DEG DEG: Raysul Wasaaraha Cusub ee Ethiopia Hailemariam oo Ka Soo Qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in raysul wasaraha cusub ee Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho iyagoo ka qeybgali doona xaflada caleemasaarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Hailemariam Desalegn waxaa ku jira saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia iyo xisbiga EPRDF oo hogaamiya wadanka Ethiopia.

Hailemariam Desalegn ayaa ah ninka ay xisbiga EPRDF u magacaabeen inuu la wareego xilkii raysul wasaaranimada Ethiopia ee uu baneeyay kaligii taliye Meles Senawi oo dhowaan geeriyooday.

Xaflada caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya waxaa sidoo kale maanta ka soo qeybgalaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Yugandha Yuweri Musefeni.

Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qeybgali doona wufuud ka socota wadamada Mareykanka, Ingiriiska, Kenya, Talyaaniga, Norway, Faransiiska, iyo ururada Jaamacada Carabta, Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Xaflada oo loo wareejiyey “Dugsiga Gen Kaahiye”

Dhanka kale sida goordhow saraakiil ka tirsan madaxtooyada ay u sheegeen Raxanreeb waxaa xaflada caleemasaarka oo ay madaxda badan ka qeybgalayaan loo wareejiyey dugsiga Gen Kaahiye ee degmada Xamarjajab oo ku dhow garoonka diyaaradaha, halka markii hore lagu qaban lahaa madaxtooyada.

Saraakiisha waxay sheegeen in xarunta Gen Kaahiye loo doortay u dhowaanshaha garoonka, amaankeeda oo ay sugayaan ciidamada AMISOM iyo tirada badan ee dadka ka soo qeybgalaya xaflada.

Kala soco Raxanreeb.com faahfaahin joogto ah.

 

RBC Radio

Share

8 Responses for “DEG DEG: Raysul Wasaaraha Cusub ee Ethiopia Hailemariam oo Ka Soo Qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya”

  1. Dahabi says:

    There u go walaalayaal si fiican ha loo soo dhaweeyo pm haile mariam waa nin soomalida jecel anigaa reer itoobiya oo aad ula socda waxaana la socda madaxweynaha soomalida ethiopia mudane Cabdi maxamud cumar oo nin soomali fiican ah

  2. MAANTA WAA MALIN WAYN WAXAN AHAY NIN SOMALIYEED. QURBE JOOG AH, AH NIN MALIN IYO HABEEN RAJO KUNOOL AH. ILLAHOW RAJADA IGA DHIG MID DHAB AH AMMIN YAA ALLAH , MADAXWAYNAHEEGA , ILLAHOW IGA DHIG , MID KA XOOG BADIYA , ALL HABAAB, ALL ISBAARO, ALL JIRI, ALL MOORYAAN.ALL BURCAD BADED. ALL SHEEKHS , WALA SAKIIN WALA XARIIF.

  3. khadro axmed says:

    waa dal duul kale leeyahay

  4. galdogob-somalia says:

    waxan illahay kana rajaynaya inuu dalka noo hagajiyo oo ka dhigo dalkan mid midooba oo ku midooba cadaallad wada shaqayn is ixtiraam iyo maamul wanaag waxan illahay ka rajayanaya inuu ummada somaliyeed tashwiishka kasaaro oo ay noqdaan kuwa ka qayb-qaata dalka difaacisa ama canshuur-dhiibida ama tacliintiisa ama wacyi-galinta guud ahaan shacabka si ay usoo noqoto sharaftii iyo karaamadii aan ku lahayn dunida una hagaagto nolosha shakhsi kasta ee somali ah wa in danta guud loo tafo-xaytaa lagana tagaa danta shakhsi mid qabiil mid gobolaysi il gaar ahna la isaga eega dadka doonaya inay dalkaan hog ku tuuraan iyo kuwa jaahilinta ah ee xukunka dalka mooday meel laga bariiiseeyo oo ninba maalin xoogaha ka aruursado allow madaxwaynahan ka dhig midkii ay ummada somaliyeed uga gudbi-lahayd howlihi daba dheera ee nasoo maray amiin yarabi

  5. Somalijecel says:

    Waxaa micno weyn ii samaynaya in dawaladuu noqoto dawlad cadaalad ah sinaan iyo somalinimo ku weyn tahay.
    Waxaa micno ii samaynaya in Prime minsiterka uu noqodo aqoon yahan garan kara waajibaadkiisa caadil ah musuqmaasquna ka madax banaan,ninkuu doono ha noqodo maxay igu kordhinaysaa nin aan isku beel nahay laakin magacayga waxna ku xada waxna ku dumiya oo eeddiisii aniga la ii ciqaabo?
    VIVA SOMALIYA

  6. prof piccolo says:

    wax macno ah ay sameyneyso majirto dowlada ay Ethiopian ay dabda ka jiidayaan oo beel xamar xoog ku heysta waxba kama tareyso somaliya waa beelo marka ninkasta dhiso meesha aad u dhaltey

  7. gundid says:

    @ dahabi….Haila maryam wuxuu yahay anagu ku ma weeydiinin, Ethiopiana waa isku mid maadaama eey fara galin siyaasadee iyo mid milatari nagu heeyso, Aidhis qabe , Hooyadii dile Ina ileey hadaad la’dhacsantahay orod oo jigjiga kabaha ugu masax, Somaliweeyn weey kala taqaanaa Cadow iyo Saaxiib, Dabaqoodhi iyo Gundiid, adiguse waxaa tahay baad cadeeysay oo waxaa ku qanac santahay xasuuqa loo adeegsanayo doofaar Ina ileey oo uu xataa Melez ka yaabay suu dadka u xasuuqayo, Agasimaha Cakaranews, jaale Cabdulahi ayaa ka soo baxsaday waxashnimada ina ileeymarkuu u adkeeysan waayay dadkiisa la gumaadayo, adoo kale weeye dadka halganka xagal daacinaya, adiguna xayasiis baad la’daba socotaa hooyadii dile….Teeda kale waa su’aal XIsbiga EPDLF maxaa loogu dari waayay kan Somalida ee jigjiga hadeey wax ogolyihiin necebka Ethiopia…Dufn ku bax ilaahaan kuu baryay oo adiga iyo ina ileey aakharo isku maqaam alaha idan ka dhigo

  8. Somali 77 hero says:

    Dhamaan waxaan salaamayaa ummuda Somaliyeed. Tan xigta heilamariem iyo Aabihii Somali jacayl ogama baahna haddii uu diplomacy AMA hambayn ahaan ku imaanayo asagoon faragashaneyn arimaha Somaliya! Waa uu Imaan karaa balse jacayl iyo saaxiibtinimo nagama dhaxeyso! Dowladani maahan tii qab qablayaash AMA wax ma garatada aan lahayn damiir ka lahayn horboodi jireen! Ethopia hogaamiyaasheeda wanaag nagama dhaxeeyo, yeysan ISA sii ceebeyn u sheeg dahabi kaagan virus la wareegaya, una sheeg Inaan necebnahay haddii ey iyaga na jecelyihiin!

Leave a Reply