DOOD FURAN: Labada Shariif, Gaas, Faroole Iyo Siilaanyo oo “Ninba Goonigiis” u Tagay Aaskii Senawi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sawir gacmeedka Aminarts. 2_SEP_2012. Isha sawirka aminarts.com

Madaxda siyaasada Soomaalida ayaa toddobaadkan si ka duwan sidii hore safar deg deg uga wada baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, inkastoo ay horey u wada aadi jireen haddana safarkan wuu ka deg deg badnaa kana duwanaa safaradii hore.

Hogaanka dawladii waqtigeedu dhamaaday ee Kumeelgaarka ahayd Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/weli Gaas ayaa Sabtidii ninba gaarkiis uga dhoofay Muqdisho iyagoon isku diyaarad raacin,waxayna si kala gooni ah uga soo qeybgaleen aaskii raysul wasaarihii hore ee Ethiopia Kaligii taliye Meles Senawi oo Axadii lagu aasay kaniisad ku taalla Addis Ababa.

Tegitaanka saddexda nin micne gaar ah ayey lahayd, waayo waxaa xilligan lagu jiraa olole doorasho oo ay iyaguba ka qeybqaadanayaan markaasi lama fileyn in waqtigan muhimka ah ay safar noocan oo kale ah ku mashquuli doonaan, weliba xilli dhamaantood ay musharixiin yihiin.

Xitaa madaxda Afrikanka ee aaska Senawi yimid ma jiro wadan ay labo masuul ka joogeen, marka laga reebo Soomaaliya.

Waxaa taas dheer in saddexda nin ay haddana si kala gooni u soo kala laabteen oo nin walba gaarkiisa diyaarad u soo raacay markay ku soo laabteen Muqdisho.

Hadalada warbaahinta

Waxaa iyana cajiib ah in mid kasta oo ka mid ah saddexda nin uu gaarkiis u sheegtay inuu kulamo la soo qaatay MADAXDA SARE ee Ethiopia kalana hadlay arimaha siyaasada iyo nabadda Soomaaliya. Su’aashu waxay tahay saddexda nin keebaa metelatey “dawlada Somalia”?  ma saddex kulan bey la kala qaateen madaxda Ethiopia ee tacsidu u taallo (haddiba ay waqti u helaan) mise hal kulan bay la soo qaateen?

Dhanka kale, waxaa Addis Ababa dhamaantood kaga sii horeeyay madaxda maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Faroole, oo dabcana iyaguna maanta dib ugu laabtay Hargeysa iyo Garowe kadib markay ka qeybgaleen baroordiiqda Senawi.

Markaas, isweydii ma waxay noqonayaan “Shanta madaxweyne ee Soomaaliya? mise shanta maamul goboleed ee Soomaaliya?”… waa dood furan.!

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

55 Responses for “DOOD FURAN: Labada Shariif, Gaas, Faroole Iyo Siilaanyo oo “Ninba Goonigiis” u Tagay Aaskii Senawi”

  1. Caaqil says:

    Ethiopianka ayaa qola walba meel ku xirtey oo dhegta wax ugu sheegeesa, marka mid mid la socdaana ma jiro, waa uun ummad wareertey.

  2. daacad says:

    waa shanta maamul goboleed ee Soomaaliya shantooda waa xaasaskii uu ka geeriyooday meles senawi marka baroordiiq beey u tageen meesha wax kale oo yaalo ma jiraan somalia alalh ayaa u maqan

  3. Somalijecel says:

    kkkkkk Waa murug ciil iyo ayaan daro Hawiye Daarood iyo Isaaq sidan waa fawaaxish,ninkii dalkan baab,iyay isagoon somali ahayn ninkii qabiil-qabiil iskugu kaaya dhibay qoriga,ninkii aaminsanaa in Somaliya oo nabad noqotaa ay geeri u tahay in ay tagaan waa masiibo.

    Waxaan is weydiiyaa dadkan yaa hayn jiray?M S Bare siduu ku hayay dadkan?Ma laha xabsi dusha ka furun buu ku hayay.Qof walibaa markuu geeriyoodo ayaa la ogaadaa wuxuu yahay ayaan maqli jiray M S Bare waan ku baranay wadani caadil xishood badan naxariis badan.Aabahay oo isagu ka mid ahaa mucaaradkii M S Bare ayaa mar uu xanuunsanaa wuxuu yiri AU-tee yaa ii soo celiya mucaaradaddii aan ku ahaa M S Bare markaa ayaan iri sow dictator ma ahayn aabbe dilaa naxariis daran inta uu i eegay ayuu igu yiri waa naloo sheegay balse ma aanan iska hubin.waxaan u soo qaatay maanta Zanawe ma mudana in loo baroorto illahayna jaxiimo haku fogooyo isaga kii u baroorta

