DEG DEG: Mudaharaadyo Lagu Kala Taageeraayo Musharixiin Kala Duwan oo Ka Socda Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Mudahaaraadyo kala duwan oo lagu kala taageerayo musharixiin kala duwan ayaa haatan ka bilawday magaalada Muqdisho iyadoo xaalada magaalada laga dareemayo olole weyn oo siyaasadeed.

Mudaharaadkii ugu horeeyay oo waaberigii bilawday ayaa lagu arkay taageerayaal sita calanka jamhuuriyada iyo sawirada musharax Maxamed C/laahi Farmaajo kuwaasoo socod ku maray wadadada KM4 illaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale musharax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageerayaashiisu isku soo bax gawaari iyo dadweyne ay ka qeybqaateen ka sameynaya dhowr jid oo ka mid ah magaalada iyadoo sawirada musharaxa iyo gawaari la saaray cod baahiyaal ay ka baxayaan heesaha wadaniyada lagu arkayo isgoysyada KM4, Soobe illaa wadada tagta madaxtooyada.

Wariyaasheena ayaa soo sheegaya in sidoo kale magaalada lagu arkayo taageerayaal sita sawirka musharax Yuusuf Garaad oo iyaguna ku dibadbaxaya agagaaraha hoyga uu degan yahay musharaxa oo ku yaalla degmada Hodan.

Dhanka kale xaflad weyn oo ay soo qabanqaabiyeen Labada Shariif ayaa goordhow ka bilaabatay hotelka Cirt Plaza ee magaalada Muqdisho, waxaana xafladaasi ay dhoolatus u tahay sida ay u heshiiyeen Shariif Axmed oo ah musharax iyo saaxiibkiis Shariif Xasan oo waayadan dambe kala tagsanaa.

Waxaa soo xaadiray xaflada dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha Aala Sheekh iyo kuwa Shariif Xasan oo ay ku jiraan xildhibaanada iyaga taageersan, waxaana xafladan ku baxaysa maanta lacag ka badan $11.700 doolar, sida Raxanreeb ka ogaatay dhanka maamulka hotelka oo aan la hadalnay.

Xaflada labada Shariif ayaa qadar dib uga dhacday waqtigii la qaban lahaa kadib markii wariyaashii la rabay inay soo tabiyaan xaflada ay saaka ku mashquuleen banaanbaxyada Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Yuusuf Garaad ay sameysanayeen.

Bannanbaxyada ka socda Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay dadweynaha caadiga ah iyadoo waddooyinka qaar ciidamo ay xireen halka gaadiidkii dadweynaha ay kireysteen musharixiinta si ay ugu ololeeyaan taasoo dadweynaha caadiga ah ku riday maanta yaraanshiyo gaadiidka xaafadaha ka shaqeeya lacagtana ay ku qaaliyowday.

 

RBC Radio

Share

Tags:

9 Responses for “DEG DEG: Mudaharaadyo Lagu Kala Taageeraayo Musharixiin Kala Duwan oo Ka Socda Muqdisho”

  1. goosan ari ah says:

    rajadii yarayd ee somalia usoo iftiimaysay waa saqiirtay mar hadii sharix hassan oo somali taqaano iyo sharif ahmed heshiyeen kkk walle wajigiisa dhabta ah ayuu laso baxay sharif ahmed marhaduu hoosta soo gashaday sxbkiis balse inta hartay waxan rajaynaya inay isbahaystaan oo dalka bad-baadiyaan walle inuusan sharif hassan khyr soo wadin e

  2. libaax says:

    Dadka xoolo miyaa mise aniga ayeey ila tahay? Rajada Somalia soow Shiikh Shariif madax kama aheeyn? Shiikh Shariif hortiis doowlado weey jireene maxeey rajaddaan oo kale u keeni waayeen?

