DEG DEG: Shariif Axmed Iyo Shariif Xasan oo Heshiis Ajaaniib Dhexdhexaadisay Ku Saxiixday Villa Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiis hore Shariif Xasan Sheekh Aadan oo waayadan dambe si kala fogaanayey ayaa markii ugu horeysay habeen hore heshiis la yaab leh ku saxioxday madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa uu salka ku hayaa ololaha doorashada madaxtinimada iyo sida labada nin ay wax u qeybsanayaan iyadoo Shariif Xasana uu ogolaaday inuu ololaha Shariif Axmed taageero.
Sida ilo wareedyo maanta u waramay Raxanreeb ay sheegeen waxaa heshiiskan la saxiixay habeenimadii Jimcaha abaare 4:00 saqda dhexe, waxaana heshiiska dhexdhexaadiyey saraakiil ka tirsan shirkadda Saracen International oo haatanba ku sugan Muqdisho.
Wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa la sheekeystay sarkaal ka tirsan Saracen International oo hadda ku sugan Muqdisho oo ka waramay nuxurka heshiiska iyo qodobada uu ka kooban yahay. Sarkaalkan wuxuu Raxanreeb faahfaahin dheeraad ka siiyey sida heshiiska u dhacay iyo halka uu a soo bilawday iyo waxyaabaha labada nin ku dhaqaaqi doonaan.
Goordhow Raxanreeb.com kala soco faahfaahin buuxda oo ku saabsan heshiiska labada Shariif ku gaareen Villa Soomaaliya.
RBC Radio















Waa wareeeeeeeeeeeeey! Shariif yadu waa labo khaa’inul wadaniyiin waa sidii kal hore ay ku wada socdeen waagii Casmara Madaxwayne ila raadi Gudoomiye Baarlamaan aan kula raadiyee. Shariifyo haday heshiiyeen waxaa loo socdaa Xilka Madaxwaynaha haddii ay ku guulaystaana ninka maqan waa la yaqaan waxaa maqan Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaawi. Shariif Sakiin wuxuu rabaa in loo dhiibo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya markuu sidiisii 9 bil joogana wuxuu rabaaa inuu u cag wareejiyo Jawaari oo uu baarlamaanka adeegsado raga ugu jira labda shariif sida Mustaf Dhuxulow markaasna ina lacag uu adeegsado uu moshin dhex dhigo Baarlamaanka oo markaas ay kaga takhalusaan Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo inu is casilo laga dalbado markaasna Shariif Sakiinku inta iska casilo wasiirka uu Gudoomiye Forfayd ku qaato. Baarlamaanow Baarlamaanow iska eega dhagarta Shariifyada.
shekadu waa jugjug meeshada joog oo shariifka inuu madaxwayne noqonayo qofkaan ogayn waa qof dabaal ah sida dayniile oo kale oo aaminsan dadka kaloo dhan cay ,taageerna farmaajo, oo xidid la ah dayniile, hadii farmaajo guulaystana dayniile waxay helin masharic iyo qandaraas uu bixinayo farmaajo oo sidii siyaad bare a.u.n waxay rabaan in farmaajo u dhiibo wasiirka maaliyada,laakiin dayniilaw ogaada farmaajo shalay xilka waa loo dhiibay ragii ka qadayna waa joogaan dawlad uu farmaajo madaxwayne kayahay ma dayniile bay ka shaqeen,dabalaw dayniile dawlad ay san rabin mudulood, putland,soomaliland xagee ka shaqayn,shekadu waa shariif madaxwayne uu yahay waana ahaan dayniile haduu cid wax u qaban karo qanyare ayuu ku dari lahaa barlamnka.
Anigu waxaan aaminsanahay haddii Jawaari iyo baarlamanku garan wayaan in ay labadda shariif maanta meel iska dhigaan walee mar danbe bay ka shalaayi doonaan. Sidii Farmaajo yiri, baarlamaanku fursadda uu haysto isniinta ma heli doonno talaadada.
