DIGNIIN: Website-ka Dayniile oo Looga Digayo Xatooyada Wararka Raxanreeb (RBC Radio)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Minneapolis (RBC) Maamulka Shabakada Raxanreeb iyo RBC Radio iyo tifaftirayaasha ayaa kulan dabagal ah oo ay ka yeesheen warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee caadeystay xatooyada iyo si khaldan u tarjumida wararka Raxanreeb.com iyo RBC Radio ayaa waxay soo saareen digniin ku socota kooxaha caadada ka dhigtay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada, wararka, sawirada iyo xogta lagu soo bandhigo Shabakada Raxanreeb.com qeybaheeda kala duwan.

Annagoo og shaqada warbaahinta xorta ah ee ku saleysan hufnaan iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay sugitaan iyo xaqiijin ayaa haddana aan marnaba la aqbali karin in si fudud oo marin habaabin ah loo adeegsado wararka, warbixinada, sawirada iyo xogta noocyada kala duwan ee ay leedahay Raxanreeb.com iyo RBC Rado iyadoo ay nasiib darro tahay in warbaahin sheeganeysa madax bannaani iyo dhexdhexaad intay si bareer ah ugu dhiiradaan xatooyada wararka Raxanreeb.com iyo RBC Radio hadda ay ka been abuurtaan isha xogtaasi laga keenay ama cida si rasmi ah u leh (official source).

Haddaba, waxaa nasiib darro ah in website-ka Dayniile uu si aan xishood lahayn shaqo uga dhigtay xatooyada iyo ka een sheegida isha wareed ee Shabakada Raxanreeb (RBC Radio), waxaana baaritaan kadib aanu ogaanay in websiteka Dayniile ay si joogto ah u guuriyaan xogta iyo qoraalada Raxanreeb (RBC Radio) iyagoo aan siinin xuquuqda uu leeyahay qoraalka taasoo khilaafsan nidaamka wartebinta casriga ah.

Aaanu halkan ku soo bandhigno tusaalayaal ka mid ah dhaqanka Dayniile.

Mid ka mid ah qoraalada Dayniile ka boobtay Raxanreeb oo sawir aanu ka soo qaadnay.10/08/2012

Halkan ka akhri linkiga warbixinada Dayniile ay xatooyada ku sameeyeen:

1- www.dayniile.com/?cayn=tah&PHPSESSID…num=6893 – isla qoraalkan waxaa laga heli karaa; boga Raxanreeb oo lagu daabacay 09/08/2012.

2- http://www.dayniile.com/?num=3265- isla qoraalkan waxaan ku daabacnay Raxanreeb waqti hadda laga joogo lix maalmood. linkiga waa kan; http://www.raxanreeb.com/2012/08/qorshaha-labaad-ee-shariif-xasan-sheekh-aadan-iyo-caqabadaha-heysta-warbixin/

Digniin taasi la mid ah waxaan u jeedineynaa website-yada kala ah;

A)  http://allsaxafada.com/?p=2722

B) www.puntlander24.com

C) http://www.galcad24.com/?p=3254

D) http://www.galcad24.com/?p=3259

E) http://khaatumo.net/?p=2593

F) http://balkeena.com

G) http://www.dhoobley.com/

H) http://warqaad.com/2012/08/31/dhacdooyin-xiiso-lahaa-oo-dhacay-maalinkii-doorashada-gudoomiyaha-baarlamankawarbixin/

I) http://manabolyo.com/ 

J) http://www.quracjomo.com/?p=429

K) http://www.quracjomo.com/?p=175

L) http://www.hiiraanka.com/2012/09/01/dhacdooyin-xiiso-lahaa-oo-dhacay-maalinkii-doorashada-gudoomiyaha-baarlamankawarbixin/

M) http://www.newsomali.com/2012/08/31/dhacdooyin-xiiso-lahaa-oo-dhacay-maalinkii-doorashada-gudoomiyaha-baarlamankawarbixin/

N) http://www.warkii.com/warar-hordhac-ah-oo-kasoo-baxaya-safarka-shariif-xasan-uu-ku-joogo-nairobisir-culus/

O) http://warqaad.com/2012/08/31/warar-hordhac-ah-oo-kasoo-baxaya-safarka-shariif-xasan-uu-ku-joogo-nairobisir-culus/

QOWLEYSATADA INTAAN KALIYA KUMA KOOBNA

Raxanreeb iyo RBC Radio way soo dhoweynayaan warbaahin kasta Soomaali iyo ajnabi inay xigtaaan wararka iyo warbixinada Shabakada ku baxa, iyadoo haddaba ay jiraan warbaahin si ixtiraam leh u soo xigta RBC Radio iyo Raxanreeb.com iyo waar wada shaqeyn toos ah naga dhexeyso, laakiin waxaan marnaba aan ogolaan doonin isla markaana uga digeynaa kuwa sida leexsan ee xishood la’aanta ah wax u isticmaala ee u heysta inaan ka warheyn.

