adigoo inta aadan madaxdooda la kulmin si fiican u og waxa ay dawladaas danaynayso. wax walba cod gali oo kala tasho qaybaha kala duwan ee somalida inta aadan go aan gaarin. koox ha samaysan. saaxiibaa ee dadkoo dhan la sxb sameeh sida kaga dayo arinkaa siilaanyo. waa baahanahay baqtiga looma cuno ha galin heshiis aan win win ahayn. sii qandraasyada muhiimkaa dawladaha soo dhaweeyay qaxootiga somalida wa bilaahi towfiiq

Leave a Reply