  4. Sama_Kataliye says:

    Shanta xaas ee kaligi taliye Meles Zenawi uu Soomaaliya kula ahaa waa: Faroole, Siilaanyo, Sharif Sakin, Sharif Afgaduud, iyo Gaas Calooleey. Waa shan xaas oo laysla qabo xin iyo xurgufna ka dhaxayso. Walaalaha reer raxanreeb ee dooda noo furay waxaan leenahay waad mahadsantihiin laakiin wax laga doodo meesha mayaaliin. Example, haddii nin dood furo oo yiraahdo dariiqa guusha ma raacnaa mise waan ka leexanaa? Taas dood macno ku fadhida ma noqonayso waayo dariiqa guusha oo laga leexdaa waa guul daro.

    Waxaan u malaynayaa walaalaha iyo ikhyaarta oo dhan waa fahmeen hadalkayga. Hase ahaatee, bilcaamahan afka isku buurayaa dan Islaam iyo dan Soomaaliyeed midna mahayaan. Kaniisadda iyo khabriga Melezna kheyr anigu kama sugayo. W.T.

  5. abdullah m hassan says:

    waa shan(5) shaydaan oo soomali gumaysi gacanta u geliyey waana meeshii looga talinayey,waana ku khasbanyihiin inay tagaan,oo kuwa cusbu iska soo dhaadhiciyaan si ay weli dhiigga ummadda u sii daadiyaan gaaladana isaga dhaadhiciyaan inay weli daacad u yihiin.
    gun iyo gumaysi bay yaqaanniin inay hoos joogaan xor baanay ahayn damiir muslinnimo iyo soomaalinnimo warkeeda iska dhaaf,illah ummadda kuwaan ha ka hor leexiyo.

  6. cadaani says:

    waanasiib darada umada soomaaliyeed ku habsatay rag madax iskusheegaya oo wadan shihseeye sidii naago laysla qabo u xintamaya mid walbana iskudayaya inuu itoobiya ay raali kanoqoto xataa waa arin siyaasada iyo acraafta dawligaa aan lajaan qaadikarin magarankaro meelay kakeensadeen oo ay uga daydeen itoobiyaba saas iskumakaaya dhadhajisee maxay kuwan madaxkusheegaa oo soomaaliyeed itoobiya isugu dhadhajinaayaan waliba sidaaas xad dhaafkaa oo aysan waxba iskula harin?

  7. Too I says:

    Waxay Aniga ila tahay nimankaan aad ka waranteen inaysan wadan iyo maamul midna matalin. Baqdintii ay ka baqi jireen intuu noolaa Ayaa mowd dabadi geysay.

  8. Ceelbooc says:

    Aaska madaxeed waala”arki jiray lakiin kala socoshadoodu waxay turjumaysaa in ninwalba muujiyo inuu taageero xag ciidan iyo xag siyaasadeedba l.
    Hadiikale dee ninba nin buu u adeegsan cadawgaas gumaystaha ku caanbaxay,

  9. Osman Sidii says:

    Shantan waxay yihiin agents uu Zenwi ku aasaastay Somalia, kuwo ka fara badana way jiraan oo ilaa maanta hor boodayaan siyaasadda Somalia. Waxaan xildhibaanad wax dooranaayaan kuwa ugu wadaniyiinta ah ka codsaneynaa in kuwani (saddexdii hore sharif af guduud, sharif sakin, a/weli weershe) in ay midkooda codkooda siinin, maxaa yeelay waad u jeedaan meesha ay inoo wadaan (gumeysiga Ethiopia) xitaa Zenawi markuu bakhtiyey way nagu daba wadaan. Ilaahayow saddexdaan iyo mid kasta oo shisheeye gumeysi inoo wado naga hor dhaqaaji, kana jiseey inta addunka ku nool yihiin, Ilaahayow waxaad gaarsiisaa maalin ay geeridu ay baryayaan, geeridana ay ka carareyso, aakhirana naarta jaxiima ku fogeey. Ilaahayow Somalia iyo dadkeda ka samata bixi gumeysiga madaxda Somalida iyo kuwa kaleba. Aamiin, aamiin, aamiin YAA RABI

  10. wadani says:

    amxaarka ya keenay ya somali baray ya umad muslima u adeegsaday jawaabtu wa bintiland taariikh madow ayey ka dhaxleen [] ceeb bey uso jiideen

  11. DR sacad says:

    SC horta somaliland markii horeba kama tirsanayn maamulna kama dhaxayn maamulada faraha badan ee somaliland hadii ay shirka ka qayb gashona waa 5 somaliyeed mid ka mida oo jabuuti waa joogta somaliana iyada oo kala socota waa joogta somaliland madaxdeeduna wa joogaan xasarada joojiya

  12. 5ta doqon ee somaaliya.com
    Kkkkkk.
    Horta ma xuma in laga qayb galo ,oo daris iyo africanimo ba waynu nahay. Laakiin waxaa yaableh sida ay uga qayb galeen.

