Faah-faahin: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Muddo Korarsiga Xukuumadda Faroole oo Qardho Ka Dhacay iyo Xaaladda oo Caawa Degan [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Qardho[RBC Radio] Shacabka ku dhaqan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa Mudaharaad balaaran oo laga dareemay guud ahaana deegaanada kale ee Puntland ka dhigay bartamaha magaalada isla markaana waxa ay si weyn uga soo horjeedeen Muddo korarsi hal sano ah oo ay Xukuumadu sameyso.

Dadka Mudaharaadayey oo u badnaa dumar iyo Carruur ayaa Shaagaga Gawaarida ku gubay bartamaha magaalada iyagoona darbiyada ku qoray erayo ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole sida”PUNTLAND HALA BADBAADIYO iyo DOONIMAYNO HAL SANO OO FAROOLE KU DARSADO iyo erayo kale.!!!.

Mudaharaadkan ayaa bilowday markii uu magaalada yimid Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre isla markaana waxaa hakad uu ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka,

Qaar kamid ah dadka Mudaharaadayey oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegaya in Mudaharaadkan uu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca gudaha magaalada Qardho,iyadoona dadku si weyn uga Caroodeen Muddada halka sano ee Xukuumadu ku dooneyso iney ku farsameysato taasina aysan marnaba Ogolaan doonin.

Xaaladda magaalada Qardho ayaa caawa degan,waxaana laga cabsi qabaa in  maalinta berito ah ay meeshooda ka  sii bilowdaan,iyadoona dadka ugu  baaqeen in Guddoomiyaha Guddiga  Doorashadu uu sida ugu dhakhsiyaha badan ugaga baxo magaalada.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii kulan ay Isugu yimaadeen Afara-beelood oo wada dega gobolka Bari kuwaas oo Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole ugu baaqay in Doorashada wakhtigeeda la qabto isla markaana la iska ilaawo muddo korarsi,waxayna sal uga dhigeen baaqooda:

1. Dastuurka oo Afti dadweyne loo qaado.

2. Hubka oo dadka laga urursho.

3. Tirakoob Dadka lagu sameeyo.

4. Waraaqaha Aqoonsiga oo loo sameeyo Muwaadin kasta.

5. Xuduudihii Gobolada iyo Degmooyinka Pland oo lakala xadeeyo.

6. Wacyi gelin ballaaran oo daweynaha loo sameeyo,iyo arrimo kale oo farabadan.

Si kastaba lama oga talaabada ay qaadi Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole ee ku wajahan mowjadaha xambaarsan Mudaharaadyada,iyadoona looga fadhiyo in Doorashada ay ku dhacdo wakhtigeeda bisha Janaayo 2013 sidii ayba horey u sameysay tii ka horeysay ee Madaxweyne Cadde Muuse.

_____________________________

RBC Radio

Share

Tags:

42 Responses for “Faah-faahin: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Muddo Korarsiga Xukuumadda Faroole oo Qardho Ka Dhacay iyo Xaaladda oo Caawa Degan [Sawirro]”

  1. [...] Read this article: Faah-faahin: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Muddo Korarsiga Xukuumadda Faroole oo Qardho Ka Dhacay iy… [...]

  2. garaad yusuf says:

    Faroole puntaland waa lahatay ee iska qabta hadii kale adinka ayuu idin iibsanayaa lkkk ileentuugna waatuug afminshaarna waa tuug kuqaada washamsi isagaa cararidoonee

  3. rooraaye says:

    walee maamulka faroole waa loo baqaa sababtoo ah wixii hore waa been waxaa iska hadlaayey ninam siyaasiyiin ah markii hore hada wax walbaa wey isbedeleen hadii shacabka soo jeestaan waxaan u malaynaayaa inuu faroole iyo maamulkiisa isaga tegayaan meesha maxaa yeeley wax waji ah kama sameysan shacabka markaa waxaan leenahay hadaynu nahay qurba joogta putland hala badbaadiyo midnimada putland waa hadii talo jirto anigoo og faroole inuusan u hogaansaneyn sharciga iyo weliba rabitaanka shacabka putland laakiin meeshu dhaxalmaaha waa in qofwelibaa siduu ku yimi ku tago taasi waa dimuqraadiyada saxda ah faroole waa inuu tagaa

  4. Puntlander_ says:

    Xukun baan kororsanayaa iyo sheekooyinka noocaas waa waxa ishaa noo yeelay.

