Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah raga ugu cad cad in loo magacaabo raiisulwasaraha xukuumada federaalka soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi

Minneapolis (RBC Radio) Dr C/qaadir cabdi xaashi oo ah nin aqoonyahan ah horayna usoo ahaa wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ee puntland kana mid ah xildhibanada baarlamaanka cusub ee dhawaan yeeshay dalka soomaaliya ayaa hada kamid ah raga ugu cad cad ee utaagan jagada Ra’isulwasaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dr Xaashi oo ah nin aqoon sare leh isla markaana ladhihi karo shaqsiyad adag oo soomaaliya uhogaamin karta dhanka wanaagsan iyo hor’umarka umada Soomaaliyeed tiigsanayaan.

Dr Xaashi oo guulo badan kasoo hoyiyay dhisayna siyaasada iskaashiga iyo arimhaa dibada ee puntland 3dii sano ee ugu danbeeyay ee uu xilkaas hayay ayaa ah nin khibrad dheeri ah uleh arimaha amaba siyaasada caalamka.

Dr Xaashi oo beel ahaan kasoo jeeda Beesha Leelkase ee Daarood gaar ahaanna kasoo jeeda Qoys diineed laguna ixtiraamo deegaanada ay dagan yihiin ayaa noqon kara nin dheela siyaasad midayn ah ayadoo ladhihi kara maamul goboleedka Puntland iyo gaar ahaan madaxwaynaha puntland Dr Faroole nin ay aad isugu dhawyihiin.ayadoo lafilayo in ninka imaan doona xiligaan ee loo magacabayo Raisulwasaraha uu noqdo shaqsi ka duwan ragii horay hogaanka siyaasada dawladii kumeelkaarka ahayd usoo maray.

Waa nin Soomaalinimadu ku dheertahay lana dhihi karo waa shaqsiga marxaladaan. shaki kuma jiro in soomaaliya haatan ka gudubtay kumeelgarki siyaasadii is barbaryaaca ahayd iyo kala daadsanaantii dhamaan shacabweynaha soomaaliyeedna rajo ka qabaan horumar iyo in soomaaliya lagu soo celiyo saaxada dawliga ah ayadoo ah dawlad rasmi ah lana siman dhamaan dawladaha kale ee caalamka.

Mr Xaashi oo kamid ahaa gudiyadii turxaanbixinta Dastuurka kumeel gaar ah ayaa masuul kasocda wasarada arimaha dibada ee dowlada Talyaanigu soo jeediyay kuna taliyey in dastuurka Soomaaliya loo sameynayo lagu muujiyo qodob ka hadlaya xorriyada diimaha, iyadoo markii la soo jeediyey qodobkaasina ay ka aamuseen xubnihii ka socday dowladda federaalka, Galmudug & Ahlusuna, waxaana qodobkaasi gaashaanka ku dhiftay wasiiru dowlaha qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah dowlad goboleedka Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi oo si cilmiyeysan kaga hadlay in aysan jirin baahi qodobkaasi loogu daro dastuurka.

Sidoo kale waa ninka aqoon durugsan u leh Nabadeynta iyo isu keenida Soomaaliya.

C X Diri
Raxanreeb.com

 

Share

Tags:

68 Responses for “Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah raga ugu cad cad in loo magacaabo raiisulwasaraha xukuumada federaalka soomaaliya”

  1. Fiqi Xaaji says:

    Aqoonyahan cusub Waa loo baahan yahay, raggii hore in Madaxweynaha cusub magacaabo isaga shakhsi ahaan uma fiicna. Marka waan soo dhaweyneynaa Dr. Xaashi

  2. Faroole says:

    Isha ayaad Ka tuurtay waanu taageersanahay Dr Ka waana nin hogaaminkara soomalida beel ahaan hadaanaha majeeerteen aan ku kalsoonahay in uu noo qaado cadkeena daarood naguna matalo una shaqeeyo umada soomaaliyeed waxaanu leeenahay ku soo dhawooow waad muteysatey

  3. axmed rafle says:

    manshalaah waa wax lagu farxo arintaasi wa yo c/qadir candi xashi waa aqoon yahan aqoontisana waxa tusaale u ah marki u noqday wasiiru dawlaha xiriirka calamigaa e puntland wax badan ba iska badalay siyaasadi arimaha dibada e puntland waxana noqotay mid heer caalami ah sababtayna in ay bookhasho kuyimadaan puntland madax sar sare oo adunka ka socota aqoon ahaana waa phd holder sidaan maqlay aaad baan usodhawaynaynaa all somalia way ku farxidoonan inshalaah

  4. Bari Bari says:

    Asc, Dr. Abdigadir Hashi, Waa aqoon yahay howlkar ah kana soo bixi kara howshaas. Runtina ah, nin Soomaali nimadu kuweyn tahay. Intuu Puntland joogeyna wax weyn qabtay, arrimaha dibada iyo waxbarashadaba. Anniga ma arko cid bookaas kaga haboon, haddaanu helina waa madaxweynaha mustaqbalka ee Puntland, Insha Allah.