  13. keerow says:

    Waa Allah mahaddiisa iney ummadda Somaliyed isku si u fahmeen waxa ay yihiin Tuugadaan hor-boodeysa siyaasadda gumeysiga ku haaysto Somalia.

    Waxaa intaas xigi doonta in Shacabka ay meel uga soo wada jeestaan Dhiigya cabyadaan oo Dalka gacanta u geliyey Gumeysiga AMISOM, ETHIOPIA,KENYA , DJIBUTI, SENEGAL oo maalin kasta ay laayaan shacabka u badan waayeelka, caruurta, haweenka iyo naafada, kuna garaacaan hub aan raxan lahayn sida BMka, Taangiga, Diyaaradaha iyo weliba Maraakiibta.

    Maxey uga ooynayaa bakhtiga Zenaawi mar haddii maalin iyo habeenba Shcabkoda la laaynaayo ?
    Somalieey kuwaan ha leyska qabto oo dilkooda waa xalaal, xabsigooda sidaas oo kale , shacabka waxey u fadhiyaan una daawanayaan shayaadiintani aniga ma garan karo.

  14. Cadaado says:

    salaama caleykum, aniga waxeey ila tahay Madaxweeyne Shariif maahanee, inta kale ee ee Ethopia tagtay sida qaswade Faroole, qabiiliiste xildhibaan Gaas, waa qaswadayaal. Siilaanyaha Somaliland asagu dal kale ayaan nahay ayuu leeyahay, Mogadisho iyo dowlada dhexena lugta kuma qasayo. Laakiin labadaan nin ee pintiland ka yimid waa sida “baadida nin baa kula day dayo, daalno kaa badane, oonan dooneeyn in aad hesho daa’in abidkaaye”. Waxeey Xamar u joogaan, in eey umada koonfunta Soomaliya dagan min kaalgacyo, Khaatumo, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeelaha dhexe iyo tan Hoose, Jubada dhexe iyo tan hoose, Bay iyo Bakool iyo Gedo, in intaas oo umad eey lug gooyaan ayeey mar walba dowlada dhexe u soo galaan, una fashiliyaan. Sidaas Somaliyeey ogaada. Thanks.

  15. maroodi says:

    ilaah wxn ka baryeynaa in soomaliya kuwan oo ku jirin ay lugahada iskutaagto wxna ogaataan ragan oo dhan toogasho in ay ka waajibaan soomalida. gaalo gaalo dhashay oo aaminsan in ay kacabsanayaan Eithopia bal fiiri dagaaladii 77 kii aan Eithapia an la galnay muwadinintii soomalida ayey ceebeeyaan walaalayaalo mxy ka baqayaan naftu mar ayey godaa.hdi an labo u kala qaado. madaxda dawladii ay xilkeedu dhamaday wxy meesha u tageen hdi ay somalia xasilooni ku so noqoto wxn ogyihn in toogasho lagu xukumayo mrka xabsiga Eithopia ayey miciin bideen.Silaanyo wxa u Eithopia u ka raadiyay waa madxbanaani africa laga doonay iyo OOhinta u ka baqayo malez in u ku soo kaco kkkk .faroole asaga ayaa ugu liita oo wxaa u rabaa in uu kala hdlo malez qabriga u dacwoodo aabe somalida sida ay wx u qeybsadeen ama loogu soo darayo hogaamiyaha kooxeedkii maxaa ka oranlaheedna kkkkk plz ila hadal inta dhalka lagu galin oohin oohin oohin.ilaah ayaa idin ku dhaarshaye kuwaas wxr jaban ma uga tagi la heedeena.somaliyeey qof wadanka danbi ka galay marna lagu ma so darikaro baarlamaanka.kkkkkkkkkk

  16. caraseedo says:

    Nimankaan maxaa lagu eedayaa,somali iyadaa iscuntaye,soowta ay u doodayaan gacan ku dhiiglayaashii burburiyay dadka iyo dalka oo ciidda afka u galiyay,oo ay habeen iyo maaliba ay tuban yihiin baarlamaanka,oo ay qabiilkoodii ay dabada ka soo riixayaan,iyagoo u yaqaan hero,!!!!!!!!!!!,waar waa isma dhaanto iyo dhasheed.

  17. Garsoor_M says:

    Sadexda Habrood ee Siilaanyo, Faroole & Shariif oo hoogayeey ba’ayeey kuwaashay, kkkkk

    kkkkkkkkkkk daciif foqal daciif

  18. calikismaayo says:

    Bahda raxanreeb waxaan idinku hambalyeeynayaa inaad tihiin webka kaliye ee si waafaqsan shuruucda saxaafada usoo tabiye wararka, kalana saara warka iyo aragtiyada (opinion-ka iyo facts-ka.).

