DEG DEG : Meydka Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali Oo Laga Helay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Meydka Wariye ka tirsan wariyaasha ka shaqeeya Soomaaliya ayaa  galabta laga helay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huruwaa ee magaalada Muqdisho.

Sida ay RBC Radio u sheegeyn dad goob joogayaal wariyaha oo macagiisa uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cali, waxa uu u shaqeenaayay  Shabakadda Cayaarahamaanta .com.

Ilaa hadda ma jirto sababta loo dilay wariyahan, mana jirto cid sheegatay dilka wariyaha.

Wariyaha ayaa la sheegay in uu ka qoorta ka qalnaa markii la arkaayay, mana cadda sababaha loo dilay, laakin dadka waxa ay lee yihiin waxa uu halkaas u aaday in uu soo booqdo dad ehalkiisa ah oo halkaas ku noolaa.

Waxa goobta laga helay meydka taga ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waa wariyihii shannaad ee lagu dilo Muqdisho muddo toddobaad ah, maanta oo kale waxa is-qarxin ka dhacday maqaaxi ku talla guriga haweenka ee magaalada Muqidisho ku dhintay ilaa seddax wariye,

Sannadkan 2012-ka waa sannadkii wariyaasha ugu badan lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Soomaaliya waxa ay ugu horreysaa wadamada lagu dhibaateeyo saxaafadda iyo suxufiga, mana jirto cid loo soo qabto dilalka suxufiyiinta ee ka dhaca dalka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “DEG DEG : Meydka Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali Oo Laga Helay Muqdisho”

  1. hersi says:

    soomaalidu waa dad masaakiin ah waxaa ilaah ku saladay dad dddadkii dhameeyay oo aan biniiaadinimo iyoo Ilaahay aan aqoon kuwaasoo ah habaridiir habargidir intii ay jirto dil dhac iyo qayaano nagama harayso waa in la siibaa xididkooda Miskiiinkkan cid kale ma ddilin an qof qoladaas ah
    Qofkii lagu soo qaado waa uu kka cuudubileystaa

Leave a Reply