    Ogsoonow oo markii uu doonayay inuu isu soo sharaxo xilka uu hada hayo. Maalin walba BBC ayuu Australia kasoo wici Jiray asagoo Cadde Muuse uga digaya inuu xilka kororsado.

    Berigaa uu kursiga doonayay aad bay ula khaldanayd in xilka la kororsado laakiin hada maadaama uu isagu yahay qofka xilka kororsanaya….. aad buu isula qumanyahay………….. Wakaas caqli afrikaan.

  5. Sirmaqabe says:

    ad ayan u tagersanahay banan baxa shacabka rer qardho waxana leyahay siwada kacdonka kagana tura farole

  6. mudug says:

    reer qardho walle waa dhamaan reer mudug anagu siyaasad waxba kala ma socono dalkii mugdi ayuu ku sii socdaa wiliba anaga dhibta ugu badan ee amaan daro nahaysata balse anagu hada ayaan galkacyo banadi doona bal faroole garowe ha isaga wareegaystee intaas ka badan dulqaad dhamaah xita second loogu dari maayo

  7. Faroole says:

    Wanu soo dhawaynaynaa mudaharaadka hadii uu yahay mid nabadeed hadii ay kadambayso arimo kale amar ayey qabaan ciidamda qalabka sida in ay talaabo qaadaaan amaankana sugaaan sida looga bartay

  8. Mr.talokeen says:

    Xukuumad lagu kalsoonyahay ayaa Shacabka hubka ka qaadi karta
    Ee Mr. Faroole ma wuxuu illoobay in dawladda ka jirta Puntland ay tahay mid
    Hab Qabiillo isu tagey inay tahay?
    Hubka ma qabiilkiisa ayaa dadka ka uruurinaya ?
    Yaase naga difaacaya marka ciidankiisa oo Dagaal Qabiil soo qaaday ay weerar ku qaadaan qabiillada kale ee Puntland? ? ?
    Caqli keen Al-xaaji
    Xukunkana Election qabo and extended period and dictatorship in Puntland

  9. sool-man says:

    Warlord faroole waa fashelkii ugu weynaa oo puntland soo mara electionkii xamar ka dhacay baa dibada u soo saaray fashelkaa, no president no prime minister for puntland, every Somalis hada puntland ma arki karaan,farole baana u horseeday puntland isolationka iyo fashelka maanta haysta.

  10. AK47 says:

    ASC bahda raxanreeb marka xiga ku qofka magaca faroole wata waxan ku way diiyay yaa talaabo laga qaadayaa ma shacab aan hubays nayn ba talaabo laga qaadi mid kalana talada ku darso ciidan ka aad lee dahay wa in ay talaabo qadaan sow ma ogid in ay iyaguba gaajo la liitaan o ay hadana qabiil qabiil is kugu uruur san yihiin bal maxaad fali hadii reer bari mudug sanaag in ta yar ee sool ay ciida madoodo la baxaan maxaa meesha kuugu soo haraya [ istaaf kaliya dheh ] sida adiga iyo adeer kaaba ay ku fakarayaan ba idin ka dhab ah waxa halkaas ku dhigay wa qabiil jacayl saa intaad magaca faroole so qadatid waxas kuma hadasheenee ceeb weye shacabka xaq bay u lee yihiin in ay shucuur tooda mu jiyaan yaan la caburin

