Dowladda Soomaaliya Oo Ashtako U Gudbisay Dowladda Kenya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi [RBC Radio] Dowladda Soomaaliya ayaa ashatako ku aadan dad lagu laayay deeganka Janaay Cabdalla ee gobalka Jubadda Hoose waxa ay u gudbisay dowladda Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in uu wasaaradda arrimaha dibedda Kenya uu ku wareejiyay warqad ay ku qoran tahay cabasho ku aadan siddii degdeg wax looga qaban lahaa falkii ka dhacay labo cisho ka hor deegaanka Birta-dheer oo 60-km u jira Kismaayo.

“ Warqad ay soo dirtay dowladeena Soomaaliya ayaa ayaa u ku wareejiyay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, taasoo ku saabsaneyd wixii ka dhacay gobalka Jubbada Hoose, taasoo askari Kenya ah uu laalayay dad rayid ah” ayuu yiri danjire Ameeriko.

“ Marka isla shaley waxa war uu ka soo baxay wasaarada gaashandhiga Kenya, taasoo sheegtay in ay baari doonto wixii dhacay, marka waxa aan dooneynaa in dowladda Kenya ay ka hadasho wixii ka dhacay Birta-dheer”

Ciidanka Kenya oo hadda ku sugan Soomaaliya in ka badan halsano iyo bar, waxa ay soo dhaafi la’ yihiin deegano ku yaalla gobalada Jubbooyinka, halkaasoo ay dagaallo kula jiraan iyaga iyo kuwa dowladda iyo kooxda Raskambooni oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ciidanka Kenya ay dad ku laayaan gobalada Jubboyinka tan iyo sannadkii hore, markaasoo ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Dhacdadan ugu dambeesay waxa aad uga gilgishay ciidanka Soomaalida ee ku sugan gobalada Jubbooyinka,kuwaasoo ku baaqay in si degdeg ah jawaab looga bixiyo.

Si kastaba, waxa la soo sheegayaa in uu dhaawac weyn uu ku keeni karo xiisaadd ka taagan gobaladda Jubbooyinka taasoo keentay in magaalada Kismaayo ay u soo dhawaadaan ciidamada huwanta ah.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

2 Responses for “Dowladda Soomaaliya Oo Ashtako U Gudbisay Dowladda Kenya”

  1. [...] See the original article here: Dowlada Soomaaliya Oo Ashatako U Gudbisay Dowladda Kenya [...]

  2. Birqalax says:

    Kenya Xisaab weyn bay isku furfurtay. Xasuuqii ay Hoos ka wadey iyada iyo dabadhilifyadeedaba xisaabaa ku bilaabanaysa hada. Laga soo bilaabo markay soo gashay dalka illaa hada dadkii rayadka ahaa ee ay xasuuqaysay ee ay diyaaradaha ku dukheynaysay Waa lagula xisaabtamayaa. ” Qaan Soomaali Waa Qaaxo kugu Maqan”

Leave a Reply