Ethiopia: Doorashada Xasan Sheekh Waa ‘Rabitaanka Soomaalida oo Hadlay’, Bixitaanka Ciidamadeena Waxay Ku Xiran Tahay Dawlada Cusub Ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Danjire Cabdicasiis Aadan

Muqdisho (RBC) Danjiraha dawlada Ethiopia u fadhiya magaalada Muqdisho C/casiis Aadan oo xalay markii doorashada madaxtinimada ay dhamaatay kadib la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in dawladooda ay soo dhoweyneyso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha ayaa ku micneeyay doorashada madaxweynaha cusub mid ka tarjumeysa in rabitaanka dadka Soomaalida uu hadlay.

“Waxaa ii muuqatay in dadka Soomaaliyeed ay hal cod ku hadleen oo ay cadeeyeen inay isbedel rabaan, dabcana isbedelka waa mid loo baahnaa” ayuu yiri danjire C/casiis oo Af Soomaali kula hadlay wariyaasha.

“Anagu hadaanu nahay dawlada Ethiopia waanu sii wadeynaa wada shaqeyntii aan la lahayn dawlada sidii aan ula shaqeynay dawladii hore” ayuu sii raaciyey.

Danjiraha Ethiopia waxaa la weydiiyey in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay kala bixi doonaan mar haddii uu isbedelay hogaanka dalka Soomaaliya.

“Ciidamadeena waxay ku yimaadeen fasax dawlada iyo madaxda Soomaaliya, haddana waxay ku xran yihiin dawlada cusub iyadaana go’aan ka gaari doonta” ayuu yiri danjiraha Ethiopia.

Ugu dambeyn danjire C/casiis ayaa amaanay in dadka Soomaaliyeed ay hadda heystaan fursado waaweyn isagoo xusay in doorashada baarlamaanka ka dhacday ay muujisay in dareenka Soomaalida uu hal dhinac u jeedo.

Wuxuuna ku celceliyey in dawlada cusub ee Soomaaliya ay ka shaqeyso nabada dalka iyo in dawladaha deriska ah lagula noolaado nabad iyo deris wanaag.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags: ,

Leave a Reply