FaahFaahin Dagaallo Ka Dhacay Jubadda Hoose Iyo Shabaab Oo Ka Baxday Birta Gacal Dheere
Miido (RBC) Wararka naga soo gaarayo gobalka Jubada Hoose gaar ahaan deeganka Janaa-Cabdala waxa ay sheegayan in dagaallo culus ay maanta ku dhexmareen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.
Inta la ogyahay 10-qof oo u badan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka maanta tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay leeyihiin wararka madaxda bannaan.
Dagaalka ayaa la sheegay in laga dareemay magaalada dekadda leh ee Kismaayo, halkaasoo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni ayaa guulo ka sheegtay dagaalka laakin Al-Shabaab wax war ah lagama hayo dagaalka maanta ka dhacay deeganka Janay-Cabdala oo 60-KM u jirta magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay isaga baxday deeganka birta Gacal Dheere oo u dhow Miido, ma cadda halka ay aadeen Al-Shabaab, deeganka hadda cid joogta ma lahan.
Sida ay leeyihiin dadka ku sugan deegaannada lagu dagaalamay , dagaalka maanta ayaa daba socda dagaallo maalmahan si goos goos ah uga socday Gobalka Jubada Hoose.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo taageero ka helay ciidanka Kenya ay qeybta ah AMISOM ayaa kaabiga ku haya magaalada Kismaayo oo ah halka dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo kooxda Al-Shabaab oo dhul badan laga qabsaday.
Dadka ku dhaqan magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa ka wal-walsan dagaallo xooggan oo ka dhaca magaalada, maxaa yeelay ciidanka huwanta ayaa magaalada ku soo jeeda, laakin Al-Shabaab magaalada ciidamo badan ayey dhigtay oo dagaal ay diyaar u tahay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] See the original post: Faah-Faahin Dagaallo Ka Dhacay Jubadda Hoose Iyo Shabaab Oo Ka Baxday Birta Gacal Dheere [...]
raxanreeb xoogaa naga daaya buubuuninta. dagaal ka socda Miido ayaa Kismaayo laga maqla, waa war xaqiiqada ka fog.
This is called loosing battle.
Waar kuwan wax u fikira xitaa malaha miyaa.
Diin xumo iyo caqli xumo wax ka xun weligaa arki maysid
khawaarij naclad ku dhacday Alshaydaan xageed galeysaan, godobtii ummadda masaakinta aad ka gasheen ayaa idin haysa, badda iskushuba libaax-badeedka ha idin liq-liqo ilaa ummadda Somaliyeed noloshay idiin ku gubayaan.
Gaal iyo gaala-raac allow nooga gargaar …. diintaada iyo shareecadaadana kor yeel…!
walcaaqibtu lil-mutaqiin…!
Wariyaha raxanreeb deeganka Janayo Cabdale iyo Birta dheer 15 uma jiran kismaayo janaayo cabdale iyo kismaayo waa 40km waxana u dhaxeeya Gubokibir iyo magalooyin kale mida kale ciidamada huwanto waxay joogaan Miido mana soo dhafain xata BIIBI MASOO GARIN