  3. Maamulyaqaan says:

    War qiiq yaan laydinku qarin ina farmaajo iyo ina yuusus garaad wey iswataan waana isu mudaaharadayaan waxey la ordayaan waa meesha ha ka baxdo awoodqeybsiga waqtigan ee 4.5, waayo farmaajo ladoorto awood qeybsi ma noqoneyso wuxuu u adeegaa danaha beelaha xamar kaliya. Bal idinku isweydiiya farmaajo xiligii uu xilka Raisalwasaare ka tagay 1sano ayaa laga joogaa 1kaa sano muxuu degaankiisa cabudwaaq u booqanwaayey waliba Tayada uu ku faanayo meeshaas u gaarsiinwaayey? sheekh shariif marku isaga doortay xamar ayuu ka degey 6bilood kabacdina isla xamar ayuu ka dhoofay oo qurbaha dib ugu noqday, meel kale aan xamar aheyn ma tagin mindhaa “Tayadii” wuu kala xishooday.

  4. Birqalax says:

    Ku: Maamulyaqaan

    Faraqa reer Faroole iyo Farmaajo u dhexeeya ayaa wuxuu yahay, reer Faroole dhulka qabiilkooda kaliya un bay Soomaaliya u yaqaanaan deegaanada kalena way xasdaan. Farmaajana Garoowe, Caabudwaaq, Hargeysa iyo Muqdisho waa isugu mid. Wuxuu u yaqaanaa “SOMAALIYA”. Meeshii uu tago waa u meeshii kale.

  5. NIN YAABAN says:

    NIN SHARAAFYO JECLAYSTAY MISNA SHIIKH U MALEEYAY
    SHALAYTUU KU DAMAYNE HADHAW YUUSAN WAX SHEEGAN

    SHARIIFKAA WAX XOREEYAY NINKII SHAATI KU QAATAY
    SAKIIN BAA WAR U SHEEGAYE SHIB DHAHOO HA DHAGAYSAN

    BAARLAMAANO SHIRAAYA AYUU SHIIKH U NOQDAAYE
    WARKIISAAY SHARAXAANE
    TALADUU SHIRKA GEEYO WAY SHIFAYSANAYAANE
    SAKIIN HAYGAGA SHEEGIN SHARIIF BIIJAA KU QAWLAY

    SHAFKU RUUXU QABOBO
    SHIILBAA WADNIHIISA
    SHABISOO MUGDIYAYSEE

    SHIMEE KUUGU DAMAYSAY
    RAXAN WAYN OO SHIRAYSA
    WAR SHRIIFKA SAKIINKAA
    SHIRQOOLOO U DHAMEEYEE
    HADMAY SHUUSH BAXAYAA

    CODKOODUU SHIR DHAMAANTIIS
    WAR KUSOO SHIRTAGAAYE
    HADMAY SHAATIGA SIIBAN
    KA XUUB SIIBAN SHARIIFKA
    BAHDILKOODA KU SHAACAY

    SHARIIF TUUGO WARKOODA
    SHAACA AY KA ROGEENA
    BAARMAANKAAN SHIFAYSTAY
    AYAA SHUUX YAR KA YEELIN

    DOORTA RUUX SHARAFTENA
    SHAMSAADAA U EKEEYA
    BAARLAANKAAN SHIFAYSTOW

    MEESHA AY SHARIIF TUUGO
    SHEEMO MIIRAN DADKEENA
    SHARAFTIISII KA YEESHAY
    RUUX KA SOO SHAKALOO
    SUMCADAY SHIRIBEEN
    SHAMSADAA U EKEEYA
    BAARLAMAANKAAN SHIFAYSTOOW
    BERI SHAALKA U DHIIBA
    FARXAD AAN SHIRIBNEE

  6. deqa says:

    SOOMALIYA AWALBA SARIIR AYAY SARNAYD HADAY DHABTAHAY WAXAN SOCDA OO SIDAA SAN SANKUYAHAY WAXKUDHAMATO RUNTII SARIIRTA NAXASHKA AYA SIFIICAN USII GALAYSAA IILKA HALADHIGO AYAAN AWALBA NOOHARSANAYD SIFICAN AYANA LOODHIGAYA KURSIJACAYL AFRIKAN HEERKAS AYU SOOGARSIYAY SOMALI MANA FAHMAYAN 4 KURSI EE UGU SARAYSANA SOMALI INUU AJINABI UHAYO OO AY WASIRADA QAYBSADAN MAHE AYAGU KUMABA HESHIINKARAN WAYO WAA DAD LIITA GUUSHI IFTIINKII RAJADII INTUBANA WASII BAABA AYSAA ILAHAYNA SAMIR IYO IIMAN HANAGASIIYO AYA KA DHACAYSA WADANKI MAGACISUU AHA SOOMALIYA WAANKA XUMAHAY BARLAMAN MANTA ADA BAD BADINKARA ADANA DUUGIKARA WADANKAGA HOOYO EE UHIILI AQONYAHANKA JAHILKANA ISKADAA KALDOROO AQOON IYO AQOONLA AAN SOMALI MASLAXADOODANA ALAHA GARANSIIYO WAXKALE MALAHAN ILAHAY AYAN UBARYAYNA EEE UMADYAHAY U BARYA TALADA TIIROON ALE INU WAFAJIYO KII QAYR U AH RAGA QAARBA KALMADAS ISTICMLAYA RUNTII NIN MUSHARAXINTIISHALAY KAMID AHA AYA YIRI HADAY ILAHAY QAYR U TAHAY WADANKAS INAAN ANIGU INAAN U NOQDO HOGAMIYE NOO SAHAL HADII KALAN ALOOW NAGA XIJAAB WA ARIN AAN HORAY UDHICIN NINKASTA KURSIGA IISIIYA BUU LAHA MARKA ARINKA AAN ALE U BARINO SHAYDANKANA HANAGA QABTO

  7. @MAAMULYAQAAN ninka wata waxaa tahay nin qaba cudurka qalbiga gala ee loo yaqaan qabyaalada xataa markaad wax qoraysid waxaad awoodi wayday in aad qoraalkaada qoraal sax ah oo wax xaqiiqa ah ku salaysan aad ka dhigto oo qabyaalada ayaa kaa hor istaagtay in aad wax saxa qorto
    bal hadalkaada tib hadaan kuugu fasiro waxaa tiri farmaajo hadii ladoorto 4.5 ayaa qaldamaya
    kkk soo hadalkaas khalad ma,ahan muujinaysa in qabyaaladu kaa indha tirtay wixii saxda ahaa
    farmaajo waa nin u dhashay qabaa.ilada laf dhabarta u ah mid kamid ah labada qabiil ee ubaratamaya madaxwaynaha somaaliya in ay qabtaan
    waxaad kaloo sheegtay in uusan nin qabiil ahayn oo xamar reerka in uu daga aad ku sheegtay in uu u danaynayo taasina ceeb iyo dhaleecayn kuma ahan bal amaan ayeey utahay
    waxaad kaloonsheegtay dadkiia muxuu wax ugu qaban waayay waagii uu R/W ahaa
    wixii uu awooday waa u qabtay oo Gedo asaga ayaa xoreeyay 8 dagmo ay gedo ka koobanto hal dagmo ma,ahane oo ah baardheere asaga ayaa xoreeyay ilaa hadana dagmadii harsanayd lama xoray meeshii uu uga tagay ayeey joogaan ciidamada
    waxaa kaloo jira reer gaalkacyood hadaan nahay wax wanaagsan ayuu noo qabtay colaadihii beelaha gaalkacyo daga dhexmaray dawr wayn ayuu ka qaatay dajintoodii iyo islaaxintoodii
    waa 6 bilood kaliya waxa waxaas iyo wax kasii badanba uu qabtay

  8. somali says:

    madaxwayne axmad ismaciil samatar raysawasare abdirahman badiyoow wasiirka arimaha dabada xaji maxamad yasin wasiraka gashandhiga farmanjo inta kale idinku kudara

  9. muna says:

    waa runtaa Birqlax somaaliya maha kaliya only bari balse waa bdantahay waana in aan iska daynaa damaca iyo waxa badan isla jacaylka oo aana ku qanacnaa wixii ka soo baxo doorashada ha duu ninka la doortay noqon waayo reer bari ha sugeen markooda waa la dooran doonaaye.

Leave a Reply