    Laakiin waxaa nasiib daro ah in qaarbadan oo sheeganaya inay suxufiyiin yihiin intey warkiina xadaan hadana kudaraya fikirkooda ayaka oon kala saareyn fikirkooda iyo warkii.

    Maalmahan waxaadba mooda in webebka somalidu ku tartamayaan xadida waraka raxanreeb, balse waxaa layaab leh in qolaba in kudarsato. Inta aanan bilaabin inaan akhristo webka raxanreeb waxey igu qaadan jirtey wakhti badan si aan u helo wararka dhabta ah ee dhulkeena kadhacay, laakiin hada webkan kaliya yaa igaga filan. Waxaan aad ula yaaba markaan webebka kale booqdo inaan ugu tago warkii raxanreb oo ninba kudarsadey inyar oo ah qabiilkooda sida uu qabo.

    Fadlan dacweeye kuwa copy gareynaya wararkiina ayakoon xataa idin xuseyn waliba waxeydaan qorin kusii daraya.

  19. Mushtaaq says:

    Kkkkkkk waxan ku raacsanahay fikrada dacad waxkale in ay jirinban arka

  20. NINA says:

    Maxaad ula yaabaysaan waa sidii zenawi la damcaye in ay mid mid ugu kala dheereeyaan adis ababa

  21. xuuxle says:

    war madaxda dalka cayda ka dhaafa , waxay soogudanayeen waa jibkooda ka saaran u tacsiyanta walaakooda ka wayn ee geeryooday. oo wax yaaba badan u qabtay ka dhigay waxa ay hada yihiin.

  22. Ahmed H. Mohamed says:

    salaan ka dib, waxaan qabaa in Shariif ugu liito iyagoo wada dambiilayaa ah waayo waa niin kii iclaamiyey Jihaad ka dhan ah Amxaara iyo kuwa gaalada la socda maantana wuxuu u barooranayaa senawi. ninkaa aan mabd,a adkayn ee dabayshu dhankay u ka xayso raacaya ma ummad buu marxaladan adag ka saari karaa.
    Waxay aniga ila tahay in arrintan (Amxaaro loo kala dhuuntaa) ay tahay calaamad(symptom) cudur ummadda Soomaliyeed ku habsaday oo ah qabyaalad,nacayb iyo aqoon la,aan dhalisa ina cadawgoodii miciin moodaan . Taana waxaa lagaga bixi karaa isusoo noqosho,dib u heshiin, iyo walaaltinadii oo la soo celiyo iyo cadaalad. Cadaalada ayaana saldhig u ah waxa aynu rabno hadaynu Soomaali nahay.

  23. qaleeye says:

    asc wr wb qof walboow qoraalkaga qiyamaha wa lagu weydinayaa sharafta iyo cirdiga qofka muslinkana kuma banana marka waxan idin xasuusinayaa xadiiskii nabiga ee ahaa qofwalboo islamoow ama khayr ku hadal ama iska aamus,, idina khayr aad ku hadashaan sika daaye rag waweyn oo ilahay rijaal ka dhiagay ayaad xasas ku tilmamaysaan war ruuxu haduu khaldan yahay la xisabtankiisa ilahay u daa adiga naftada hagaji ilahay tobada ha inagu dilo dhamanteen

  24. Zaki says:

    Soomaaliyay kuwaas raaca shaydaan zinawi u barroranaya ama kuwa qoriga iyo kitaabkii ilaahay uqaatay inay cadawga horarka ah ee kenya,ethiobia iyo kuwa kalkaalay ay wadanka ka ceshaan. Taariikhdaana qoridoonta qofkasta soomaliya wuxuu qabtay……aakhariyo su’aashi allahna way noo dhimantaay……”wall caaqibatu llil mutaqiin”..

  25. Wankamudug says:

    Cadaado. Shariifkan Aad. Madaxwayne kushegaysid saw ma ahan kan u doodya hogamiyakooxeedyada ka ahan tan kale koonfurta soomaliya maxaa katahay Cadaado oo Cadaado ah Ayaa ka joogtaa soomaliya walking aa waxaa noqotaay. Waxba Krakatoa ha iska saari refer koonfur oo Waa lawada yahayn wana Lakala degaa koonfur soomaliya na nin reer Cadaado ah Waxba ka noqonmaayo waligedana Kama noqon. —- iyo baxay Waxba haiku meraysan.

