Dilal Xaley Ka Dhacay Muqdisho (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Waxa xaley magaalada Muqdisho ka dhacay dilal dhowr ah, ilaa labo ruux ayaa la sheegay in siyaabo kala duwan looga dilay degmooyin ka mid ah gobalka Banaadir .

Meelaha ay dilalka ka dhaceyn waxa ka mid ah degmada Boondheere halkaasoo ilaa labo qof oo uu ku jiray askari booliska dowladda ah lagu dilay kadib markii nin ku hubeysan qoriga AK47 uu toogtay.  Ruuxa labaad ayaa ahaa nin rayid ah oo deganaa degmada Boondheere.

Ma cadda cidda geesatay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Dilalka xalay ka dhacay Boondheere ayaa ka dhigaya tirada dadka lagu dilay caasimada illaa saddex ruux mudo 24 saac gudahood ka yar.  Shalay barqadii ayaa agagaarka dugsigii Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshiid lagu dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeynayey idaacadda Maanta oo ku taalla degmadaasi.

Dilka wariye Absuge wuxuu tirada wariyaasha geeriyootay mudo 24 saacah ka dhigayaa illaa afar suxifi marka lagu daro saddex suxufi oo Khamiistii ku geeriyootay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagula beegsaday makhaayad ku taalla guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Waxana tan iyo bishan magaalada Muqdisho ka dhacay, dilal, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro madaafiic ah, kuwaasoo aan la ogeyn cida ka dambeysa maadama Al-Shaabab magaalada ay isaga baxday sannadkii hore.

Dalka Soomaaliya ayaa hadda ka baxay xilliga KMG ah oo uu ku jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay, waxana uu yeeshay madaxweyne cusb.

Magaalada waxa ku soo badanayay dadka qurbaha ka immaanaya kuwaasoo waxyaabo badan oo ay ugu horreyaan ganacsiga ka furtay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa marka la is-barbardhigo dadka garoonka ka soo degga iyo kuwa ka dhoofa waxa badan kuwa dalka immaanaya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

5 Responses for “Dilal Xaley Ka Dhacay Muqdisho (Faahfaahin)”

  1. wadaad yare says:

    Waxaan rajeynayaa in dowladda cusub ay dadweynaha abaabusho oo xaafad xaafad la iskugu xiro. Oo waardiye iney iska qabtaan loo abaabulo dadka.

  2. [...] Booliska saldhiga degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa saaka sheegay inay hal nin u xireen dilal xalay loo geystay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari booliska degmada ka tirsan oo lagu toogtay gudaha [...]

  3. [...] Read More: Dilal Xaley Ka Dhacay Muqdisho (Faahfaahin) [...]

  4. faarax says:

    meeshii muqdisho aheyd bahalo galeen ayey noqotay maalin walbo rabsho dadka muqdisho degan uma bislo dawlad maxaa dhacay askarta dawlada dadka ayey taleefoonada ka dhacaan marka askarta waa in iskool la geeyo si loo baro nidaamka kala dambeynta

  5. Somaliland hero says:

    @ faarax
    Adeer dad rayid ah oo masaakiina yaa xaq darro lagu laynayaa…adiguna askar tilifoondhacday baad ka sheekeeynaysaa!!!
    Ilaahay xaqqa hayna wada tuso.

Leave a Reply