DOOD FURAN: Xasuuqa Shacabka Jubbooyinka Iyo Jiidista Meydadka Kenya Keebaa Dambi Dagaal ah?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Meydka askarta Kenyan oo lagu jiidayo Kismaayo

Nairobi (RBC) Bogga wararka ee SabahiOnline.com oo ah website laga leeyahay wadanka Kenya ayna taageerto taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo yaqaano “AFRICOM” ayaa ku tilmaamay jiidista meydadka Kenya ee dhowaan ururka Al-Shabaab ku soo bandhigeen magaalada Kismaayo inay tahay dembi dagaal.

Sabahi oo soo xiganaya dad Soomaali ah ayaa sheegay in jiidista meydadka askarta Kenya ee 2/09/2012 ay tahay arin ka baxsan xeerarka dagaalka isla markaana noqon karta dembi caalami ah oo ka mid ah dembiyada dagaalka. Akhri sheekada Sabahonline.com.

Haddaba aan dib u sheegno duqeymihii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose meelo ka mid ah tan iyo intuu bilawday duulaanka Kenya:

11/08/2012, Ugu yaraan saddex ruux oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa ku geeriyootay duqeynta dhanka badda ka timid oo ka dhacday xaafada Fii Afmadow ee magaalada Kismaayo iyadoo tiro gaareysa  13 ruux ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada waxaa ku jira haween ku sugnaa meel xaafad ah. Halkan ka akhri

06/06/2012, Duqeyn dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya oo ka dhacday tuulada Goba oo qiyaastii 125-km u jirta magaalada Kismaayo dhanka galbeed ayaa waxaa gebi ahaan ku baaba’ay hal qoys oo tuulada deganaa.  Dadka dhintay waxay kala ahaayeen oday waayeel ahaa, haweeneydiisa iyo ilme yar oo ay dhaleen oo gabar ahayd.  Akhri sheekadaas

17/03/2012, duqeyn ay geysteen diyaarado ay leedahay Kenya ayaa afar carruur ah oo Soomaali ah ku dhaawacday deegaanka Dhaay Tubaako oo ku dhow degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.  Duqeybtaasi waxaa lala beegsaday goob ay deganaayeen dad rayid ah. Halkan ka akhri.

15/01/2012, duqeyntii ugu khasaaraha badneyd uguna fool xumeyd ayaa ka dhacday degmada Jilib, kadib markii diyaarad Kenya leedahay oo soo habowday ay madfac la dhacday xaafadaha Jilib halksoo ay ku burburisay guri dhan oo qoys deganaa. Waxaana goobta ku naf baxay 6 carruur ah oo shan ka mid ah ay hal qoys [isku aabe isku hooyo] ahaayeen.  Guriga la duqeeyay waxaa deganaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Jilib oo xiligaasi Muqdisho joogay, waxaase qoyskii dhamaa ka soo haray aabihii oo Muqdisho ku maqnaa iyo hooyadii oo markaasi suuqa jirtay.

Naxdinta ugu weyn waxay ahayd in hooyadii dhashay carruurta ay guriga ku soo laabatay oo ay dul istaagtay googo’a HILBAHA carruurteeda oo wiilal iyo gabdho lahaa isla markaana min hal sano kaliya kala weynaa.

Haddaba waxaa isweydiin leh ma waxaa dembi dagaal noqoneysa dilka carruurta iyo haweenka mise jiidista meydka afarta Askari oo dabcan dagaal ku dhintay.  Waa sax inaysan shareecadu marnaba ogoleyn ihaaneynta meydka aadanaha laakiin heerka ah “DEMBI DAGAAL” Ma gaari karaa mar haddii labada dhinac dagaal dhimasho ka dambeyso u soo bareereen?

Muxuu yahay dembi dagaal? sidee lagu gartaa dembi dagaal? yaa go’aamiya dembi dagaal?

…..Waa dood furan!

____________________________________________________________________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

16 Responses for “DOOD FURAN: Xasuuqa Shacabka Jubbooyinka Iyo Jiidista Meydadka Kenya Keebaa Dambi Dagaal ah?”

  1. [...] Read the original post: DOOD FURAN: Xasuuqa Shacabka Jubbooyinka Iyo Jiidista Meydadka Kenya Keebaa Dambi Dagaal ah? [...]

  2. samatar says:

    asc raxanreeb aad ba u mahdsan tahay sida aad usoo diyaariseen qoraalka ay ka muuqato xil kasnimada warbaahineed aad leedahiin , nafta shicibka ay jarayaan maalin walbo iyo duulanka sharci darada ah oo ay hantida somaliya iyo dhulkooda ku doonayaan kenya ayaa ah danbi dagaal , waxaase la yaaba websedyada mar walbo taagero cadowga oo aad u jacel gaalada oo cinwaano ka dhigtay meed la jiido in uu danbi weyn yahay marka loo fiiriyo shicibka la dhameenayo iyo duulanka xaq darada ah haka tooban keenaan ayaan oran lahaa aniga sida HIIRAAN.COM dadka maamulo sida ay somalida iyo islaamka oola dagalamayaan oo gaalada ooga horeeyaan

  3. Ahmed says:

    The only solution waa in Kenya laga saaraa AMISOM-ta ay ku soo daba gabaneyso si ay umada u leyso una xalaaleysato qeyb ka mid dalka.