Sidoo kale, Cidii rabta inay war ka xigato Raxanreeb waxay toos u sheegi kartaa website-ka www.raxanreeb.com iyo linkiga ay ka qaadatay warbixinta/sawirka ama maqaalka.

Si gaar ah, walaaleheen maamulka Dayniile.com oo aan dhowr jeer oo horena uga dignay falalkan gurracan waxaan ugu celuineynaa inay dhowraan anshaxa “Copyright” ayna gartaan in dadaal iyo shaqo cid kale qabsatay aan waxba lagu gaarin… Dadaal waad gaari doontaa.

Haddii aad u baahan tahay warbixino joogto ah sawirada ama iskaashi dheeraad ah waxaad la xiriiri kartaa admin@raxanreeb.com, Raxanreeb@gmail.com.

 

Mahadsanidiin

Maamulka Raxanreeb.com- RBC Radio

Minneapolis, USA

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

23 Responses for “DIGNIIN: Website-ka Dayniile oo Looga Digayo Xatooyada Wararka Raxanreeb (RBC Radio)”

  1. qoono. says:

    salaan ka dib,warbaahinta raxan reeb waxa akhrisata somalida akhlaada iyo xishoodka leh,waana ku mahadsantihiin,taas laakiin hal ogaada aniga waligey ma galin dayniile,waaga cusub,iyo kuwa badan oo aad sheegteen,marka ruux xishood iyo akhlaaqi ku jirto ma akhristo,waaga cusub iyo dayniile..
    marka adinka maxaa idiin geeyey oo idin tusey dayniile waxa ku qoran,,,

  2. KarKaar says:

    Dayniile nimanka qora anshax saxaafadeed mayaqaanan marka runta usheega saxafadu waa wax labarto jamacadna looga soobaxo waxaaba taas kadaran waxaa qora dad cuqdad heyso oo xanuusan somali 21 years dhib kujirtay marka waqtiga intaas leg ee lasoo dhaafay hadad wali xanuusantahay daawo laguma hayo waxaan dhihi karaa dayniile waa kanserka website yada somaliyed ku dhexjira toosh weyn halagu iftiimiyo

  3. Runtii waa wax ceeb ku kuwa xadaya wararka, bal may meesha ay ka soo xigteen sheegaan. Raxanreeb.com guul baan idiin filayaa.

  4. mudug says:

    kkkkkkk ceebey tacaal

  5. mudug says:

    —dayniile oo isku darsaday foolxumo iyo anshax xumo markaa inaad ka aamustaan ayaaba fiicnayd intii uu idin nijasayn lahaa.

  6. prof piccolo says:

    Dayniile oo ah web ay qoraan ragga aan school dhigan oo af-somaliga ku culusyahey oo ahaa baalashlayashii,ciyaal darbiga,kuwa koolad ku dhuuqi jirey bakaraha,kuwo dhurwaga qasha oo xaall u yahey hilibka dhurwaaga waa ku heyb dadka somalida isku dira, oo aan nabad ogaleen tuugo wada ah oo aan aqoon laheen somalida ugu xasadsan oo ay ka dhasheen ninka iska leh Kalaay oo ah nin qaahira lagu qabtey asagoo nin carab ah la jiifa sariir oo webka ku furtey haddaba raxanreeb iska ilaliya ilmaha kabaha caseeya oo isku wada badaley qoraa

  7. Hayaaam says:

    wan ka xumahay deyniile dugag idin dafyee wax soo barta mise qanyare ayaa idinku qunfacay asaad cudur ka baxi weyseeeeeeen waryaada wax soo bartaa like raxanreeeeb oo kale
    ttuuga waaye deynile , guryahaa dhacdeen dadkaad dhacdeen , hadane saxaafada maa ku darsaneysaa
    ceeb caleykum yaa akbar tuugo , maqaar fiiqoow aan idinku ogaayee maxaa id geeyay website quritaankiisa faracba uma lihidiinee sida wax loo soo tabiyo , waryaa maqaarkaaga iska fiiqo iyo hilibkaaga kawaanka iskaaga gado iyo subugaaga huug hakuugu dhacee idinka

  8. raqay says:

    asc waxaan u sheegayaa raxan reeb websiteka qoraalada aad soo galisaan ka xira inaan inaan copy la oran karin website yo waxaa jira aan waxba laga copy garaysankarin iyo qoraalo kalaba oo copy hadaad ku dhu fufato ku dhahayo fadlan la xariir maamulka mar hadii aydan taas u saman waa password kaase iska dhaafa hala xadee hadii kale ka xira cidii idinka codsata mooyee, thank you

  9. cadaalah says:

    badankooda webebkaan waa kuwa yaryar oo aan raja laheyn in aad waqti galisaan ayaga bey xayeysiin iyo sumcad u tahay kkkkkkkk dayniile baa ugu dhow wax magac leh asagana waa la ogyahayow waa sida daair culusow oo ‘bipolar’ ah oo qof rumeeyo ma jirto

