Dr.C/qaadir Maxamuud Cali Oo Ka Mid ah Raga Loo Saadaalinayo In Loo Magacaabo Xilka Raysal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo lagu wado in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu dhowaan soo magacaabo raysal wasaare cusub oo soo dhisaa xukuumad tayo leh ayaa hadana waxaa yiri masuuliyiin dadaal ugu jira in xilkaasi loo magacaabo.
Dr. C/qaadirMaxamuud Cali loo yaqaan (Bashiir Yare) ayaa wuxuu ka mid yahay masuuliyiinta Soomaaliyeed ee haatan ugu cad cad in xilka Raysal wasaarenimo ee wadanka loo magacaabo.
Masuulkaan ayaa dhowaan wuxuu ku soo laabtay wadanka asoo ka yidib wadanka Ingiriiska, wuxuuna kulamo la qaatay intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasidamada Soomaaliya masuuliyiin badan.
Dr.C/qaadir Maxamuud Cali dadka uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ku dhow dhow madaxweynaha Soomaaliya ee cusub kuwaasi oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynaha ee Xisbiga Nabada iyo Horumarka, Sidoo kale wuxuu la kulmay masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, iyo salaadiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.
Siyaasigaan ayaa haatan wuxuu dagaal ugu jiraa in uu xilkaan ku guuleesto, xili ay sidoo kale ay jiraan xubno kale oo iyana ka mid ah dadka loo saadaalinayo in xilkaan loo magacaabo.
Dr. C/qaadir waxaa aqoonyahan ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1957-kii, waxaana waxbarashadiisa hoose uu ku qaatay caasiamada Soomaaliya, sidoo kalana wuxuu waxbarashadiisa ku dhamaystay wadamada India iyo UK.
C/qaadir Maxamuud Cali ma ahan nin horay loogu aqoon jiray siyaasada Soomaaliya, mudo badana wuxuu ku maqnaa wadanka dibadiisa, waxaana uu ka soo jeedaa Puntland gaar ahaan gobalka Bari.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read More: Dr.Bashiir Maxamuud Cali Oo Ka Mid ah Raga Loo Saadaalinayo In Loo Magacaabo Xilka Raysal Wasaaraha … [...]
[...] More: Dr.C/qaadir Maxamuud Cali Oo Ka Mid ah Raga Loo Saadaalinayo In Loo Magacaabo Xilka Raysal Wasaaraha… [...]
siciid ali jamac ayaa loo saadilanayaa raisalwasaaraha
Puntland oo soo laabata waa laba shariif oo soo laabtay.
Maxauma in puntland ay damacdo in lasiiyo kursiga raysalwasaare dadkeeduna u tartamaan tani waa caadi iyo xuquuq muwaadin kastaa leeyahay. laakiin mogidisho maxay ka qabankaraan?
Maxauma in puntland ay damacdo in lasiiyo kursiga raysalwasaare dadkeeduna u tartamaan tani waa caadi iyo xuquuq muwaadin kastaa leeyahay. laakiin mogidisho maxay ka qabankaraan?
Ra,iisal wasaarennimadu waa madaxweynennimada oo kale oo dad badan ayaa isku soo sharraxaya ama damac uga jiraa. Qabiilooyin badan iyo kooxo badanna nin ay isku reer yihiin ayey doonayaan in laga dhigo ra,iisul wasaare. Madaxweynennimaduba sidaas oo kale ayey aheyd.
Laakiin labada dhardhaar oo hadda taagan oo madaxweynaha iyo ra,iisul barlamaankuba kuma soo bixin rabitaan beeleede nasiibka iyo shakhsiyaddooda ayey kusoo baxeen.
Halka dhardhaar oo ka dhiman dhardhaarta dowladnimadana waxaan rajeyneynaa inuu isna noqdo mid gaarsiisan hanka iyo himilada ummadda oo dhan oo aan ka imaan rabitaan beeleed inuu noqdo.
