DEG DEG: Xasan Sheekh Maxamuud oo Ku Horeeya Tirinta Codadka Wareega Ugu Dambeeya ee Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Musharaxa tartanka madaxweynaha Dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu horeeya tartanka madaxtinimada dalka wareega saddexaad ee doorashada oo hadda socota.

Waxaa hadda bilaabatay tirinta codadka wareega saddexaad lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah.

In ka badan 100 cod ayaa hadda la tiriyey waxaana in ka badan 70 cod ku hogaaminaya Xasan Sheekh Maxamuud oo u muuqda inuu yahay musharaxa ku guuleysan doona madaxtinimada dalka afarta sano ee soo socota.

Weli natiijada rasmiga ah laguma dhawaaqin hase yeeshee waxaa tirinta codadka iyo dareenka baarlamaanka dhexdiisa ka jira ayaa ah mid isbedeldoon ah kadib markii musharixiintii hore ay soo jeediyeen in la taageero Xasan Sheekh Maxamuud.

Goordhow la soco natiijada oo dhan.

 

RBC Radio

Share

Tags:

Leave a Reply