Faah-Faahih: Prof Jawaari & Shariif Sheekh Oo Villa Somalila Ku Kulmay
Muqdisho [Radio RBC] Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore dowladda KMG ah ayaa xaley kulan ku qaatay xarunta Villa Somaliya.
Kulankaas oo aan si faah-faasan loo ogeyn wax yaabaha looga hadlay, haddana waxa wararka aanu heleyno sheegayaan in looga hadlay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta barri ah ka dhaceysa Muqdisho.
Wax kaloo kulanka looga hadlay siddii doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ugu dhici lahayd si cadaalad ah oo ay ku jirto mas’uuliyad, sida uu goobta ka sheegay Prof Jawaari.
Waxa kaloo goobta ka hadlay Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday, waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay hadda wax u socdaan, taasoo uu sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ay u horseedayso in ay helaan dowlad rasmi ah.
Waxa kaloo uu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka laga doonayo in ay ka dhabeeyaan mas’uuliyada ay hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa immaanaya iyadoo maalinta barri ay ka dhaceyso Muqdisho doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ka dhigeysa markii ugu horreysay muddo 21-sano oo ay Soomaaliya yeelatay dowlad rasmi ah oo aan ahayn ku meel gaar.
Waxa magaalada tan iyo xaley ka socotay kulamo ay musharrixiinta la qaadanayeen xildhibaanada taasoo ay ku doonayaan in ay codka ku siiyaan, sidoo kale warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in uu jiro heshiis laga dhexwado labada Shariif, waana tan keentay in maamulka Puntland oo ka digo wax uu ugu yeeray khalkal laga liyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Si kastaba, waxa wax kasta kala cadaan doonaan marka la gaaro bari oo Isniin ah iyo doorashada ka dhaceysa dugsiga tababarka ciidanka ee Gen Kaahiye, hal kazoo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Muqdisho















Punt land ma waxay kawadaa qof aanan wada shaqayn karin qof aan … ahayn yaan ladoran ! Nacasnimadi farole weeyee waa in la kashifo farole after dorashada
Waa handadaadii uu sheegay madaxweynaha Puntland oo soo baxday. Halagu kala tago wadankaan wax la isu hayaana majiraan!!!
Puntland haka go,do dhiig cabayaasha xamar jooga.
Shariifka waxay kaga dhagan tahay in raga kamaqan Parlament ka lagu soodaro inta aaysan dhicin Doorashadu , Jawaari maahan Shariifkii Hore saacad walba si u shaqeeya , Pro jawaari Sicad buu ugu sheegay in gudi loosaaray Go’aana kasoo gaaraya , Shariifku Waxuu isku dayay Inta aaysan doorashadu dhicin in lasoo galiyo Parlamentiga Hadii xataa Doorashadu Dib u dhacayso , Shariifka Hurdadii baa katagtay Waana Qaadan la yahay inuusan aheyn president Marhorana Waqtigii ka dhacay Aheydna inuu Isaga baxo Villa Soomaalia , Shariif markii horaba alaha unaxariistee C/aahi Yuusuf Oo ahaa Ninkii dhibka ugu adag usoomaray Sidii uu mar kursigaa ugu Fariisto Isagiina Malin cad buu kadagay Marka Baro Walaguu dhiibay Caawa & Habeen danbaa Haysataa Ka guur Guriga Adigu malihide , Waan la socdaa Inaadan Aamin saneyneeyn Inaad Guureeysid , Viva Puntland & Soomaalia
Shariifka waxay kaga dhagan tahay in raga kamaqan Parlament ka lagu soodaro inta aaysan dhicin Doorashadu , Jawaari maahan Shariifkii Hore saacad walba si u shaqeeya , Pro jawaari Sicad buu ugu sheegay in gudi loosaaray Go’aana kasoo gaaraya , Shariifku Waxuu isku dayay Inta aaysan doorashadu dhicin in lasoo galiyo Parlamentiga Hadii xataa Doorashadu Dib u dhacayso , Shariifka Hurdadii baa katagtay Waana Qaadan la yahay inuusan aheyn president Marhorana Waqtigii ka dhacay Aheydna inuu Isaga baxo Villa Soomaalia , Shariif markii horaba alaha unaxariistee C/aahi Yuusuf Oo ahaa Ninkii dhibka ugu adag usoomaray Sidii uu mar kursigaa ugu Fariisto Isagiina Malin cad buu kadagay Marka Baro Walaguu dhiibay Caawa & Habeen danbaa Haysataa Ka guur Guriga Adigu malihide , Waan la socdaa Inaadan Aamin saneyn Inaad Guureeysid u sheeg sisterska ineey bag gareeyaan Waxii meesha kaa yaala, Viva Puntland & Soomaalia
SHARIIF WUUBA DIIDAY INUKABAXO VILLA SOMALIYA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK CEB AYTACAL SOMALI KURSIJECELA INUBA DHINTAN KABAQAYA HADUUWAYO SUU ISURACSHAY WAR ILAHAY AMIN HADAD HESHO IYO HADDA WAYDABA GUDOOMIYAHA BARLAMANKANA MA SUNTII AYAA LAGU DAARTAY MAA GEEYAY XALAY KULANKAAS QARSOODIGA MUUXUU NOQONKARA MA DUUGTII UMADA LOO HESHIIN AQOONYAHANKA INTAAS WAANKALA HANWAYNNAHAY EE SEE WAX UJIRAN MASAXAFADA WAX BUUN BUUNINAYSA RERKA ALOOW KIIROON U REB