  5. kayse says:

    WALALAAHAYN NIN AAN MAANTA OOGA JECLAAN LAHAA MAJIRO DR.ABDIKADIR WAA NIN MIDAYNKARA PL.IYO FEDERAALKA WAANA SHAKHSIYAADKA PL..KU DHAARATO EEKU JIRA BAALAMAANKA SOMALIA WAA IN SADDEX NIN MIDKOOD LOO MAGA CAABAA …..DR.PROF:JURILE AMA ABDULQADIR FIQI AMA GAAS IN KASTOO GAAS UUSAN KU FIICNAYB PLER NIMADA HADDANA WAA LA OGAA XUKUUMADIISII

  6. WAAN TAAGERSANAHAY IN NINKAAN LOO MAGACAABO XILKA RAISALWASARE SABABTOO AH WAA NIN DHALIN YARO AH OO KASOO BIXI KARA XILKAAS WAANA IN FAROLE FAHMO IN BEELAHA KALE EE PUTLAND AY KA MUUQDAAN JAGOOYINKA SARSARE EE DAWLADA FEDERALKA SOOMALIYEED TAAS OO SUMCAD U AH PUTLAND ,BEELAHA PUTLANDNA KU ABUURI KARTA KALSONIDA MAAMULKA,LAAKIIN DAYNIILE AYAA RABA INUU NOO DOORO RAISALWASARE XOOGAA QANDARAAS AH AY KA HELAAN, DAYNIILE HALOO SHEEGO IN AY QAATEEN CADKOODII OO MADAXWAYNE NOQDEEN AYNA WAAJIB TAHAY INAY FARAHA KALA BAXAAN CADKA BEESHA DAAROOD OO AYSAN KA DHEX KALUMAYSAN.

  7. Kilwe says:

    Aqoonyahan kastoo soomaliyeed oo wax Wanaagsan ku soo kordhin Kara xaaladda murugsan ee dalka Waa in la soo dhaweeyaa. Hayeeshee run ahaantii qoraalka intii hore Waan la dhacsanaa balse wuxuu Iga dhintay markaad tidhaahdeen Ninkan iyo Faroole ayaa aad isugu dhow Kkk

  8. markaas ayanu aaminaynaa hadanu nahay somali in dalku isbadal buuxo ka dhacay.

  9. SUULDHABAALE says:

    Waa sax in ra,iisulwasaare loo magacaabo Prof. Cabdulqaadi. Waxuu matelayaan dadka iyo dalka PUNTLAND, waxuuna dhaamaa 100% zakeriye oo aan inaba hayaraatee wax kalsooni aha ka haysan dowladda iyo shacabka PUNTLAD!!!

    Labo nin oo la isa siisto maahan ee kala daaya weydaan aqoonine:

  10. ma seexde says:

    Dr C/qaadir cabdi xaashi waa uu u qalmaa in uu noqdo R/wasaaraha cusub ee somaliya.laakiin Rabitaanka Faroole ku noqon maayo ee wuxuu ku noqonayaa Rabitaanka Madaxweynah Somaliya mida kale Dr C/qaadir cabdi xaashi waxaa dhici karta in Puntland maamulka hada ka jira ee Farole hogaamiyo in ey Dr C/qaadir cabdi xaashi si kale u arkaan taas oo ey dhici karto in sidaa uu ku waayo xilka R/Wasaaranimo,waxaane rajeynayaa in Madaxweynaha cusub in uusan qofka xilka qabanaya uusan ka eegin dhanka beesha uu ka soo jeedo ee uu ka eego degaanka uu ka soo jeedohadii uu dagaanka puntland uu siinayo R/Wasaaraha Dr C/qaadir cabdi xaashi waa nin ka gadmi kara beelaha konfurta somaliya ku nool oo uu xifaaltan kala dhaxeeyo beesha Faroole ka soo jeedo sababtoo ah aflagaada faroole waxa ey taabatay dhamaan dadka ku nool konfurta somalia.