  11. Faroole says:

    To: Mudug ;::: adeeer kan Reeer Mudug wata madaxweyne faroole CID uu ujoojinayo majirto AMA Mudug haka yimaado AMA Bari haka yimaaadaan AMA garaaadland ciidamada republican guardka ayaa diyaar ah nac nacda Hala dhaafo waxaad isku haysaaan la imaada

  12. meesha puntland laga badali karo waa bosaso bosasana kacdoon diyaar uma aha

  13. buuhoodle says:

    wali warbay keneen nimankii reer qardhood. waan sugaynay inay dhacdo arimahan oo kale oo aad ufoolxun inaad ku kacdaan , daba dhilifna unoqotan cabdulahi siciid samatar iyo alshaabaab oo donayaa inay gabaad bidaan puntland. wale iyo bele inaan taas lagu riyoon. waa la is yaqaan reer qardhodna waa naqaan. balmeshaad gartaan baan arkaynaa, tii jamac ali jamac baan ogayn maanta waxaad keteen inaad wadanka xarqaladaysaan , war hoy meel fariista, shalay xukunka waad haysaan maanta cidka le oo reer puntland baa haysa. beri cidkale baan filaynaa, gursigu ma dhaxal baa horta, qola kasta markeeda. weeye, markaan waxaa iska leh, —, —, –, ama —-. warkaas waa soo dhamaaday , wadankana waa lasamata bixinayaa, haday dagaal noqotona maxaad qaadaysaan. puntland sidii hore mahan oo aad dadka ugacan haadinjirteen. wale belo baa idin wadata markaan somalidu waxay tiraahdaa”duqsigii duulduulbadan aflibaaxbuu galaa” iyo “dawacadu meshay macal ugabarto kama tagto. ” marka waxan uga harayaa shacabka xalasha ah ee reer qardhood yaan lagu tacadiyin oo dano khaas ah , oo shishaye lagu shabadayn halay iska cesho siyaasiyinnta socodka xun , waad mahadsantihiin,

  14. galkacayo says:

    anigu waxan arinta u arka inu faroole ku khaldanaye xerka puntland lagu dhisaye ma dhigayo ina lagu darsado sanada ama wax la mid ,, dr faroole arinta haka noqodo waxay waxa u dhimaysa wadjirka iyo midnimada puntland ,, waa inaye dooraasha xalali dhacda madxwayne faroole waqtiga wa dhamade na fasaax ama isku soo taga dooraashada kursigu yuun kula macan shacabka reer puntland bu ka dhaxeeya

  15. sool-man says:

    Kan buuhoodle labaxay ,adeer reer buuhoodle ha sheegan waa cadahay inaad reer faroole tahay aa magaca nuudaa,kkkk mahadaad magacyada dadka sheegateen,wali reer faroole waa waasheen kkk

  16. qandala girl says:

    —midna pl kama hadli karaan saa pl dad baa iskaleh farole baa madaxweeyne u ah.c maxamuudna xoogeey farole u hayaan uma aha ineey ficiin kahara yaa yiraahda dhexiisa ladirira reer qardhana waa la eegayaa hadeey dumar iyo caruur noqdaan dhib makeup hadeeyse reerku qabaan arintaas wax la edbiyo iyagaa ugu fudud weey yaqaanaan sida loogalayo nin laga keenay haduu naga xishoon waayay kaxishoon meeyno

  17. bandarqasimi says:

    faroole waa khiyaanoole afartii dagmo ee bari ugu dadka badnaa buu ka reebay tartarka doorashada inuu ka dhaco sababtoo ah wax tageeri ah kuma laha goboolka bari iyo karkaar ooo dhan ,wax kale muu rabee in puntland kala daadato buu rabaa lkn insha allah dhici mayso taas ,boosaaso-na mudaharaad kan qardho la mid ah baa ka dhacaya ayaaamaha nagu soo food leh !!!!!!!!!! anigu shakhsi ahaa ina siciid samatar iyo faroole midna uma codaynayo doonina maayo dadku waxay rabaan isbadal iyo wajiyo cusub

