DEG DEG : Qarax Khasaaro Nafeed Geestay Oo Muqdisho Ka Dhacay
Muqdisho [Radio RBC] Sida ay RBC Radio u sheegeyn goob joogayaal inta la ogyahay lix ayaa ku dhintay halka shan kalena ay ku dhaawacantay qarax galabta casar liicii ka dhacay Suuqa weyn ee barkaaraha magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Isgooska Bakaaraha, xilligaas oo dadka ay isku diyaarinaayeen in ay ka soo laabtaan goobahooda ganacsiga.
Kooxaha caafimaadka ayaa la sheegay in qaadeen dadkii dhaawaca, kuwaasoo loo soo qaaday isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo.
Markii uu qaraxa dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo badan, kuwaasoo baaritaan goonta sameeyay, laakin ma jiro cid ay soo qabteyn.
Waa qarixii koobaad tan iyo markii sannadkii hore magaalada Muqdisho ay ka baxeen kooxda Al-Shabaab.
Qaraxa maanta ka dhacay isgooska Bakaaraha ayaa waxa uu muujinayaa in wali ammaanka magaalada ay tahay mid aan la isku haleen karin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











waa shabaabkii oos isleh doorashada madaxweynaha qal qala iyo argagixiso galiya, aahey
waa kooxdii indhacde iyo qanyare oo xildhibaano laga dhigey somaliya dowlad kama dhismayso mooryaanta aan rabin nabdda somalida iyo iney ka baxaan guryaha xaaranta ah
shariifka iyo ragiisaa ka danbeeya yaan umada been loo sheegin tarsan iyo aalle shiikh aa rabaan inay madaxtooyada weli ku bunaystaan raaxa badanaa meeha shariif walee waa laysugu imaanayaa walaale wax danbe oo boob ah majiraan