  26. sirmaqabe says:

    Waa wax uu ka soo shaqeeyey Melezkii dhintay waana laga sugaayey in Madaxda Somalidu sidaan ahaato.bal u fiirso Melezkii ma naxa ahaa ee somali dhan walba u xasuuqay ayaa nin somali ah oo masuul ah u ooyey oo uu sheegay inuu ka naxay geerida meles Zanawi.Meles wuxuu ahaa dilaa ilaah somali ka hor wareejiyey ilaah cadaatiisa tan ugu xanuunka badan ha geeyee.

  27. Abu yaxya says:

    Soomaaliyay kuwaas raaca shaydaan zinawi u barroranaya ama kuwa qoriga iyo kitaabkii ilaahay uqaatay inay cadawga horarka ah ee kenya,ethiobia iyo kuwa kalkaalay ay wadanka ka ceshaan. Taariikhdaana qoridoonta qofkasta soomaliya wuxuu qabtay……aakhariyo su’aashi allahna way noo dhimantaay……”wall caaqibatu llil mutaqiin”..

  28. Wadani adeer. Intaad. KhiyaalI nafta ku maweliniyso waad fiican tahay laakiin. Gobalkaga AMA maamul kaga maa sheegtid. Mise ma awoodid. Oo Muslim iyo wadan Ayaa ku gabar sida adeer kaa awes, amxaradu waxay soomaliya ka sifaysay. Alqacida iyo alshabaab iyo moor yaan, inta hartaynaugandhees Ayaa kawakiila. Eee. Zakin tobaz ah liq.

  29. Farax says:

    Hayaay. Mooryaantii. Laba day. Fiilooyiinkii. Dhulka ku jiray. Oo taaladii sayidka iyo xaawo takao. Iibsady baa. Wadani noo soo qaatay, mooryaan iyo. Wadani. Waxa an xasuustay waxaa be iyo hi lib.

  30. caaabi says:

    cadaado ninka baxsaday waryaa waxaa tahay baqti qabiilkii diloootay ninka aad ceyneyso min bari ilaa koonfur ey kula dagaaan adiga bari ma dagtaa hee , yaa kuu ogol ma imaan kartaa horta,
    qabiilka wa laga gudbay adeer ee froole iyo dr gaaaaaaaas waa mutacalimiinta ugu horeeya somaliya oo siyaasada kala wada ,
    kanax oo nafta hakaa dhacdo cudurkii qabiil aa ku dilay ku dhimo hooge waad hoogtay hadii aad qabiil ha hadleysid

  31. somalilander says:

    kkkkkkk ismaciil cumar gelana ku daraa dee ileeyn isba waa somali oo hadana tacsida melez ka qayb galayay , isna miyaydaan arag , mise sadex daan nin unbaad taqanaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk tacsi marka qof madax ahi dhintoba waa loo taga oo losoo tacsideeyaa , idinka garran mayo waxa sadexdaan nin idinku dirray , kkkkkkkkkk sadexdaan nina waa sadexda nin ee somalia ugu sareeyaa, yaa kale jiraba ma soomali kalaabaa jirta kkkkkkkkkkk

  32. mohamed says:

    asc dhamaan akhyaarta sharafta leh aniga hadan ka dhiibto feker Aduunka kama dhicin labada masuul oo dowlada ugu saraysa oo hal meel wada tegay waa yaab bal aan eegno madaxdi kale hal qof ayaa ka socoday anigu waxaan is waydiya somali xage ku socota waa yabe midba midka kale ayuu ka xigsan meles zanawi iyo itoobiya waa sharaf dhac xun umad dal qaran ah oo saas noqday allow naga soo gaar dadka waxma garatatada ah

  33. Raaxeeye says:

    Dhalinyaro 5anta cadaabood ee somaliya 1-islaam ma la dhihi karaa??
    2-diintu ma qabta meyd nin gaal ah in janaasadiisa laga qeyb galo??
    3-nin gaal ah ninkii meydkiisa ka naxa kawarama??
    4-5anta cadaabood ninkoodii haduu dhintay asay ma saaran donan oo khanziirka kale ee xukunka ethiopia qabta ma la waregi doonaa xasaskas??
    5-warar ayaa shegaya in faroole ufoorarsaday meydka zinawi maxaa ka jira??
    Haday arinta faroole jirto raxanreb waxan ka codsanayaa in ay sawirka soo gudbiyan mahadsanidiin dhalinyaro jawabaha igu cawiya inta awoodiina ah