  18. xiingood says:

    kkkkkkkkkk wale waxbaa salagle faroole nin xishooda uma eka waxn u malynayaa maamulkii hore loo oranjiray puntland ee doqonka faroole ku galgashy in ay ugu filantahy intaas mxaa yeelay nac nacda ugu filan afar sano oo bur bur ah adeer ka tag meesha hadii kale waa lagaa kaxayn angu qabiil ayaan kugu haynay meesh afarta sano maanta waxy maraysaa meel xun lama fiirsan karo naf iyto ,maalna waa loo soo huray puntland tii hore hady kugu taageeraan walaalkeen hade go,aankeeday leedahy lakin mr faroole dabuur wxaagu fashil waa dhaafay waxy maraysaaa waxiii 14 sano la dhisayay in uu bur buro marka waxaan ku leyahy hadaad talada qabaailkaad kalsoonida kaga ciyaartay qaadanwayso hadee dangorayo wxii xagaa kasoo ah dowladaadu fadhidka ah waa loogu imanayaa hadaa bela waa lagaa badiyaa hasoo weaalin rag soo gubaty ayaa meesha maraya sida c/laahi siciid samatar oo ay ku filantahy bersa 500 oo wiil marka qabiil lagu tageer waxna tari waysay reerkiina ilaa xamar waxaa tahay muquuno loo soo diray wadanka

  19. faroole ilaahay dadka ha dhaafiyo ilaahay qof fiican ha ugu badalo

  20. Faroole says:

    To qandala girl. Kkkkkkk ina adeeer gob ayaaa tahay wax fahansan afkaaga casabas
    Lagu qabay ii nooloow waadna ku mahadsantahay sida ula hadashay Dadkaan xumaanta laga so buuxiyey

  21. faarax says:

    shacabka puntland xaq ayey uleeyihiin inay mudaaharaadaan madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaatey waa inuu doorasho galo madaxweyne cade muuse waqtigii loogu tala galay ayuu xukunka wareejiyey markii looga adkaadey doorashada waa mahad san yahay cade muuse wuxuu ahaa nin caqli badan wuu badbaadiyey puntland marka faroole doorasho hagalo hadii uu guuleysto ha hayo xukunka hadii laga adkaado ha ubaneeyo dadka cusub shacabka puntland wey ogyihiin waqtiga doorashada ay dhaceyso

  22. Fayod says:

    Ascw. Reer real Puntland halakala xishoodo oo yaanan isku qabqabsan halkaan! Waxaan kaloo dhihi lahaa Faroole xaq uma leh in habeen loogu daro. Waxaan reer Qardhood iyo reer Mudug oran lahaa samirkiinu intaan waa kabadnaa markii labadii madaxwayne ee kahoreeyey ay haysteen Puntland! Maanta maxaa isbadelay! Adkaysi hala yeesho bilaa calaykum!

  23. Tanade says:

    Al Xaasid laa yaflax.

    Walaalayaal xaasidnimadu waatan dalkeenii la dagi la’yahay aan iska dayno xiqdiga naar baa lagu galaa.Soomaaliya degaanada nabdoon sida Puntland Iyo Somaliland halkii aan nabada Iyo kala dambaynta ku amaani lahayn oon weliba duco usii raacin lahayn miyaan ka xunahay nabadaas dad walaalaheen ah oo Soomaali ah ay gaareen waa ceeb walaalayaal inaan been qaawan buun buunino.

    Puntland Iyo Somalilsndba horey bay utalaabsadeen aan walaalaheen degaanada kale Ee Soomaaliya iyana nabadaas Iyo horumar kaas walaalaheen Puntland Iyo Somaliland gaareen aan walaalaha kale oo dhan urajayno.