  11. Wiil Sade says:

    Anaga in R/wasaaraha uu ka yimaada beesha leelkase aad ayaan u taagersanahay

  12. ahmed says:

    sii fiican baan u soo dhwayninaa in loo magacaabo nin kaan aqoo yahankaa lkn ninkani waa nin yar mida kale dawlada xagebuu gaynayaa marka waay u bahantahay in si fiican looga fiirsado ninka lo magacaabayo PM. MAHADSANIDN

  13. gundid says:

    Hadeey arintaasi dhacdo waa tilaabo horay loo qaaday si looga gudbo 4.5, waxaan rajeeynayaa Faroole iyo reerkiisa in eeysan qalalaaso iyo khalkhal siyaasadeed eeysan abuurin ayagoo ka shidaal qaadanaya Sunada qabiileed ee eheeyd 4.5….waa cadaalad daro in eey labada xil ee ugu sareeya eey dhaxal u yeeshaan beelo gooni ah hadeey sii socotana waa dib u dhac siyaasadeed iyo somalida oo kala quusato isla markaana Midnimada Somaliya sii fogaato.

  14. FARATELO says:

    ASC, shaqsi cusub waa loo baahan yahay arintaasu waa sax laakiin waxaa loo baahan yahay waa qof aanan xillal kasoo qaban dawlad ama maamul goboleed maxaa yeeley shaqsigaasu haduu maamul hore soo marey maamulkaas uun buu u shaqeynayaa dawlad Somaliyeed ama Somaliweyn uma shaqeynayo cadiifadna waa keeni kartaa in shaqsiyaaddka noocaas oo kale ah lasoo magacaabo. Aniga rayigaygu ugu horayn waa in lasoo xulaa shaqsi isku keeni kara Somaliweyn oo haysta taageerada Shacabka somaliyeed oo dhan Somaliland,Galmudug,Puntland,Somalida Itoobiya,Somalida kenya iyo dhamaan shacabka Somaliyeed meel walba oo aay joogaan waana inuu ku shaqeeya rabitaanka shacabka Somaliyeed ee uusan ku shaqayn mid Qabiil ama mid Cadow, insha’allaah maamulku waa sadex laba si wanaagsan ayey u dhacdey oo illaah SWT ayaa sakhirey oo sahley waxa hada haray waa boskii 3aad khayr bayna ku dhamanysaa insha’allah sc.

  15. bossaso says:

    anigu fikirkaan aad ayan u taageersanahay wana nin aad ugu haboon jagadaan waxan leeyahay soo dhawow mudane

  16. Abrone. says:

    Waxaan shaqsiyan aad u soo dhawaynayaa fikirka ah in Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi loo magacaabo Waziirka koowaad ee Jamhuuriyadda Fedderalka Soomaaliyeed waayo Dr. C/qaadir waa nin shaqsiyad wanaagsan Aqoon sare leh karti iyo adoow maamulna u leh inuu ka baxo xilkan hadii loo magacaabo, Dr. C/qaadir waxa uu haystaa taageerada Reer Puntland oo dhan waana ku garab taaganahay inuu xilkaan qabto waana hubnaa inuu magac wayn ka keenayo, sidii la rabayna uga soo baxayo shaqadii loo igmado inshallah.

  17. puntland says:

    runt ahaantii doctor abdi hashi waxbadan ayuu soo qabtay intii uu xilka hayay waxan oran kara wa masuul u qalma xilkaas qaran oo dalka iyo dadkaba aqoontiisa uga faa’idayn kara

  18. Abdulkadir Mohamed Nur says:

    Waan soo dhaweynaynaa Mudane Xaashi isbdalkuna sidiisaba waa wax dadku kahelaan, haday ishelaan rag aqoon iyo waayo aragnimo isku darsaday wey badbaadin karaan dalka iyo dadkaba. Labada Mas’uul ee kale Prof. Jawaari iyo Prof. Xasan aad baa loogu han weyn yahay marka haduu kusoo darsamo Ra’iisal wasaare sidoodoo kale ah waa wax fiican, Dr. Xaashina waxaan ka filaynaa haduu kusoo baxo in uu ilaahay u fududeeyo howshiisa.

  19. Ali soomali says:

    Dr. Xaashi sida qoraagu uga hadlay ayuu yahay waa nin la qaadan karo, laakiin Faroole ha iska aamuso yuusan ka hadlin hadii kale waxuu noqonayaa nin la mucaarado(controversy), waayo faroole qiimeyntiisa ma noqoneyso mid soo jiidata Somali inteeda badan.

