DEG DEG: Meydadka Askar Kenyan ah oo Saaka Lagu Jiidjiidayo Xaafadaha Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Sida goordhow ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Kismaayo waxaa magaalada la keenay illaa afar meyd oo askarta Kenyaanka ah kuwaasoo sida wararka hordhaca ay sheegayaan lagu soo dilay dagaal culus oo shalay galab ka dhacay deegaanada Miidow iyo Janaay Cabdalle oo katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Goobjooge ku sugan Kismaayo oo indhihiisa ku arkay meydadka ayaa sheegay inuu arkay saddex askari oo baabuur laga soo dejiyey saaka waaberigii kuwaasoo u xirnaa dharka tuutaha ee askarta Kenyanka.  Waxaana meydadka la dhigay bartamaha wadada laamiga ee ka timaada xaafada Somali Star.

Dad aad u fara badan ayaa la sheegayaa inay isugu soo bexeen goobta meydadka la keenay si ay u dawadaan meydadka saaka lagu jiidjiidayo xaafadaha magaalada Kismaayo.

Illaa hadda majiro cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay goobta meydadka la soo dhigay.

Dagaal culus oo shalay ka dhacay dhowr deegaan oo kala duwan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kaasoo dhexmaray ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa DKMG ah iyo ciidamada ururka Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo labada dhinac ah. Duleedka magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ayuu dagaalka xoogiisa ka dhacay waxayna dagaalkaasi dhamaan dhinacyada ka sheegteen guul.

Wixii ku soo kordha Raxabreeb.com kala soco.

 

RBC Radio

 

Share

Tags:

8 Responses for “DEG DEG: Meydadka Askar Kenyan ah oo Saaka Lagu Jiidjiidayo Xaafadaha Kismaayo”

  1. wadaad yare says:

    Baqti hiig! Weligood meyd way jiid jiidi jireen! Meeye 70 kii burindiga ahaa oo ay meydkooda kusoo bandhigeen ceelasha biyaha? Maxey ka dheefeen? War waxaani soo ma aqliyeystaan oo fal fal xumada kama weynaadaan?

    Dooq xumida ay makasta barayaan ayaa ka daran! Adduunka qof caqli leh oo xishoonaya billad ugama heleysid meyd aad jiid jiiddey!

    Iney gaaladu kaa gobsanaato oo iyagii ka xishoodaan wax adigu aad ku faaneyso, haddana diinta Islaamka aad afcaashaada xun mar kasta ku dhejiso oo u tiiriso diinta ayey ceebeyn iyo fool xumeyn joogtaa ku tahey.

    Caammada iyo dadka da,da yarna waxaa laga doonayaa ineysan dooqooda fiican iyo damiirkooda hagaagsan oo Ilaahey ku abuurey aysan iska lumin, oo wax aan natiijo laheyn oo saqajaannimo ah aysan waqtiga iskaga lumin.

  2. proud to be somali says:

    Waa ilaahay mahaddii inay ku jabaan gaaladu meeshaas guulaysta

  3. Mus kismayood says:

    GUUL SHACABKU HA GULAYSTO, ADOONTA HALA JIIDO.

  4. ahmedpunt---------- says:

    shabaab dadqal sidaas aay sharafta afrikaanka dhulka aay uugu jiideen oo kasiidaran baa u dambaysa shabaab dadqal midda kale aayadda quraanka xageebay kamarayaan oo ah in ilaahay uu karaameeyay qofka bani’aadamkaa oo aanan maydkiisa lasilcin karin hadaba aljazaau yuujizu camaluhu ,waxa dambi aad gasheen oo dhan waa la’idinka abaal marin inshaa allaahu,waxaana maanta tihiin goroyo gabalkii kasiidhacayo oo waxaa idin dambeen hoog iyo oohin iyo khasaaro….scww

  5. Soomaali says:

    Waa ilaahey mahadiis. kenya ha ogaato in horey ingiriisku soomaaliya u joogi waayey. sidoo kale ha ogaato in USA maalin cad laga ceyriyey. sidoo kale ha ogaato in ethiopia sidoo kale maalin cad la ceyriyey……

  6. Soomaal says:

    Mayd in dhul lagu jiido waa xaaraan shareecadda islaamkuna ma ogala xuquuqda aadamigana ma ogola

  7. Yurub sicid says:

    Kkkkkkk wanku farxsanahy bakhtiya galada

  8. khadar says:

    ha la laayo gaalada meel kastay joogto,

Leave a Reply