  4. sir maqabe says:

    Miskiin somali ah oo dhinatay goormee ugu dambeysay ee laga naxo qoraagu wuxuu soo qorayaa sadax baa halkaa ku dhimatay shan baal halkaa ku dhimatay iyo wax la mid ah laakiin wuxuu iloobay kumanaankii ciidamada itobiyaanka iyo kuwa amisom ku xasuuqeeyn Magaalada Muqdisho sidaas darteed hadii uu ka gubanayo somali la dilo ama la xasuuqo kuwuu qoraalkiisa ku bilaabi lahaa kumanaanka somalida ah ee lagu laayey magaalada muqdisho laakiin adii uu jubada hoose ka gubtay amuu yahay qolada jubooyinka isi siisay oo iloowday in somali horena isku boobin maantana kenyaati la soo wato eysan ku sooroobi doonin in sidaa dhul lagu xalaaleeysto?hadii dhul dadka ku nool laga boobi lahaa ama lagu qasbi lahaa reer sool ayaa la boobi lahaa oo lagu san duleyn lahaa in somaliya inteeda kale ka go’aan anigu somali waxaan kula talinayaa in reer walbaa dhulka halkii loo yaqaanay inuuu isagu dago u sinaado oo sabab loo noqon dhiig gardaro loo daadiyo.

  5. Waxaa dambi dagaala laynta maatada,caruurta,waayeelka, si wadara oo aan lakala socin ,iyagoo aan hubaysnayn ! Marka way iska cadahay sheekadu waa ‘kaa fiicni’

  6. gundid says:

    Ciidan iyo Dowlad Ku bad-baadisa ma’lihid, qabyaalad iyo maamul hoos taga Qeeyriin Cune iyo Daanyeer cunayaasha ayaan ka dooranay Dowladnimo…Qaran la;aanta iyo Dowladnimo la’aanta Somalia waxaa ka mas’uul ah SSDF, SNM iyo UNC….Somalia Somali baa leh….Toosa oo isku tiirsada….Calaa’cal wax ma’tarayo…Melez markuu qabsaday Adisababa wuxuu ku fakarayay Xamar suu ugu darsan la’haa, Dhiig’yacab Ceeydii iyo Qabyaaliiste Siilyaanyo wexeey ka bixi waayeen Qabyaalad inteey dowlad noo sameeyn lahaayeen hadeey teenii naga bur-buriyeen…Natiijadana wataas……Puntland, Somaliland ma’ogola dowlad iyo midnimo dhab ah, wexeey ka doorbideen danahooda qabiil iyo Gunimo……Woqoyi wexeey taagan yihiin waan go’nay aan soconeeynin, Puntland wexeey taagantahay ama aan idiin taliyo ama waa qaran la’aan iyo yuhuud,amxaaro iyo gaalo ayaan soo xareeynayaa….Khawaaritana wexeey ku adkeeysteen waan idan wada qaleeynaa, gaalaa wada tihiin, wada hadal iyo nabad ma rabno……. Gidigeena hal doon baan isla saaranahay….Ma’dadkaas baan ka dhiganay hogaamiyayaal….maah-maah carabiya wexeey tiri….Al’kulu amiir fa’man yasuuqa Al-ximaar, wexeey kaloo dheheen markeey naga yaabeen…Itafaqa Somaliyuun ca’laa alaa ya’tafiquu

  7. Fadli cade says:

    ASC. aniga waxay ilatahay in meyd la jiidaa aanu qurux badnayn diiniyana aanu fiicnayn waana dambi yar marka lo eego dad diyaarado iyo hub culus laga garaacay deegaankoodii iyo hantidoodiina la baabi,iyey. waxaa kaloo wehelisa taa iyadoo rag soomaaliyeed ka qaybqaadanayaan xasuuqa dhacaya. Sidaa darteed ma sina labada ficile waxaa soo jeedin lahaa in laga doodo maxaa dhaliyey dagaalka iyo in kenya dalkeena soo gasho, danaha ay ka leeyihiin dagaalka muxuu yahay, ma lagu kalifey oo way is difaacayaan, ma qolo seddexadr ayey u ageegayaan, sidee wax u jiraa waxaa jeclaan lahaa ragga siyaasada rogrogaa inay arinta qaadaa dhigaan.