  34. Cadaado says:

    @ wankamudug, haa hogaamiya kooxeedyada waa loo doodayaa, oo sida uu qof kasta xaq ugu leeyahay “innocent until proven guilty” ayeey xaq ugu leeyihiin, maadaama maxkamad dambi ku heshay oo xukuntay eeysan jirin. Mida kale, hadii la isxisaabinayo oo dambi dagaal la isku eedaynayo dad badan ayaa eedeeysanayaal noqonayo, marka maa laga joogo in la furo “pandora box” sababtoo ah qabiilkasta waxaa laga helayaa eedeeysane, sababtoo ah, aniga dambiileyaal dagaal oo aan maxkamad la fuulayo waxaa ka mid ah Xasan Abshir, Faroole, qabiiliista Gaas, Cabdulaahi yuus oo dhintay xataa asagoo maqan ayaan dacweeysanayaa, marka maa laga joogo arrinkaan, maxaa yeealay hadii aad hal far hogaamiyaasha qabiilada qaar far lagu fiiqo, ayaga toban far ayeey idinku fiiqayaan. Mida kale, yaa meeshan “judge” ka ah, oo tilmaamaya qofka dabmiilaha ah iyo qofka aan dambiilaha aheeyn. Ma reer iyo hal qabiil? By the way, I love Cadaado, city of brotherly love” Come visit. Meel aan la isku dulmin oo Soomali oo dhan aan ku soo dhaweeyneeyno. Mahadsanidiin.

  35. asad says:

    shantas waa jawasiis ethiopia so dirsatay waa shaqale waliba amxaar uuraya oo gaal oo bakhtiyay ayay isduul tageen iyago ilahay karama siiyay islaam dal leeh oo waliba somali ah ayay haddana isbahdileen shaydan baa duliyay war ilahay uso noqda xilaalkana wareejiya waad ku fashilateen

  36. Rooraaye says:

    Tani waa wax ilaah ugu tala galay ninkaa baqtiyey dhamaan nimankaa soomaali horboodaaya gooni gooni u laaluushay wuxuuna ahaa caqabada weyn ee soomaali hortaagneed allaa na dhaafiyey dhamaan soomaalidu waa inay ogaadaan cadowgooda iyo dulaalada u adeega putland,somaaliland ,weliba tfg waa tuugu wax umada u adeegaa ma jiro nin walibaa gooni wax u wadaa ka tashada soomaaliyeey daneystayaasha cadowga soomaali u adeega

  37. shangale says:

    ANIGU WAXAAN AAMIN SANAHAY INUU MIDKOODNA WAXBA METELIN, DOWLADA ITOOBIYA AYSAN WAX DAN AH KALAHAYN IMAASHAHOODA , MAXAA YEELAY CIDINA MA CASUUMIN. DHAMAANTOOD WAA DAMBIILAYAAL QARAN OO WAX AAN DEMBI AHAYN OO AY METELAANA MAJIRAAN.SIDAASOO AYTAHAY AYEY SII KALA DAMBI XUNYIHIIN OO AFWALIIJO WUXUU SHEEGAY SANAAWI INUU SOOMAALI KA DHINTAY, WAA HADAL DAMBI AH UMMADA SOOMAALYEEDNA AYSAN QAADAN KARIN.

  38. Laascaanood says:

    Zenawi naagtiisii wey maseyrtay markay aragtay naagahan madaxda Soomaali sheeganaya oo baroor diiqdii ugu weyneyd ka sameeyey aaskii odaygooda kkkkkk
    Viva Somalia

  39. waxaan u baahan nahay dowlad dhexe oo soo afjari karta dhaq-dhaqaaqa mas’uuliyiinta dowladda &m.goboleedyeed yada.

  40. Xiimaay says:

    Shanta xaas eed sheegtay Sama kataliyoow ,,,,,Cabdi Wali waad ku qaldantay,waayo halsano oo kaliya ayuu joogaa,ee nimankii xaasaska u ahaa waabadanyihiin,ma hilmaantay Cade muuse, Maxamad Qanyare Afra,, muuse suudi,, Qaybdiid, ,,,Cali mahdi,,,,,,.Cumar Finish,,,,,, Bare hiiraale,,,, Ahlu Jago Waljameeco,,,,,. Daahir Riyaale.,,,, Cismaan Caato,,,, Finish ,,,,Gacma Dheere,,,,,,.,, Labada Shariifna waaba ugu darnaayeen waayo Markii Madaxweeynihii C/llaahi Yuusuf Alaha unaxariistee uu Etoobiyaanka keenay wadanka Sheqshariif wuxuu ugu yeerijiray C/llahi waa murtad,,, Kadar oo dibi dhal asagii lalahaa waa sheeq ayaaba uyeertay oo yiri etoobiya waa walaalaheen,hadana bariirdiiq kufaarka diyaarad u raacay Waa yaab, Markaa soo macada in shariif uuna etoobiya nacbaneey oo uu na ladagaalamin ,laakiin uu C/llahi yuusuf ladagaalaayay asagoo qabiil madaxa iyo majaha ugu duubanyihiin, Hada kadib qof soomaali shariif kuma qaldamaayo.

