DEG DEG: Qarax Khasaaro Badan Geestay Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax geestay khasaaro badan.
Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen dad badan wuxuuna ahaa qaraxaan Bambaanada nuuca gacanta laga tuuro sida ay dadka deegaanka ku waramayaan.
Inta la ogyahay qaraxaan ayaa waxaa ku waxyeeloobay ilaa iyo Sideed ruux oo ahaa dad shacab ah, sida la sheegay kuwaasi oo haatan la dhigay isbitalka magaalada Baladweyne.
Wararka ayaa sheegaya in labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaan in dhaawacooda uu liito inkastoo haatan lagu dabiibayo isbitalka magaalada Baladweyne.
Qaraxaan ayaa wuxuu imaanayaa xili shalay magaaladaasi la geeyay ciidamo horleh oo ka socda wadanka jabuuti kuwaasi oo loogu talagalay in ay amaanka magaalada ay sugaan.
Mudooyinkii ugu daanbeeyay ayaa magaalada Baladweyne waxaa ka dhacayay dilal qorsheesan iyo waliba falal amaan daro kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












waxaad gaysateen rabi inika goynayee
al-Shabaabeey ilaahey ka baqa oo ummada aan waxba galbsan ee aad dileysaan joojiya. ficilada aad ku dhaqmeeysaan waa kuwa ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo xuquuqda aadanaha.
Ilaahayoow shacabka masaakiinta ah ka badbaadi ku dulmiga ku haya…