  20. sayid xabiib says:

    anigu waan qabaa in dr cabdiqafaar cabdi xaashi uu yhay nin midayn kara siyaasada sooalida oo kala baahday waayo aqoon iyo kartiba waa leeyahay waana aqaan oo aqoon buuxda baan uleeyahay waa nin reer puntland ah waana nin daarooda marka sidaasna waa ku noqonkaraa mida kale waa nin soomali jecel waa nin qabyaalada neceb anigu maahi leelkase oo majeerteen baan ahay laakiin isagaan aqoon uleeyahay majeerteena waa matali karaa wan hubaa

  21. qoono. says:

    salaan iyo hurur mar,waa hubaal hadii ay mareeyso yaa umada hogaamikara,aysan marayn reer hebel ayaa xaq u leh,waa arin loo baahanyahay,madaxwayne naheena waxaa filayaa dareenkaas inuu ku jiro,somalinmo,uusan eegin ay mey reer hebel xanaaqaan,wada noolaanshanh sinaan cadaalad,
    waan ku farxi lahayn talabadaas,dareenkeekada na uu ku jiro,new face,shaqo xalaal ah,

  22. Faroole says:

    To ali ;Adeer faroole wuu taageerayaa Dr Ka si cad oo awoood leh waayo faroole Iyo Dr Ka Waa laba wada dhashay iskuna beel ah waana xaq in uu umuujiyo taaageero

  23. Waabaa Beryey says:

    Maasha’allaah Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi waan taageernay, waxuu u muuqdaa qof macquul ah, oona ka mid ah wajiyada cusub ee looga baahanyahay Somalia, sida Madaxweynaha hada Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dr. Cabdiqaadir Cabdi Xashi waan ku taageernay, ilaaheeyna ha ku garab galo, adiga iyo dhamaan hogaamiyayaasha wanaagsan ee Somalia usoo baxay, Amiin.

  24. Abrone. says:

    to: Gundid Shaqsiga la baxay,

    walaal waxaan filayaa inaad gebi ahaanba ka dhacsantahay Maqaalka meesha ku qoran, sida Maqaalka ku xusan Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi waa nin ka soo jeeda mid ka mida Beelaha ugu waa wayn Soomalia Ee Daarood waaxay waxaad leedahay “waa cadaalad daro in eey labada xil ee ugu sareeya eey dhaxal u yeeshaan beelo gooni ah” tan kale maanad akhriyin Maqaalka Faroole iyo dhamaan Shacabka Puntalnd Dr. Xaashi wuxuu ka haystaa taageero buuxda waayo si fiican bay u garanayaan Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waxa u qabankaro iyo tan ugu wayn Soomaalinimada ku jirta uuna ku shaqeeyo, mid kalena aan kuugu daro Faroole iyo dadka reer Puntland iyagaa waligood ka soo horjeeday Fikradan aad sheegtay Ee 4.5. markaa intaanad wax qorin wax badan inaad ogaato bay ku fiicnaan lahayd walaal adoo raali ah. thanks…

  25. Omar says:

    We need to know more about him, but generally I don’t have any problem if he gets the job of the first minister. Good lucky mr hashi. Puntland boy

  26. Shandile says:

    Welcome Dr.abdiqadir hanshi , he is educated person , very loyal and loving person who loves his country and his people.
    He is a just Farmajo junior.

  27. Asc Salaan sare dhamaan shaqaalaha raxan reeb aad ayaan usoo dhoweynayaa in Dr cabdiqadir cabdi xashi inuu noqdo raysal wasaaraha somaliya uuna yahay nin kasoo jeeda deeganad Puntland hadaba si isfahan loo helo beesha darood dhexdeeda waxay qolo walba ku qanacsantahay in ay ayaga noqoto lkn c/qadir waa nin ay ku qanci karaan reer puntland iyo daroodka kale waana taageersanahay

  28. ibra says:

    anigu koley ma aqaan lkn waa macquul in uu nin wax barta yahay lkn nin kasta aqqon yahan ah haduu shaqsiyan qof wanaagsan waxaa xumeyneysa faroole kama tarjumi karo danta soomali weyn saas daraadeed hadii xassan shiiq pm ka dhigo reer puntland wuu fashilmay maxaa yeelay faroole kama hadlodan somaliyed ama == lkn wuxuu fiirsanaya kaliyua dantisa taasna wax la aqbali karo maaha

  29. mahamoud says:

    @Omar google him, youtube speeches, articles. educated and strong with international community. I welcome this if it happen

  30. Puntland boy says:

    Dr C/ qaadir waa u qalamaa Xilkaas waana nin ka bixi kara , Shaqsiyan waa kula talinayaa in New president Arintaas ka fiirsado si taxadar leh Qofkaga fiican majiro marxalada maanta wadanku ku jiro & howsha loo baahan yahay in lagu qabto 3 sano Sanadka afraad waa in wadankoo dhan ka dhacdaa doorasho Madaxweynaha. Viva Puntland & Soomaalia