Waa kala labo in qofku beel u dhasho iyo inuu ku socdo beel rabitaankeed oo iyadu keensatey.
Qofka jago haya wuxuu u xil heynayaa ciddii keensatey iyaga ayuuna tix gelinta siinayaa sida badan.
Jawaari ma qabiilkiisaa soo doortey?
Xasan Sh.Maxamuud ma qabiilkiisaa soo doortey?
Ra,iisal wasaarahana inuu sidaas oo kale noqdo ayaan rabnaa oo aan qabiil rabitaankiis loo eegine karti loo eego. Hadduu doono qabiil ha u dhasho, muhim maahan taasi.
Asc waa nin macquul ah aqoon yahan hawl kar ah wuu istaahilaa runtii waana soo dhoweyneynaa kuna qanacsanahay isaga iyo Dr cabdulqadi cabdi xaashi haddaan reer puntland nahay weyna na meteli karaan maadaama puntland ay lafdhabar u tahay siyaasadda somalia iyo somalida
Intaa waxaa ii dheer reer khaatuma cali baba fadlan lacag ku shubo pay as you go qaaraan haween laga guro hotells lagu dego iyo 4 jeeblayn jahli iyo badawnimo habeedi ka da’eysaad tihiine ilbaxnimo yeesha waxbarta cadaawada tartiiba wax bey idinka xumayneysaa naftiina ku tashaday maya ninkale wax uu leeyahay wax ka baro dadka 2000 oo sano kaa horreeya kaa ilbaxsan kaa weyn kaana waaya aragsan maya in aad xasad iyo xiqdi u qaadid intaasi waa iga talo walaalnimo coz internet kasta comment negative ah baa ku qoreysaaan in la idiin jawaabona ma istaahishaan ee umada so gaara dalkiinna xoreysta fekera sidana isu dhaama ?????? ???????
waxaan hanbalyo iyo bogadin u diraya madaxwaynaha somaliya, mudane madaxwayne soo dhawoow oo dalkana iyo dadkaan dalaan daryeel , intasi kadib muane madxawaye shaqaada ugu horeyso waa soo magacabidda raiizalwazaaraha , waxaan kuleeyahay ka fiirso jagadaas waa fashilaakga ama hormarkaaga, waxan kuleeyaay 2 qoloba ha u soo magcaabin raiizalwazaare
1 reer somaliladn qof u dhashay ha u soomagcaai\bin intab xal laga gaarayao
2 reer putland ha u soo magcaabin , waa yo waxay ka daran yihiin reer somaldn ayay ka daran yihiin , waayo waxaay wadaan waa kan ana aleh kaadana kula lihi, sidaas daraaded waa in aad naga ilaalisaa in ay noqdaan raiizal wazaare, mudane madaxwayne lafa maroodi iygaa laysku jabiyaa waxaad soo magacaawadaa nin ka soo jeeda reer cabuudwaaq waan hubaa in ay dowladdsda siafiican oo aan is qab qabsi laheen u sha qayndoonto in sha alalh , adigoo markasna ilalaiya habka awood qaybvsiga ee aad ku fadhido , somalia ay hor mar higsanayso in sha alalah
mahdsanidiin
Anna waa ikan
iyo way kala furteen oo iska ilooba in uu u magacaabo nin u dhashay oo ma iloowdeen waxay ku sameeyeen shariif Ahmed.
gaas ayaa raysulwasaare loo saadaalinyaa. libaaxow hadal aadan ka fiirsan tiri xoolo.