  8. cawaale says:

    kenya ¨ma mudna in ay ka sheekayso danbi dagaal ayada oo ku dhex jirta wadan dad kale lee yihiin dabcan madaafiicdii ay ku garaaceen magaalo la dagan yahay maxay ku tilmami doonaan waa kasmayo, tan kale waxxa fiican in keenya ka hadasho eedaha aduunku ujeedinayo oo ah xad gudubka joogtadaa ee ay ku hayso qaxootiga soomaliyeed

  9. zubeer says:

    WAY FIICNAANLAHAYD HADAY WADENIYAD IYO SOMALI JACAYL KAA TAHAY,LAAKIIN KAMA AHA,IN BADAN AYAANU COLAAD U HAYNAY KIINYA IYO ITOOBIYA OO SOOMAALI MOODAY IN ANAGU AANU DAN GAARA WADANO,HADA AYAANU XAGA KALE U SHAQAYNAY KIINIYA ASKARTEEDU WAA DADKII DHULKA LAHAA OO WAA ABSAME HA KHALDAMINE WIILASHA KA JEEDI AFKA,KA JIIDJIIDAYNA CIRKA IYO DHULKABA WAANU KU GUBI,LEELKASO AHAW,MATEEXAAN AHAW ,HAWIYE AHAW WAAN KU UUR GARANE WADADA BANE HADIIKALE WAA ADIYO HOLAC.

  10. wadaad yare says:

    Intaad beel meel deggan soo rabsheyso haddaad reero xaas ah oon is difaaci karin kusoo dhex dhuumato ee dadkaad soo rabsheysey ay inta kaa dabo yimaadaan adiga iyo reerkii aad dhex gasheyba idin duqeeyaan yaa masuul ka ah?

    Haddii adiga rabsho wadahaa aad meeshaad reerka aad dhibka usoo jiiddey iyo cadowgaad kusoo hagtey inta u kala dhex baxdo aad cadowgii dabo maryeyso ee meel danbe oo gadaashiisaa aad askar ka tirsan cadowgii aad inta soo afduubto haddana beeshii oo dhaawac iyo dhimasho badan u yaallaan aad mar kale u keento ood meydka askartii aad usoo shiriso in la jiid jiido, waa dakano kale ood isla reerkii dayacnaa aad usoo jiiddey.

    Dadka soomaaliyeed waa reerkaas dayacan oon karin iney qamarjiga rabsho wadahaa iska qabtaan. Dad qamarji ka dhashey iska qaban waayey ayaa cadow abaabulan oo ay rabsho wadaha is baacsanayaan iska qaban kara?

    Adiga qoraha ah ee maqaalkaan qorey maxaad u arki la,dahey mashaqadaan iyo talo xumadaan?

    Mise in talo xumadaba qiil loo sii helo ayuuba ujeedkaagu yahey?

    Dadku markey is nabad geliyaan dhexdooda, deriskoodana nabad geliyaan ayey yeelanayaan xuquuq.

    Xaq haddaad maqasho waajib ayaa la socda. Waajibka ka soo bax markaasna xaqaaqa u dood.

    Haddaad waajibka kasoo bixi weydo wax xaq ah ood u doodi karto ma jiro.

  11. mohamed says:

    anigu war bixinta ma aqrin aad ayay ila dheeratay lakinn Ciwaanka Ayaan Ka raaci.
    dabiga waxaa leh kenya oo caruur iyo wayeel iyo haween midna aan unixin oo magaladi oo la jiifo duqaysay.

  12. Mushtaaq says:

    Horta adban uga xumahay dhibatada loo gaysanayo shacabka somaliya mida kale waxan arka in aytahy wan ka awodbadnahay dadkagu wa waxba askari xun oo lajidayna wa danbe dagal

  13. [...] jirin qaraarkii golaha amaanka waana taas meesha ay Uganda markale qoonsatay, sababta oo ah Kenya duqeyntii ay dhawrka jeer u geysatay Kismaayo iyo deegaanada ku dhow dhow  ayaa dhalisay waxyeello soo gaarta dad shacab ah oo carruur iyo haween u badan, keentayna [...]

  14. qandala girl says:

    islaamko waxaaso kale waa ka soo horjeeda hadaad wax disho dilda sifiican u gayso laguma oran

    mayd jiid jiid kuwaan islamkey bay meel uga dhaceen hady dileen mxey ka jiidayaan islaanimo hadya sheganyaan taas islaanko waa ka soo horjeeda in mayd shaarcyda la jiid jiid subxaanalaah

  15. [...] diyaaradaha Kiinya ayaa had iyo jeer ka dhaca deegaanada hawdka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo mararka qaarna ay dhibaato u geystaan dadka reer miyiga [...]

  16. [...] diyaaradaha Kiinya ayaa had iyo jeer ka dhaca deegaanada hawdka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo mararka qaarna ay dhibaato u geystaan dadka reer miyiga [...]

Leave a Reply