  31. Ahmed says:

    Masha-Allaah. Sanadkaan waa sanadkii aqoonta. Dr Xaashi waa nin wadani ah somalina wax u qabankarah. waxaan hubaa inuusan ahayn nin jifo ee waa nin qaran. Raysal wasarahaan haduu soo magacaabo ninkaan waxaa hagaagi donah xiriirka arimaha dibada ee Dowlada Federalka Somalia. Taas waxaan uleeyahay ninkaan waa ninkii caalamka baray Puntland aduunkana ku xiray. waxayna dan ugu jirtaah somali oo dhan. allaha guuleeyo haduu khayrku kujiro aamiin.

  32. hersi says:

    marxaba is qancin waa loo baahanyahay

  33. Mr.galgalato says:

    WALAAAHI DR.KEENA WAANU TAAGEERSANAHAY WAA MUWAADIN LAHUBO WAANA U QALMAAA AAD IYO AAD WAXAAN CODSAN IN LOO MAGACAABO MADAXWAYNAHA PUNTLAND WAA IN UU KEENSADAAA DR.ABDULQADIR

  34. Maamulyaqaan says:

    Anigu hadaan fikirkeyga ku cabiro, jagadaan Masuulka qabanaya waxaa lagarabaa inuu noqdo ruux xil kas ah, leh karti sare, somalinimadu kuweyntahay, cidina dabadhilif u aheyn. Sidaas daraadeed hadii larabo isbadal lajaanqaadi kara Madaxweynaha cusub waxaa xilagaan ku haboon 3 nin oo ay dhaleen rag qaali ku ah Qaranka Soomaaliyeed. Kuwaasoo kala ah;

    1. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo kasoo jeeda Khaatumo State.

    2. Mr. Siciid Jaamac Qoorsheel oo kasoo jeeda Maakhir State.

    3. Prof. Cabdirisaaq Cismaan Juriile oo kasoo jeeda Gobalka Bari gaar ahaan Bosaaso.

    Ragaan aan kor ku xusay midkood hadii Raysalwasaare loomagacaabo soomaalida oo dhan taageero ayuu ka helayaa maamul gobaleedyada hada dalka ka jirana kama soo horjeesan karaan Raysalwasaaraha cusub.

  35. NIN YAABAN says:

    WAA NIN KU HABOON AHNA SHAKSI KA MADAX BANAAN QABYAALADA LA HARTAY RAG LAYS LAHAA AQOON AYEY LEEYIHIIN LAAKIIN U EKAADAY KUWO JAHLI QABYAALADEEDKU MADAX MARAY IYO NACAYBKA REER AY NECBAADAAN

    RUNTII WAAN AQAAN WAA NIN U QALMA JAGADAAS AYNA USOO WADA ISTAAGAYAAN UMADA INTEEDA WANAAGA JECELI AQOONTAAN U LEEYAHAYNA WAX KA QABAN KARA MARXALADAAN

    ANIGU QOFKA KUMA TAAGERO HAYBTIISA LAAKIN WAXAAN KU TAAGEERAA WADANIYADA QOFKAAS SAMA JECLAANTIISA, NADIIFNIMADA UU QABYAALADA SOOMALIDA CIDLADAAS DHIGTAY IYO SIFOYINKA WANAAG EE QOFKAASI LEEYAHAY,

    WAXAAN DADKA DAMIIRKA WANAAGSAN EE SOOMAALIYEED USOO JEEDIN LAHAA IN LA AASO QABYAALDA QURMUUNKA BADAN, NACAYBKA REER LOO QAADO,XAASIDNIMADA IYO XIQDIGA SI LOO CAYMIYO HANBADA MAANTA SOOMAALI KA HARTAY

    DADKA DUGSANAYA QABYAALADA IYO XUMAHEEDA WAXAAN LEEYAHAY ALLAHA IDIIN IFIYO JIDKA NUURAYA EE QURMUUNKA, NACAYBKA , XAASIDNIMADA QABYAALADU LEEDAHAY KA NADIIFKA AH

    HADAAN HANUUNKAAS ALLA IDIIN QORINA ALLAHA SOOMALIDA IDIIN DHAAFIYO WAAYO WAXAAD BEERAYSAAN WAX IDSKA KA XUN SOOMLINA LAAYEY OO HALKAAS DHIGAY

    ALLAA MAHADLEH

  36. Cumar says:

    Runtii Dr Cabduqaadir xaashi anigu aad iyo aad ayaan u taageerayaa aqoon u ma lihi shaqsiyan laakiin waxaa uu ka mid ahaa kuwa ugu horeeya wasiirada puntland runtii wax weyna u qabtey puntland intii uu ahaa wasiirka iskaashiga caalamiga , runtii anigoo xigta hoose la ah dr gaas hadana aad iyo aad baan u taageerayaa hadii laa magacaabo dr cabduqaadir waana nin mudan oo istaahila .