    Xaasidku ma liibaano Ee yaynaan nabad walaalahaa haystaan oo alle siiyey isaga uuna uu kaqaadi karo oodan af looga qaadi karin iska daynoo isu Soo dhawaynta dadka walaalaha Ee kala irdhoobay aan ka shaqayno.
    Qabiil nacaybku waa kan dib inoo dhigay aan ka koro.

    Puntland Iyo Somaliland waa ka koreen qabyaalad oo waa kuwaa utalaabsaday asxaabta Iyo doorasho xor ah aan kudayano oo iska dayno wax ka sheeg qof tashaday.
    Tareenka Qabso tawradii socotee
    Yaan lagaa taginee
    Wabilaahi Tawfiiq

  24. wiil sanaag says:

    asc salaan kadib anigu waxaan qabaa inuu khalad yahay muda haraadka reer qardho waayo iyaga kaliya puntland maleh go,aana kama gaadhi karaan meesha dawlad ayaaka jirta madaxweyne waxaa u aha faroole hadiiba baarlamanku ugu daro waa caadi hadii doorasho lagu dhawaaqona waa caadi lakiin maaha in qabiil qura oo imaan la,aan iyo dano khas ah umuda haraado mida kale waxey latahay in ladooranaayo nin reer qardhood ah labo jeer ayey noqdeen madaxweyne waxey qabteena maleh wana loo saburay marka hala kala xishoodo nadaamnkana hala illaiyo iyo amniga qabiilkii isku daya inuu amniga iyo nabada aan heysano khalkhal galayo dhamaan waxaan ugu baqayaa shacabka reer puntlnad dal iyo dibad inay meel ugasoo wada jeetaan faro waa shakhsi hadii ladoono lagu darimaayo ama hadii loogu daro meesha barlamaan ayeynu leenahay isgaa go,aanka gaarayaa mida kale midka mudug sheeganaaya oo faroole iyo ciidankiisa iyo shacabka reer puntlnd u hanjabaaya adeer adiga markii sacad kufuulo waxaa kaa rida bari sanaag iyo nugaal marka xooga aad uheysid faroole orod garoonka ku difaao marna lagu leeyahay baad keen marna bm iyo zuu lagugu ridaayo waliba adeyna marna kahadlin oo maalin habenidaacadaha aadka calacalaysan hadal iyo dhamaantiis shacabka puntlnd oo dhan ayaa doortay ayagayna talada ka go,daa ogadaa nabada yarna yeysan idin dhibin ee illahay ugu mahadiya wsc

  25. allaale says:

    uf weeye wuu u macaansanayaa loomana baahna sidaasi.

  26. ahnedpunt------------ says:

    puntland waxay 1998 heshay maamul maamulkaas oo aay wada samaysteen beelihii kubohoobay puntland kaas oo ahaa kacaan libintiisu aay deeqday dhamaan beelihii kumidoobay puntland oo aay ayaguna kukala nabad galeen ummadda kalana kaga cabsatay kaacaankaas oo ahaa runtii mid liimaantiisu aay gaaratay soomaalida kale nabaddii kajirtay .haddaba yaa carqadaleeya kacaankaas barakaysnaa yaa dhib abuura markii maamul cusub yimaadaba yaase guushaas keenay aay kudhalatay puntland mase heleen waxii aay rabeen ,jawaabta uugu horeeysa waxaa horistaag kusameeya nidaamkast oo yimaada waa waxaana markhaati u ah tan kasocota qardha iyo oo ah meel ama magaalo kasamaysan mucaarad kaliya iyo kalaqaybintii gaalkacyo oo aay magaladaas mideenteedii aay kalaqaybsheen ayagoo heli kara hal nidaam oo hoos yimaada puntland ,magaaladaas oo usc dad badan aay kuxasuuqeen dadka kasoojeeda gaalkacyo dadkaas oo kor udhaafaya 700 qof oo lalaayay goor habeenmii ,xoreentii gaalkacyana aay wareejiyeen taas keentay in gaalkacyo aay noqoto meel aan lahayn hal maamul galaafatayna boqolaal qaaliya oo ahaa dadkii waxgaradkaahaa ee puntland iyo weeraro ka imaanaya koonfurta . .tankale waxaa puntland wax ka’aasaasay beelaha walaalaahaa oo lahaa xoogii iyo fagradii iyo difaacii intaba kuwaas oo ah oo aan ahayn kuwaas oo lahaa xoreentii iyo difaacii gaalkacyo oo taariikhdu qorayso haddaba waxaad moodaa in dadkaas laga yeeshay puntland aysan helin waqti aay kunoqdaan madaxweyne puntland qabiilka isasiiyay puntland oo isu arka in puntland aay leeyihiin madaxweynahana aaysan ayagiina is rabin ummaddii kalana wax u’ogolayn puntland aay badeen burbur iyo kalaqeebsanaan ,iyo in hubkii puntland iyo dhaqaalihii puntland loowareejiyay dawladdii dhexe ee waqtigeedii dhamaaday marxuum cabdullaahi yuusuf taas oo keentay in soomaalidiidku si fudud aay uuga faa’iidaysteen qabsashadii laasacaanood haddaba burbur iyo kalaqaybsanaan iyo qabqabsi dhexdoodaa qabiilka bixintii gaalkacyo kadib maxaa loobaahanyahay in puntland noqoto doorashada soosocota waa in dawladda hadda jirta oo aan u arko inay kawada wanaagsantahay dawladihii hore ee puntland marka laga reebo xoogaa khalada mooyee waa inay diyaarisaa nidaamka axsaabta oo qabataa doorasho degdega oo haddii aanan laga gaarikarin nidaamka axsaabtaa aaysan maalin kudarasan waqtiga u haray oo aay ummadda iyo dadka taariikh fiican uuga tagtaa oo ah waarimayside wae hakaa haro ah oo aay samaysaa doorasho cadaalada ,doorashaadaasna wajiga loobadalo oo lasiiyo madaxweynaha qabiilada kabadalan oo kukhasaray gaalkacyo horayna xukunka usooqabtay iyo oo qardho markasta rabshado iyo mucaaradnimo lataagan oo ah meel utaagan burburinta puntland horayna xukunka usooqabatay iyo ciise oo dhaama intaasba intaas waxii aan ahayn baa doorashada madaxweeynaha 2013 iskaleh taas oo abuuri karta nidaam aan lahayn isqabqabsi taasu oo abuuri karta wadajirka puntland inuusoonoqdo abuurtana ciidan iskudhafan oo aay iska dhex arkaan dhamaan beelaha puntland oo qeeb fiican kaqadan kara waayo waa ciidan qaran maahan ciidan qabiil….scww

  27. Faroole says:

    To will sanaaag: saaxiib isha ayaa Ka tuurtay waxa kaloo xasuusmudan in dawlada hada Iyo wixii Ka dambeeya aysan udul qaadan doonin nac nac dambe barina waxaa mas uul Ka ah dubays Iyo cali saleebaaan CID kale oo wax laga waydiinaayo maleh afka waalaga jibinayaa nin tabartuu Leeyahay wuu ogyahay hadaanahay Reer nugaaleeed waxan diyaar u nahay in aan ilaaalino qaranimada Iyo jiritaanka Puntland by force hadii loo baahdo baryo Iyo tolbaa layahay wey dhamaatay taayir Iyo xabad ayaa shaqayn doonto nabadii baa idinka dartay walaahi in la ogaanayo nin waliba wuxuu yahay Iyo ninkii qoriga qaadi jiray tankale kan Mudug sheeganaya miyaadan ogayn Reer nugaaleeedkii ku difaacay 1991-1992 in ay hada yihiin dadka majaraha u haya hubka dawlada be care full

