Dowlada Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inay Gudaha Ugashay Magaaladda Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Dowlada dalka Kenya ayaa goordhow si rasmi ah u
sheecisay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Afhayeenka ciidamada Militeriga Kenya Cyrus Aguna ayaa usheegay mid kamid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee ka howlgala Kenya in ciidamadooda ay xalay gudaha ugaleen magaaladda Kismaayo.
Cyrus Agunda ayaa ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay haatan gacanta ku haayaan qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo, ayna ka saareen Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in magaalada ay ka galeen dhanka magaalada Xeebta ah haatana ay doonayaan in Al-Shabaab ay ka siisaarana in ay ka joogaan magaalada xarunta u ah gobalka Jubada Hoose.
Hadalkaan ka soo yeeray Kenya ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ciidamada Kenya la sheegaya in ay wax ka yar Afar kilo Mitir ay u jiraan magaalada Kismaayo isla markaana ay haatan ku suganyihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa waxay xoogooda isugu geeyeen in ay Al-Shabaab ka saaraan magaalada ay sida aad ah ugu xooganyihiin ee Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












waan idin wadasalaamay webkan raxanreeb waa webka sida xaqiiqdu tahay kahadla oo wax borobagaandana kafog marka aan dib ugu soolaabto sida marka aan doono inaan galo ama aan furo raxanreeb cules oo waqti sakano ah inuu ugu qaato inuu iisoobaxo marka shaqaalaha raxanreeb waa iga codsi eenay dib u eegaan oo ay u hagaajiyaan daahan waxa sababta u ah shaqadiina meeshas kasii wada waadna mahadsantihiin
[...] (RBC) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa caawa degan kadib duulaankii saaka waaberigii ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ku gaareen deegaano ku teedsan magaalada. Waxaana [...]