  37. muuse says:

    waxaan hubaa in kaani in uu yahay shaqsi wax tar ah oo somali ah mar haduu puntland ka dhigay meel aduunku yimaado shirar caalami ah lagu qabto waxaan hubaa in uu somaliyana keeni karo wax ka wayn intaas.daarood waa isku mid waana in puntlander ah somali ah muslim .

  38. dacad says:

    asc wwr wr salan kadib arinan an macquul aheyn ninkastana gurigiisuu adi doona hadii nin puntland kasoo jeda reysilwasare loo soo magacabo waxana sabab u ah labo arimood mida kobaad 2004 ila hada rer puntland waxa la siyay hal madax weyne iyo 2 reysilwasare marka waa in daroodka kale chans la siya oo inla siyo waa cadalad daro mida labad reysilwasare punland laga soo dorto waaxa mesha ka baxaya somali nimada ileen waa ni faroole ka amar qaate faroolana waa ninkii lahay zanawi anaguu naga dhintay shacabka rer khatumana lahay waa argagixiso marka aniga waxan qaba in reysil wasaraha laga so xulo pland waa xaran somali nimo iyo cadalad ahan intaba

    wabilahi towfiiq

  39. Fartun says:

    Dr.Cabdiqaadir Cabdi
    Xaashi aqoonyahan ku haboon jagadaasi kana bixikaro waayo aqoonteedana leh wana nin heer fcn gaarsiiyay puntland iskuna xiray aduunka iyo puntland wana shaqsi ku fcn booskaas aniga ahaan wxn kula talinlahaa inuu isku so taago madaxweynaha Mustaqbalka puntland wana ku kalasoonahay inuu ku guuleysanaayo umada reer puntland weey jecelyihiin Dr.Cabdiqaadir Cabdi
    Xaashi allah ku guuleeyo aamiin

  40. ayaanle says:

    ninka la dooran rabo waxaa la dh
    aha abdirashiid khaliif

  41. Maamulyaqaan says:

    Prof. Cabdirisaaq Cismaan Juriile liiska waan kasaaray maadaama uu remote control u noqdey shaqsiyaad gaar ah.

  42. hodan says:

    Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin bahda comments ka waxad is wada raacdeen dr A.A.Hashi in uu yahay shaqsi kasoo bixi kara xilka wasiirka kowad or reysal wasaare aniga waxaan lee yahay maansha allaah.

    waxaanse leeyahay dr xilkii uu hada punt laan ka hayey waxaa u dheeraa in uu aahaa shaqsiga kaliya ee ceyta puntland u dalba ama income sida aad u taqanaan,because waxaa u bartay waxa afka somaliga logu yaqan xiriirka caalamiga.

    waxaan leenahay hadii xilkaas madaxweynaha cusub uu u doorto waan soo dhaweynaynaa anago waliba duco ugu darayna in sha allaah.

  43. Afdhub says:

    Waa nin u qalma inuu rssawasaare noqdo

  44. AXMED SUNI says:

    waa nin u qalma

  45. Sidaytahay says:

    Ku. Maamulyaqaan ma tihid ee wxaad tahay qabiil yaqaan saddex nin oo hartiya ayaad meesha kusoo qoraysaa xanuunka iska daawee.

  46. Qalanjada Qardho says:

    100% waan taageersanahay, waana soo dhaweyney walaalkeen Cabdiqaadir Cabdi Hashi.

    Puntland oo dhana waxaan aaminsanahay ineey awalba ku taageersanaayeen hadana ku taageersanyihiin, Soomaliweyna eey ku garab galayaan!

    Good job!

  47. ceelshube says:

    anigoo ku hadlaya codka magaca dhalinyaradda puntland aad iyo aad baan ugu farax sanahay dr. abdulqadir haashi in loo magacaabo RW dalka soomaliya,maadama mudo 3 sano uu shaqo fiican
    kasoo qabtay dawlad puntland waa nin aan is dhihi karo waad kaga samri kartaa shaqadii wanagsanayd ee uu qabtay abdi wali ali gaas.haduu u abdi wali meesha ka tago oo nin kale loo magacabow waxad mooda in aysan niyada dagteen. laakin hadii abdulqadir loo magacaabo niyadaayadu aad bay u dagasaa maxaa yeelay waxaan ku kalsoo nahay dr.abdulqadir haashi inuu la imaan karo shaqo iyo karti wanagsan oo u wax ugu qabanayo umadda soomaliyeed.

    ceelshube.