Doqoni dibir kama dheregto.doqon looma dardaarwariyo.
Laakiin rag baa ka sokeeya new parlamentery well
Educated ah,geed salweyn maa sakiimu gooyn
Kartaa ‘kkk 20 sano ka hor qiyaas xamar sideey
Na qatey!!!!
KKKK WAA LABO DAALIM MIDKOODNA WAXBA HELIMIIIYO ISHA ALAAH TUIUUGO WEEYE
Nimanka la ansixiyey maanta oo baarlamaanka loo ogolaaday oo dagaal oogayaashii la ogaa ah iyo labada shariif waxay dhumiyeen kalsoonidii gudoomiyaha baarlamaanka loo qabay. kalsoonidiiwaan kalanoqday maanata laga bilaabo iyadoon wax madaxweyne ah la dooran. sidaa iyo nabad-gelyo!!!
Mid mid dhaama ma jiro kuligood waa qashin mid waxa uu ka fakaro Ayaan kankale kafarayaa
Maashaa Allah Maanta ayaad war naga farxiyay noo sheegteen, illaahayow noo soo celi Madaxweyne Shariif Xafidahulaah, cadowgiisana allow jebi, Isha cadowgana Baxarka ku shub
kkkkk Website yada wey na waaleen labada shariif haddii ay caddahay in ay sidaa ku hesheeyeen,waxaa maqan qorshihii international community-waxaa dhici doonta 2 arrimood
1-In shariif xasan uu rabo in uu u sheego shariif ahmed balan aan horey ka ahayn si aannu uga tabaabushaysan wax uu la damacsan yahay maalinta doorashada uu dhulka la gooyo oo shariif axmed sidaa ku baxo.
2-In international communitygu ay shacabka iyo caalamkaba been u sheegayeen oo uu qorshuhu ahaa in musuqmaasuqii sii socdo lana sii xoojiyo.
Arrimaha la soo qoray ma ahan kuwo lagu farxo,iska daa in ay 2 dooda heshiiyaane waxaa sii socon doona kala fogaan shihii somalida waxaana filaynaa in aanay soo noqon labadan nin
waa wax lagu farxo waayo waa labada nin ee soo celiya rajadii umada waane guul u soo hoyatay xizbiga isbahaysiga dib u xureynta somaliyeed
ifrax gabar ayaa tahee xishood qabiil ayaad ka hadleysaa wax isku fal ayaan ku dhihi lahaa farmaajo waa wadani somali oodhan ayaa taagersan maxey tahay qabiilka aad ka hadleeyso noolooow farmaajo
kkkkkk farmaajo waa muwaadin soomaali ah oo xumaanta neceb
intii qurun iyo qabiil madaxa uga jiro ayaa wax ka sheega
walaal dadka wanaagsan wax lagama sheego ee shariif musbaar
iyo wiilka buuran wax ka sheeg farmaajo ceeb loo waaye
sarancen , waa shirkad cabdiwali gaas muqdisho ka cayriyay markii
uu ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiirika caalamiga ah , kadib markii ay sharaxi waayeen ,
sharcigii ay markii hore wadanka ku soo galeen iyo waxa hada ay qabanayaan , markas ayaa cabdiwali waxa uu warqad u dhiibay farmaajo o ahaa rai salwasre in shirkadaan aysan haysan warqado cadaynaya waxa ay qabanayaan ,arintaas oo shariif axmed aad uga caraysiisay waayo isaga ayaa meesha keensaday shacabka soomaliyeed taas waa inay ku baraarugaan , kadibna faroole ayay u tageen intas waxiii ka danbeeya waxaan u daayay reer puntland waayo way ogyahiin wxay wadanka ka sameeyeen sida hub keenis, macdan gurasho, kaluumaysi IWM.
hadii labada shiriif soo laabtaan soomaaliya rajo malaha waa laba tuug waxay u heshiueen ayaay qabaan.laakiin putland maantay ayaay cadaysay mowqifleedii waxay tiri hadii ragii horay wadanka u baabiyay soo laabtan putland go aan gaaraysaa,