Ciyaaryahan Eric Abidal oo si caro leh ugu hadlay filimkii lagu jees jeesay Nebi Muxamed (NNKH)
Ciyaaryahanka Muslimka ah ee xulka France iyo kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa si caro leh ugu hadlay filimka loogu magac daray “Innocence of Muslims” kaasi oo si fool xun loogu jeesjeesey diinta Islaamka iyo Nebigeena Muxamed nabad iyo naxaiiris dushiisa ha ahaatee.
” Nebi MUXAMED (NNKH) waa ashraful khalqi mana banaana in lagu matalo suuradaas xun ee filimka “Innocence of Muslims” ayuu si caro u yiri Abidal mar uu wareeysi siinaayay jariidada Marc ee kasoo baxda Madrid.
Waxuuna ciyaaryahanka intaas ku daray in si deg deg ah loo joojiyaa filimka isla markaana gabi ahaanba laga tir tiraa you tube-ka si loogu hortago buu yiri inuu sii faafo filimka.
Waxuuna sidoo kale ciyaryahanka si aad ah u muujiyay intii uu wareysiga bixinaayay sida uu ugu qanacsanyahay diinta Islaamka waxuuna yiri.
” Aad ayaan ugu faanaya inaan ahay ruux Muslim ah”
Abidal oo 32-sano jir ah ayaa diinta Islaamka qaatay dhowr sano ka hor waxuuna ku caan baxay inuu had iyo jeer difaaco diinta islaamka.
Dhinaca kale weeraryahankii ugu fiicnaa horyaalka Suudaan xilli ciyaareedkii hore Mudathir Kareka oo haatan u ciyaaro kooxda Al-Hilaal ayaa si khaas ah ugu dabaal dagay gool uu dhaliyay ciyaar ay koxdiisa la laheyd koox ka dhisan wadanka Angola ciyaar ka tirsaneyd koobka naadiyada afrika.

Waxaana uu Mudathir fanaanada hoose kusoo qortay sida tan ”Rasuulka ALLa Mooyee”,isagoona sidoo kale muujiyay sida uu ugu xunyahay filimka “Innocence of Muslims”.
Xuseen Maxamed Cabdulle “Richo”
xuseenriiko@gmail.com













waa war fiican
Aad baat umahsantahy Abidal