  48. waaa fiicantahay hadii uusan ahayn nin ka soo jeeda hadii uu wax qaban waayana waaan ka tuuraynaa meesha mida kale somaliyeey maantay nin aqoonyahan ah ayaan ubaahanahay mida kale in lasiiyo aanbarabi lahaaa wasiirkaaas koobaad si loooqalqaaliyo

  49. Ardo madaxay says:

    Juuriile saw cawradii aan niqiin ma aha ma qabiil baad meesha u soo galiseen ar dadkaanaa.

  50. Fayood says:

    Allahu Akbar! Waan soo dhawaynaynaa, waana war lagu farxo! Ilaahay run haka dhigo. Aaaamiin.

  51. zack-london says:

    waan soo dhawayneynaa hadaan nahey shacacka soomaaliyeed Dr.Cabdiqaadir Cabdi Hashi wakhtigii

  52. cabdisalaam says:

    Kolley waxaan shaki ku jirin in beesha lagu sheegay ninkaan ay tahay beel siyaasad ahaan aad uga dhisan dhamaan noocyada somalida waayo waxaad arkaysaa ayaga iyo beeesha layiraahdo godobiirsay in ay yihiin beelo diimeed haddana amni kula noolaada dariska tixgaliyana maganta iyo qaxootiyada marka waxay u badantahay in qabaa’ilka soomaalidu ay ku qanci doonaan dhamaantood.
    assaga Anugu aqoon rasmi ah uma lihi laakiin haduu ku guulaysto assagaa iskaayabaraya insha Allaah.

  53. acww
    soomaaliyeey gudoomiye baarlamaan sharafleh aqoonleh, madaxweyne cajiib ah dhanwalba, raysulwasaare elhu karaama ah aqoonyahan akedeemic waa kii naga saarilahaa mugdiga pls halataakuleeyo dr abdikadir abdinoor xaashi gaabane marnaba caadi maaha nooloow raysulwasaare nooloow abdikadir,

  54. wadaad yare says:

    Beel ahaan oo ah Leelkase waa hubaal inuu noqon karo xal dhex dhexaad ah oo Daaroodkoo dhan ku wada qancaan maadaama beeshu u simantahey qabiilooyinka dhan ee Daarood!

    Hase ahaatee qabiil kaliya wax laguma qiimeyn karo oo qofka siyaasaddiisa ku wajahan gudaha iyo dibedda iyo kartidiisa ayaa ka muhimsan positionkiisa beel ahaaneed!

    Waddanku caqabado waaweyn oo aysan ka gudbin karin madax kala fikrad ah ayaa horyaalla.

    Caqabadahaas dadka badankoodu waxey ku eegayaan isha reerkoodu ku eegayo, ee si moqduuci ah oo cilmiyeysan uma eegayaan.

    Marxaladdaan waxaa ka saari kara madax is waafaqsan kuna mideysan fikrad xalaal ah oo xal doon ah.

  55. GUEST says:

    Nin kaan dadkiisa wax tar buu u ahaa dalkiisa waa uu hormarinayaa inshaallah. Umada PL aad beey u taageersanyihiin asaga iyo faarmaajo shaqo iskumalaha. Farmaajo dad uu wax u qabtay majirto nin kaana waa nin dhulkiisa dhistay.

  56. Mohamed says:

    scww salan kadib walaalayaal waxaa cadaatey in ay soomali oo dhan fahamtey in kal kaan kalkii beesha uu ka soo jeedo dr abdulkaadir tahay oo intii kale siday faraha isugu taagayeen ay is naceen
    hada danta soomalida ayaa hada ku jirta ee tan qabiikiisa kuma jirto ee soomali haloo daneeyo

  57. qardho says:

    ababa ababa waa madax sare waa aqoonyahan diktooraa haysta waa dhalad reer puntland ah aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa in uu noqdo raysalwasaare waana mid abuuri kara kalsoonida reer puntland iyo isku xirka dowlada dhexe fadlan hala taageero ninkaas waa madax abiil wax mataro in badan puntland way soo qabatay jagadaas

  58. qardho says:

    jacliyaa in uu noqdo raysalwasaarer allow ka dhig allow ka dhig aamin aamii aamin

  59. jilbis says:

