DEG DEG: Qarax Weyn oo Ka Dhacay Afaafka Hotelka uu Degan Yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Qarax aad u weyn iyo rasaas qoryaha fudud ka dhacaysa ayaa goordhow laga maqlay albaabka hore ee hotelka uu degan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaraxa oo aad looga dareemay magaalada Muqdisho ayaa sida wararka ugu horeeya ay sheegayaan wuxuu ka dhacay bannaanka hore ee hotelka Jasiira oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Waxaa xilliga qaraxa uu dhacayay hotelka ku sugnaa madaxweyne Xasan Shrrkh Maxamuud oo maanta kulamo la qaadanayey masuuliyiin iyo waxgarad Soomaali ah.
Wariye ka tirsan Raxanreeb oo ku sugan gudaha hotelka ayaa sheegaya inuu arkay meydka ugu yaraan saddex ruux oo ahaa ilaalada madaxweynaha iyo ciidamada AMISOM oo goobta yaalla iyo dad badan oo dhaawac ah oo loola cararayo isbitaalka.
wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qarax labaad uu ka dhacay isla hotelka iridkiisa waxaana qaraxyada ka dib rasaas badan furay ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha oo hotelka ku wareegsan.
Faahfaahin kala soco Raxanreeb.com












Alow sahal amuuraha, shabaab weli awood ayey ku leedahahy muqdisho, see ay macquul u tahay in ay labo qarax oo intaas leeg laga fuliyo goob uu ku SUGANYAHAY madaxweynihii QARANKU!
Asc slaam kadib waxaa halkaas ka cad in ay jiraan dad doonya in ummada ay kujirto mudugdi.oo.aan uftiinba indha lasaarin marka waaa.in aan ka hor tagnaa dadka noo diidan iftiin thanks
Durba ma qarxiyeen Madaxweynii cusbaa,maxaa loo geynwaayey villa soomaali weli ma Shariif baa jooga waa inuu si deg deg ah uga baxaa weli ma madax wenuu is moodayaa waa siduu isgoo waqtigiisii dhacay marba tuulo magacaabayeye.war Dadkani inta badan Dad Dowladnimo iyo iney Soomaali horu mar gaarto raba maaha.