  41. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk inta kale waan idinku raacay se Dr: c/wali maxamed cali gaas waan halyay qaran se afarta kale waa laga fican yahay waayo cabdiwali magaadhi karaan se cabdiwali baa somalia matalaayay zanawi waa gaal xun oo aynu cadow nahay se qofka cadaw kasta ahow waan in aad dal ahaan uga qaybgashaaa dalkana waxaa matali kara Madaxweynaha mustaqbalka Mr: gaas

  42. wankamudug says:

    cadaado qofkasta oo aad is leedahay danbi buu kaa galay ama soomaali waa dacwayn kartaa xubinimadiisana baarlamankana waa ka doodi kartaa ,hogaamiye kooxeedyada aad u doodaysid danbiga ugu badan xamar iyo hawiye ayay u gaysteen. hadii aan ka hadlo ragaan aad magacawday xasan abshir waxaan u aqaan inuu kamid ahaa guulwadayaashii siyaad barre isaga iyo c\qaasim salaad, gaas hadii danbiile uu yahay waxaa kasii daran shariifka oo marna maxaakiim hogaminayay marna dawlada . c/laahi yusuf dagaal sokeye oo soomali waligiis kama qayb qaadan xiligii uu jabhada ahaa waxuu ladagalmayay dawladii siyaad, waxaana jabhadaa kamid ahaa reer cadaado oo balanbale wax ka qabtay ,axmed dirye ayaa kamid ahaa ragii reer cadaado oo c/laahi ugu tegay galaadi heshiiskana lagaley heshiiskaas oo ahaa kamid noqoshaa jabhadii ssdf iyo hub uu idin siiyay c/laahi hadii aad been moodaysid waydii axmed diirye waa noolyahay maanta oo been lagama sheegayo. dagaalkii 2aad ee c\laahi waxuu difacayay dawlad oo hadii kale maanta waxaa soomaliya haysan lahaa alqaacida+alshabaab+mooryaan.

  43. Puntlandboys says:

    @Somali jacel, runti hadalkaga daren ayu leyahay, balse qabailka magacibidoda weliga iska ilali, wa ceeb. Shakhsi aya tagay ee qabiil matagin! siyad dhinac wu ka xuma balse wadaniyad iyo masuuliyad ayu laha, dadki bilabay mucaradnimada somalia kulli waxa wadatay ethiopia waxay dal ka fakarayena majirin, suashu waxay tahay ethiopia maxa loga so kala sheega ragan kusi yacaya? Mida kale sharaf daradooda hal wadan o 5 nin o midba gaarkiis usocdo ay aaska ka yimaden wa sharaf xumo uso hoyatay somalida, waxan oran laha ragi halkas tagay oo kuso ooyay ayago aan ka tarjumayn qaranimada iyo midnimada somalia o midba garkis usocday yaan midna mardambe xil loo dhiiban, qeyr mas’uul weeye, kulli!

  44. caraseedo says:

    Dadkan commentiga buuggiinii baad iska wasaqayseen,ee maxaad ILLAAHAY la hortagaysaan,???maxaa yeelay idinkaaba ka daran kuwa aad caayaysaan!!!!!!!!!! oo waxaad ka rogonaysaan wixii ay dambi galeen,laqaybsada dambiga ay galeen,oo ah jinaasada qof gaal ah,maxayse diintu ka tiri????faankana iska kala yareeya iyo tookha macna la’aanta ah.
    Gacan kudhiiglayaasha meelkastaba ha joogeene ammaan ma leh ninkii jecelna waa iyagoo kale ee hanoo ammaanina,ducana nagasugi mayaan,oo waxay rabaan kursi dhiig leh inay ku fariistaan sidoodii hore,waana Alle qabay kuwaasu,22sano bay somali u diideen nabad iyo deganaansho,habaar baana hortooda dhignay ee hana dhaafeen,kud iyo qanje ha’udhinteene.
    Waxaan la yaabanahay qabiilooyinka iska soo hormarinaaya ma wax dhaama bay waayeen????,qabqablayaasha,dagaal oogayaasha dhameeyay dhalintoodii,ubaxoodii iyo madaxdii beri wadanka u sookici lahayd,waxaan kula talin lahaa qabiilooyinka iska soo hormarinaya gacan ku dhiiglayaalka,ha iska soo xuleen dad fayoow oo nadiif ah oo badbaadiya dalka iyo dadka somaliyeed.

    Holac iyo dabbay nagu shideen iyo damala waaweyne
    Dugsi ma leh qayaaladi waxay lumiso mooyaane.
    Idinkaa sharaxayoo sharkii khayrki dhaafsadaye.
    Cadawgii dalkeenii waayagaas gogol u siifidiyay.
    Burburiyo balaayay dhigeen kuwaan qiilka loo bixine.