    Goortaan sheegey arinkaan ma dhoweyn laakiin hada ayaad igu raacdeen anigu si dhab ah ayaan u aqaan Dr. Xaashi waana u qalmaa booskaas laakiin dadka xiqdiga iyo xaadsinimada ka batey ee iska caytamaya taageetadooda looma baahna, ina xaashi waa pundlander waa D family waa soomaali.
    Madaxweynaha dowlada Puntland yaan loo gefin beeshiisana yaan loo gefin ciddii wax sameysata ee soomaliya ha la taageero.
    Guul iyo gobanimo

  60. sool-man says:

    Aad iyo aad baan u tagiirsanahay in nin walaalaha leelkase ka suujeeda xilka raisa wasaraha loo dhiibo

  61. DR ABDIQAADIR ABDINUUR XAASHI FIQI says:

    WAA NIN AAD U ADAG KA SOO SAAREY MARXALAD ADG PUNTLAND OO AAN LAGAAQOON ADUUN WEYNAHA AYUU KA TAAGEY CALANKII PUNTLAND

  62. qabiil haku feera jabin says:

    Reer Puntalan nin ey amaaneen nin Faa iido somali weyn u soo wado maahan waa nin Danta shaqsiga iyo Puntland kaliya rabo inuu kashaqeeyo , Marka Reysal wasaaraha somalia waxaa laga dhigayaa ninkii aad kasoo horjeesataan ama necebtihiin NInkaas ayaa ah kan somaliweyn wax u qaban kara.
    Waa nin aqoonleh maxeey tareysaa aqoontiisa faroole haduu ka ammarqaato, heeyhaata ey katahay kan inuu noqdo Reysal wasaare. Markaan dir ayaa laga soo magacaabayaa Nin aqoon yahan ah oo aan maamulna wax kaso noqon ee taageera qabiilka iskadaayo aad aaminsantihiin. insha allah

  63. hersi says:

    Nimanyahow ninkaanoo kale Puntland baa u baahanee ha iska dirina Faroole markuu Xamar tago ma soo noqonaayo wuu is casilayaa.

  64. ANIGOO KU HADLAYA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE QURBA JOOGTADA AH WAXAAN AAMINSANAHAY ANIGOO KU NOOL CANADA MAGAALADA EDMONTON ALBERTA ABDULQADIR WUU U QALMAA INUU NOQDO RAYSULWASARE KUWO KA LIITAY AYAA RAYSULWASARE NOQDAY WAANA NIN KA SOO BIXI KARA SIYAASADANA WAX BADAN KU JIRI JIRAY DAWLADII HORENA KA SOO SHAQEEYEY WAANA NIN AQOON FIICAN U LEH SIYAASADA WADANKA IYO DIBADABA, AQOON FIICAN AYAANAN U LEEYAHAY

  65. AQOONTEEDANA WUU LEEYAHAY WUUNA NOQON KARAA RAYSULWASARE AAD BAANAN U AQAANAA INUU KA SOO BIXI KARO SHAQADA RAYSULWASAARE KUWA UU KA AQOON IYO SHAQO BADAN YAHAY AYAA RAYSULWASARE NOQDAY DHALINYARADA QURBAJOOGA WAA AMINSANAHAY INUU NOQDO RAYSULWASAARE

  66. DR ABDIQAADIR ABDINUUR XAASHI FIQI says:

    . Anniga ma arko cid bookaas kaga haboon, haddaanu helina waa madaxweynaha mustaqbalka ee Puntland, Insha Allah.

  67. dr daacad says:

    asc aadbaan idiin salamaaya dhamaantiin madaxa websiteka iyo dhamaan akhrista yasha intaas ka dib waxaan raba in aan idiin sheego hadiii niyada daqiiqadna ad galiseen in somaliwayn is raacdo oo ay heshiiso joojiya dadka maamul goboleedyada iyo arimaha u qaaska ah gobol goono ah dabada kula jira oo ad kushaacinaysaan meelaha public ga ah waxaa jooga rag aan gobol iyo beel toona dabada kula jirin hormar cidwalba oo somaliya oo caqli lehna fahmi karto wadanka so garsiyay hadana diyaar u ah in uu u qabto dalkiisa intii usoo qabtay iyo in kabadanba marka walalayaal adinkoo mahadsan sadasha khayr ka dhiga hada xaladu waxay maraysa wadanka ya samata bixin kara ee ninkaanu waa ree qurac iyo wa ree qansax dhaaftay

  68. jini arag says:

    Fadlan kala daaya waa nin fiican iyo faroole ayuu saaxiib la yahay ,, oo arintaasi meel ma wada gasho,
    faroole prof.gaas ayuu colaadiyay hadana wax u diidan yahaynin ka fiican kana aqoon badan puntland ka iman maayo. thanks.

Leave a Reply