  10. Jamaal says:

    Walahi waan arkay lakin waan aad ulayaabanahay dayniile in warbaahin lagu sheego waa khalad sababtoo ah aad ayuu ansha xeeda i xunyahay saxaafada soomalidana sumcadeeda ayuuu aad hoos ugu dhigay waa in wax laga qabtaa du caalamiya

  11. zack-london says:

    waani gu taageersanahey raxenreeb………….guul ayaan nii rajeynayaa……….ka shaqaye sidii website….kaas loo shotdown lagu bin lahaa…………..copyright theft waa dembi culus

  12. LIon says:

    salaan ka dib,warbaahinta raxan reeb waxa akhrisata somalida akhlaada iyo xishoodka leh,waana ku mahadsantihiin,taas laakiin hal ogaada aniga waligey ma galin dayniile,waaga cusub,iyo kuwa badan oo aad sheegteen,marka ruux xishood iyo akhlaaqi ku jirto ma akhristo,waaga cusub iyo dayniile..
    marka adinka maxaa idiin geeyey oo idin tusey dayniile waxa ku qoran,,,

  13. jama mohamed says:

    raxanreb isaga adkaysata bili liqada sabab too ah wararkiinu waxay u badan yihiin wax la hubo ani waa wep ka aan sida dhabta ah ogu kalsoonahay waana wepka ogu horeeya ee aan furo muddo dhawr bilood ah waxa aad soo qortaanna inta badan waan rumaystaa marka waxa idin dhacaya walaw aysan lahayn anshaxa saxaafadda hadana waxay dareensan yihiin in warkiina uu yahay xaqiiq waxaase ka maqan in ay xigtaan xuquuqdana dhawraan anoo muddo baadhayay wep aan wararka kala socdo baan helay raxanreeb oo aanan waagii hore maqal mooyee aqoon u lahayn ilaa hadda aad baan ogu bogsanahay wararkeeda gaar ahaan warka haddaan raxanreb lagu daabicin horay iigama dago waa in aan masdar u baadhaa aad baad u mahadsantihiin waxaan ogahay wepepka qaar kuwa u galiya magaalooyinka ay sheegtan in ay jogaan in ay beentahay waxan xasustaa wepepka aad magacawden mid kood ninka wararka u galiya annagoo isla fadhina in uu war soo galiyay iskana dhigay in uu jogo waddan kale

  14. Waan salamayaa Maamulka Raxan reeb salaan kadib wararka aad Sheegteen in la idin ka soo xaday Waa hubaal in idinka laidinka soo xaday Cadaynteedase anaa og oo usoo joogay kuwa aan u shaqeeyo iyo kuwo kale oo isnaqaano xamar isla joogno baa ku shaqeysata sidaan maarar badanse aan uga digay waan ku faraxsan nahay in asidaan usoo bandhigtaan.
    Web ka Dayniile iyo Galcad24.com Iyo Kuwa Kale oo badan baa jira waxa ay goobtaan wararka waqtiga badan in la galsho u baahan oo xogta ah ama baaritaan ka ah

  15. Saalax says:

    dad aan ogahay miyaa tuuganimo iyo xatooyo dayn kara. magaalo dhan ayeeyba bililiqeesteene ma website bay u daahayaan

  16. F.B.I says:

    k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k wlgi waad ceebayseen dayniile iyo warqaad iyo galcad24 k.k.k.k.k viva raxanreeb.com

  17. Kilwe says:

    Dayniile wuxuu u furan yahay oo keliya in lacag lagu sameeyo, mararka qaar kood Link video aan jirin ayey ku odhanayaan halkan ku dhufo, click markaad siiso show meeshaba waxba ku ma jiraane Hits uun bay baraan inay ku helaan. Markaa webkaa Dayniile Waa xaaraan.com in la booqdana maaha.. Idinka Raxanreeb ahaan Waxaan talo idiin siin lahaa Inaad webkiina ka xidhaaan in la Copy garayn karo.

  18. Rooraaye says:

    War anigu horey ayaan u sheegay ragna naf iyo maal bay hurayaan ragna waxay dad soo shaqeeyaan bey si fudud ku qaataan oo waxay rabaan ayaga ku darsadaan waana qalad fadlin hala joojiyo sharciga saxaafadu saa maaha xadid iyo qowlaysato maaha nin jeclaysi maaha qabiil u hiilin maaha

  19. cade yare says:

    dayniile waa qawlaysato kasokow xatooyada been bay caanku yihiin

  20. allaale says:

    wax kasta bililiqo in lagu raadiyaa waa nooc balwad u noqotay somalida qaar….

  21. bile says:

    walee lagu ogaaw dayniile uqdad ayaa idin hayso uurka ayaad timo ku leedahin rer maqaar jiidoow is qabta

  22. bile says:

    wax cusub mahan waanla soconaa in ay wabsetyada warkood soo xadan dayniile rer maqaar jiir cuqdada iska saara

  23. nin wayn says:

    waa ciyal sotosay oo raba inay socanbaxan sida raxanreebcom magadhan ee tugnimada joojiya
    waxan lenahay raxanreeb guul horay usoco dhaqaqdaye

Leave a Reply