  28. MANAXE says:

    DOWLADA WAQTIGEEDA WA DHAAMDE MUDO KORORSI L ISKU DAYAANA CAWAAQIFNIMA XUMADEY KEENTO WAXA K JAWAABAYA ODAAASHA ,SHARAFTII UU CADE U WAREEJIYEY HA U WAREJIYO DADKU AAYAHOODA HA U TASHADAAN. WAX QARSOON MA AHA MEEL AAN GAROOWE AHAYN HAYAD HA DHIHIN DHISME HA DIHIN WADANKU MA GAROOWAA .WAXAN KA BAQAYAA QALAFSAAANTA IYO WAXAD WADO IN DADWEYNE CAREYSAN INAY SIDA KACDOONKII CARABTA GURIGAAGA KUGU YIMAADAAN ,,,,,,KKKK WIILKAAGAN DADKA ISKA XIR XIRANAYANA MEESHA KALA CARAR .

  29. qandala girl says:

    wiilka tanade wata maansha alaah huno leelkase caafimaad qaba adaan kaa arkay dadkuna hadeey sidaada uwada fakari lahaayeen dhiba ma dhaceen dadka ah ee is leh baa isdilaya ogaada isdili mayo ragayaga maaha iyo wax la mid ah dad islam ahna dhib lalama jeclaado

  30. qarxiye says:

    Geesiyo iga dheh! Reer puntland maanta ayey garteen in siyaasiyiintu ay la mid yihiin xafaayadda carruurta loo xiro oo kale haddaan si dhaqso ah loo bedelinna uu urkoodu gurigoo dhan uu saaqi doono. Maanta urkii cid walba waa gaaray ninikii is dadaya oo urkiisa qarsanaya yeelkadii laakiin maanta waxaa cad in aan loo dulqaadan karin oo dadka reer puntland ay rabaan neecaw wadata saxansaxo siyaasad hufan.

  31. xiingood says:

    Midka faroole sheegty mxaa mooday wax lagu faano war kaas waa muquuno jabari jaan ah oo doqon ah oo taLo maqaate tiisana wax kuma tare ah reer puntland khasaare ugu filan afar sano oo ah bur bur gadagadaal u socod kalsooni daro beelilihii walaalaha ahaa sidii loo dhahayay mxaa tihiin anaa wax aqaane war muquuno ah oo aan ku khasaarnay cade ayaa ugu shubay isna waxma dhaamin suu isagaa noo keenay jabari jaankan meel uu wax u wado la garanwaayay adeer gobolka adeer laga bilaabo bilaha ssoo socda kan anaa haduusan ka dagin xilka waa laga qabnayaa laga bilaabo wax xaga kasoo ah dangorayo ilaa baargaal talada boqirtooyada u dajinaysa qabaailka daga barina hade anaa reerb bari ahe aanaa ulkuugu dhiibaya ciisa riyoolna haduu faroole muquuno soo dabo galo hade waa walaal ma qoro anuu hady gaarto siyaasad oyo arinka puntland dhabi ayaan u qorayaa faroole hada ko horna waa u qory mmarkuu cade ku guulauysty xukunka ee isku dayay in carqalad bilaabo marka shidaalkiina dib ayuu u dhacaye yaa nakala badbaadinaya qardho dabkaan ka bilaabo bossaso iyo cagaas kalsooni ayaan ka haystaaye dowlada fadhiidka ah ayaan giriga ay ku jirto uguy gaynyaa garoowe

