DEG DEG :Sarkaal Ka Tirsan Waaxda Canshuuraha Oo Lagu Dilay Baydhabo
Baydhabo (RBC Radio) Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, ayaa sheegaya in saaka hiirtii magaalada lagu toogtay madaxii canshuuraha magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Muqtaar Caafi Sheekh Xaamuud oo ku magac dheeraa Indhoy, dilkiisa ayaa waxa fuliyay seddax dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado, kuwaasoo markii dilka geestay goobta ka baxsaday.
Goobta dilka ka dhacay oo ahayd bartamaha magaalada Baydhabo ayaa waxa isla markii soo gaaray ciidamo ka tirsann dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baaritaano ka sameeyay.
Dilka oo dhacay 6-dii 15-daqiiqo, ayaa waxa fuliyay rag ka tirsan Al-Shabaab sida ay ku soo qoeryn goordhow bogga ay lee yihiin Internetka.
Dilka masuulkan ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dowladda hoose, ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley iyo xaley magaalada ay ka dhaceyn qaraxyo geestay khasaaro naf iyo maal.
Kooxo hubeysay ayaa xaley waxa ay weerar ku soo qaadeen Bankigii hore ee ku yaala bartamaha Baydhabo, halkaasoo fadhiisin ay u tahay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Isla shaley waxa magaalada qarax nooca miinada lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda waxana ku dhintay hal qof afar kalena waa ay ku dhaawacmeyn.
Magaalada Baydhabo waxa hadda ka arrimiya dowladda Soomaaliya, laakin wali qeybo ka mid ah gobalka Baay waxa ku sugan Al-Shabaab oo dagaallo xooggan kula jirta dowladda iyo AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