@ Libaax, su’aalshaada ah maxay Puntland Muqdisho ka qaban karaan? Adeer meesha AK47 lasla dhicmayee ee yaa wax garan kara oo wax kala maarayn kara ayaa la rabaa, teeda kale ma waxaad oran lahayd Dadka Muqdisho dega ha laysugu daro M/weynaha iyo R/wasaaraha,? tankale maadaama kusiga banaan uu D leeyahay meelkata ha joogaane ayagaa xaq u leh Puntland waxay ka mid tahay dadka kursigu u banaan yahay kartidoodayna meesha la imaanayaan ama ha helaan ama ha waayaane adigu hadaad wax isku haysid meesha iskeen calaacalkana jooji.
libaax hahaha
masha allah waa soo dhawynaynaa dhamaantaayo in r/wsaare laga dhigo ninkan wuxuu ii la egyahay TALENt& Vital LEADER.. waa arrin lagu farxo shaqsi taageero weyn leh in loo magaacbo PM kana soo jeeda PUNTLAND POWER BASE… anigu waxaan ahayn nin absame ah likn waxaan ka soo hor jeedaa in r/w loo magacaabo shaqsi ku abtirsada kuawan KHAATUMO SEEG wlhi waxay noqon doontaa ayaan darro waayo dad, dal iyo dhaqaale midna kuma kordhin karaan dawladda. ma tukka raq ayay la fariisanayaan rwsaaraha?????????!
Madaxweynahan haduu Puntland kusoo celiyo Raisal Wasaaranimada. Taageero badan ayuu Luminayaa. Waxba kama duwana asagoo Shariif Sakiin ka dhigay wasiirka Maaliyada.
Faroole iyo Sakiin waa labada loogu necebyahay Soomaaliya
Arrintu waa in ninka nuqonaya ka yimaado Koonfurta somalia laga soo bilaabo Gaalkacyo illaa dhoobley,
sabab too ah hadii uu kayimaado waqooyi bari ama puntland waxow ku mashra quulayaa loo lanka kajira wadanka ee ku dhisan goboleysiga ama qabyaaladda waxowna noqonaya maamul goboleed gadaal ka riixayo ama duntu ugu xirantahay oo aan ku fekereen dan qaran ee ku fekereya sidii uu ugu xaglin lahaa maamulkaas soo dirsaday.
haddan reer hebel nahay? badow yahay isbiirsatay goormaad ka koreysaan qabiilkan lafaha idin ka galay, kursi dhan oo qaran dhan leeyahay ayaad isleheysiineysaan.madaxweynaha oolagu doortay aqlabiyad weyn qofkuu doono ayuu usoo magacaabayaa, waa inaan ku taageernaa qofka sida dalka uu wax uqabanayo ee yaanan ku fikirin qabiilkee yahay, anagaa kursiga iska leh,sheekooyinka raqiiska ah ee ku dhisan jaahilnimada iyo badownimada idiin ragaasiday iwm.
Walaalahey ha sabraan markaan maxaa yeelay wadanka waa la idinla leeyhay iyo kaligood maahan xilalka waaweyn iney isku koobaan markaan, waxaa lasiinayaa Kursiga Reysal wasaaraha Somaliland waayoo iyo in badan ayeey kusoo laab laabeen xilalka nuucaan ah sidaas daraadeed ayaa laga dhigayaa Reysul wasaaraha somalia si ey somaliland markale soomaliweyn ugu soo laabtaan fadlan mideynta iyo soomaliweyn oo israacda hala taageero. soomali waa soomali qabyaadala aan ciribtirno.
TO Amina
waxay ilatahay in puntland anay waxba ka qaban karin mogdisho. markaad leedahay aqoon baa larabanaa ee meesha mayaal AK47 ma waxaad ka hadlaysaa sucuudi arabia!!! anigu soomaaliya ayaan ka hadlayaa iyo mogdisho!!! oo ah hogog dhurwaayo xero dhiig u joog ah.sidaa daraadeed haday nabad noqoto xili uun waa suuro gal in aqoon yahan puntland u dhashay uu maskaxdiisa iyo aqoontiisa wax kaga qabto mogdisho sidii bari samaadkii. laakiin hada taasi waa dhamaatay.hadaad leedahay sidii ina cabdirashiid iyo gaas haska joog jeegeen madaxtooyada uun taasi waa dhici kartaa laakiin hade wax qabad matahay?
Dr c\qaadir maxmud cali ra,isaulwasra somalia