  45. Hiray says:

    Canaasirtan kuli waxaa madaxweyne uu ahaa melez asagiina waa bakhtiiyey marka kankale ee badalin ayaay isbarayeen

  46. qabqabsay says:

    waar xasarada joojiya Madaxwayne Silaanyo waa ninka qudha ee dadkiisa cod ka haysta.

  47. Abdiwadani says:

    Waar Raxanreeb Nagadaa Waxa Calool Xumadooda//// Waxani Dad maha’ee..Ninkan Gaal Bakhtiyay u kala beretemaya.walahi somali way Cebeyeen!!!! Illahay kuwaan mar Xilalka haka xayuubiyo. Ciilkooda Iyo Cadhadooda ayaan la seexan waayaan habeenkii

  48. said dheere says:

    oo waxaan idin waydiiyay aaway asaydii miyay illaaween ?

    hala xasuusiyo intaan waqtigu ku dhamaan……..

  49. aadan hassan says:

    dhamaan asxaabta wadaa slaamantihiin marka xigta walaala ayaal siyaasadu mahan diin mana aahaan xeer inka badan boqolaal madaxwayne maxaa calamadiyay madaxwayne siilaanyo
    somaliland kama mid ahaan somalia markaa haduu somalida kala jajabiyay xata waan tagaynaa aaska meleszewawi waana waajib darisnimo u dheexaya somaliland iyo itoobiya markii
    madaxwayne maxamed xaaji ibraahin cigaal dhintay waa noo yimaadeen ayaguba

  50. Fadli cade says:

    oo maxaad dhaantaan waa idinka qabyaalada iyo qudhunka isla hor fadhiye.war maxaad ula yaaban tihiin waa midhihii aad idinku beerteene. Kan Somalilandta ku hayaa miyaanu ogayn in aan xabashi Somali kala jeclayn. shala markii sarkaal ka tirsan saraakiisha siilaanyo ee socdaalka uu ina Iladhay xidhay waxay isku siidaayeen Adis Abab iyagoo moodaya in iyagu xabashi laba oday soomaalida kale ka xigaa .Tii kasoo raacdana waa la wada ogaa.
    nacabka aynu isu qabno ee qaarkeen ay leeyihii waanu goosananaa ayaa keenay in madaxdeenii la dulaysto oo ay Amxaaro u kala dhuuntaan adeer waa midhihii aan beernaye eeda ha iska weecinina waa wax masuul laga wada yahay.HALAAGII DHACAY LOOMA KALA HADHIN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

  51. alaamikn says:

    Kuwa leh cabdiweli kama mid aha shanta xaas miyay waalin yahihiin waayo shanta xaas ee Males kadhintay tan ugu yar uguna dhagafud oo Meles kala dardaarmay labada xaas ee ugu waaweeyn Ms Siilaayo.iyo Ms Faroole waa Ms Gaas oo iyadu ah mid aan wali waxba udhalin laakiin la sugayo in ay uur uleedahay iyo inkaler. maasha a;laa ilaah ayayaan kabaryaynaa in shanta xaas laah mid mid nooga qabto wadankeenii iyo dadkeenii fiicnaa waaa ay dhamaadeene

  52. somalia says:

    walaalayaal markaan arkay commentka dadkan waxaan ogaaday website kan inuu kufashilmay shaqadiisii sababto oo ah meles inuu somalia 20 sano kudhagnaa dhinac military iyo siyaasada dibada buu ahaa kana dagi wayeen dowladihii isaga danbeyay ee KMG ahaa laakiin nasiib daro Qoraagu wuxuu yidhi waa suragal laakiin in aad rag aad dumarkusheegtaan xaas na ah waa arin wepsite kan cadaynays inuu yahay mid Qabiil , aad uxun dadkana qabiil iyo burbur ku haya aad na uliita wa kaxumahay inan maanta boqdo qashinkan oo kale bye balaayo

  53. Gaas dooro amni iyo amaan

  54. daacad says:

    waa nasiib darada haysata dalkaan ilaahoow adaan marti ku nahay kuwaan nagabadal

  55. dhaxalka dalka says:

    dhaleecayntu ma haboona se shantin inay midba gooni u tagaa ma aha mid xun se waxa xun in uu mid kastaa nacayb kan kale u qabo uu u tago oo walaalnimadii meesha ka baxdo
    nin waliba meel ayuu xukumaa waa in uu u xukumo si haboon oo diintu ogoshahay oo uu kudaydo talaabooyinkii uu qaadi jiray nabigeenii(NNKH) inkasto shariif axmed ka tagay se waa in kan badalay uu sameeyo
    somali alle ha isku keeno quluubtoodana ha mideeyo
    macnaheedu maaha somaliland iyo somalia hamideeyo se waa wanaaga ha tuso oo ha tuso dariiqa wanaagsan ee walaaltinimada

Leave a Reply