Dibadbaxyo Taageero ah oo Maanta Laga Qabanqaabinayo Degmooyin Ka Mid ah Gobolka Gedo
Muqdisho (RBC) Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta lagu wadaa in bannaanbaxyo ay ka dhacaan magaalooyin ka mid ah gobolkaasi kuwaasi oo dadweynaha iyo maamulada deegaanka ay ku taageerayaan isbedelka ka dhacay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa saaka u sheegay idaacada Dawlada in dibadbaxyada ay ka dhacayaan magaalooyinka Beledxaawo, Garbahaarey iyo Luuq oo ka mid ah magaalooyinka ay maamulaan ciidamada dawlada.
Dhanka kale Boosteeyo Qalaad oo ka mid ah haweenka magaalada Garbahaarey ayaa Raxanreeb u xaqiijisay in ururada haweenka ee gobolka Gedo iyo dhalinyarada ay u diyaarsan yihiin inay muujiyaan dareenkooda isbedelka ka dhacay Muqdisho ka dib markii madaxweyne cusub loo doortay hogaanka dalka afarta sano ee soo socota.
Maalintii shalay ayaa bannaanbixii ugu horeeyay oo lagu taageero madaxweynaha cusub ee Soomaaliya lagu dhigay magaalada Muqdisho iyadoo kumanaan dadweyne ah oo sitay sawirada madaxweynaha cusub kuna dhawaaqay “waan soo dhoweyneynaa isbedelka yimid” ay socod ku mareen waddooyinka magaalada qaarkood.
Si la mid ah sida gudaha dalka looga taageeray doorashada madaxweynaha cusub ayaa Soomaalida ku nool dibadaha waxay iyaguna muujiyeen dareen la mid ah kan gudaha iyadoo qurbejoogta meelo kala duwan nagala soo xiriiray ay Raxanreeb soo gaarsiiyeen hambalyada doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio












mansh alah reer gedo codkiina hadii la maqlayo oo ilahay idinka dulqaaday alshaydaan waa khyr kolay dad wanaga taageera ayan ku ogaa gobolkaas bartaa ka wada
kkkkk War reer gedow dagaalka ka baxa marka hore,gedo waa degaan aad u weyn waana dhul fiican sida aan maqlay inkastaa oo aan orod ku soo maray 1991 kii wabiyo xoolo iyo xuddud stratigy ahana ay ku yaalaan waa degaanka kaliya beesha ==98% degan tahay marka maamul sameeya si Faroole qayladiisa looga soo qaxo oo aan u imaanno Gedo.Waana idiin sheegayaa somali waxaa ay qabtaa cabir aad u sareeya oo beeshan ku aadan, dadka reer Puntland dhib ayay qabaan waa nala haystaa waxaan u baahan nahay meel aan ku nabad galno degaankii aan u dhashay ma tagi karo Gedo ayaa ii xigta Faroolena dee idinkaa taako u dhigi kara ee naga soo gaara.
mansha allah aad baan uugu faraxsanahay , tageeraha buuxo oo laga soo diray gado garbahareey,
@somalijecel kkkkkkkkkkkkk waad iga qoslisay war cidu waa dad lajecelyahay oo sumacad ku dhexleh dad somaaliyeed laakiin jambalka nagadaa mafiicnee
puntland dadka dagan waa dad wanaagsan in aad faroole xumihiisa dusha looga rido ma,ahan
ha guulaysto madaxwayne xasan shekh