Faah-Faahin: Kenya Oo Heshay Ciidamo Ay Kuweysay Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ciidanka Kenya ee howgaladda ka wada Soomaaliya

Ciidanka Kenya ee howgaladda ka wada Soomaaliya

NAIROBI, Kenya, Sept 2 [Radio RBC] Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay in la helay seddax ka mid ah askar ilaa shan ah oo ka tirsan ciidanka (KDF) kuwaasoo lagu waayay maalintii Jimcaha dagaal ka dhacay deeganka  Miido ee gobalka Jubadda Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in la helay seddax askari, laakin ma bixin faah-faahin kale iyo xaalada caafimaad ay ku sugan yihiin iyo sid aloo soo badbaadiyay.

Chirchir ayaa Sabtidii shaley sheegay in shan katirsan ciidanka Kenya in la waayay, halka seddax kale ay ku dhaawacmeen dagaaladii ugu dambeeyay eek a dhacay gobalka Jubadda Hoose, kuwaasoo dhaawacooda loo qaaday magaalada  Dhobley halkaasoo lagu dawyenayo.

Ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ee (AMISOM) ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 36 Al-Shabaab maalintii Jimcihii kaddib dagaallo dhowr saacadood ka socday deeganka Miido ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa shaley ku soo bandhigay magaaladda dekadda leh ee Kismaayo meydadka afar askari oo ay ku jiraan ciidamo Kenyan kuwaasoo ay sheegeyn in ay ku dhinteen dagaaladii u dambeeyay.

Magaalada Kismaayo oo xarunta ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo kooxda Al-Shabaab, ayaa waxa hadda ka taagan xiisad dagaal, waayo dhowr KM ayay u soo joogaan ciidanka huwanta,kuwaasoo doonaya in ay qabsadaan magaalada.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “Faah-Faahin: Kenya Oo Heshay Ciidamo Ay Kuweysay Soomaaliya”

  1. [...] Read the article: Faah-Faahin: Kenya Oo Heshay Ciidamo Ay Kuweysay Soomaaliya [...]

  2. [...] ciidamada Kenya General Julius Karangi ayaa sheegay in shaki lagaliyay howgalka Kenya ay ka wado Soomaaliya iyo in guul daro ay kala kulmi [...]

Leave a Reply