  32. FARATELO says:

    ASC Waxaan maqli jirey waxaad ceebta moodo dad baa sharaf mooda Ninkaan haysta Degmada Tigreegu dhisey yaan la baryin haloogu tago tuuladiisa hana lagu gubo cooshashka Amxaaradu ku waardiyeeyaan weji,naxariis,dadnimio iwm midna malaha kuwa ku taageeraya dabeecadii uu ka dhaxley Amxaarkii baqtiyey Zanawi ayagaa eedi doona. PLand waa qabaa’ilo isu tagey RR Nugaal hadii aay ku naaxeen hantidii PLand yeysan lamacaanaan oo boqortooyo noqon meeshu, dadka cadaaladda yaqaan una naxaya midnimada Qabaa’ilaadka wada dega Goboladaas haku wareejiyaan hadii taasi aay dhici weydo oo aay meeshu noqoto sadex naas oo layska nuugo hade qofkastoo oo caqliga u saaxiibka waa iska garan karaa waxa aay dhalayso arintaasu. Warkii oo kooban Mr Faroole MOVE sc.

  33. car says:

    Waxaan qosol marwalba iga keena sida qurbajoogtu u xisaab xun yihiin. ninwalba oo caadifad is hayn waaya Mareeg (Website) uu furto oo uu ku calaacalo ama been ku buunbuuniyo, beentuu sheegaayey oo uu ummadda ku khalad oo mskaxda kaga xad uu islahaa baa aakharka asagii ruuxadiisii iska dhaadhacsha oo run mooda oo maskaxda iska xada, alla goortaasuu boodboodaa oo isbuufiyaa oo wax uusan ahayn ismoodaa waxaan ula jeedaa qolyihii uu Farmaajo ka mid ahaa iyo kuwo kale oo wax ismooday oo ay khaatumoseegyadu ka mid yihiin, goortii la fashilmana oo runta loo tagona goortaasaa la qaadan waayaa kadibna dhibaatooyin badan soo wajahda oo qaadan -waa ka mid tahay. Anigu qurbajoogay waxan aad had iyo jeer iska dhaadhicinaysaan waa been xanuuno ay ka mid tahay Depression ha is qaadsiinina ee waxna ku heli maysaane wax kale isku mashquuliya. Madaxweyne C/raxmaan Faroole Allaha xafidee dadka reer puntland oo isku dhan baa doortay wuxuu u qabtay iyo wuxuusan u qabana ayagaa kagala xisaabtamaya ee qurbajoog ma dooran waxna uma dhiiban af iyo adina kagama qaadi karto ee ordayoo shaqo kale yeesha haddaad shaqo leedihiin haddii kale cayrtiina xunta ku ekaada oo qaaqda ciddii idiinka baahan la aada,

  34. ahmedpunt---------- says:

    RR. scww …waxaad moodaa warbixintaydii markii aad kasaarteen waxii larabay inaan lafahmi karin waayo waxaad kasaarteen waxii aan taabtay hadalkana toosinaayay ..balse waxaad haysaan shaqo adag waad mahadsantihiin

  35. sugulle says:

    faroole ma jidho sabab loo doorto markale ama loogu kordhiyo waayo wax uu hayaa ma jidho,wan o ganahay waxa uu sameeyay ammaankii wadanka waa dhumiyay sumcadii waa dhumiyay iska daa wax kalee beeshi u gobalo dhan iyo beelo dhan oo ayaa dartiis uga tagay puntland markaa ha tago hadii kale daadka ayaa qaadi hadii uu uu tagi waayo

  36. sugulle says:

    faroole ha iska tago haduu tagi waayo waala tagsiin waayo goballo dhan iyo beelo dhan ayuu lumiyay ma rkaa hadii loo ogalaado in uu koradhsado inta kale waa dhuminayaa wax uu soo kordhiyay oo aan kala qaybin iyo is nacsiin ahayn ma jidho hala iska qabot hadii la rabo in puntladn sii jidho

  37. Faroole says:

    To xiingood: adeeer anigoo riyoolihii aad ogayd ah baa kuu taliya anaa Ka Boqor ah dalka iska iloow Boqor baan ahay Iyo filimaantaaas waalaga gudbay meeshaan xabad baalagula dhacayaaa. Lagaama xishooonayo laaangaaab baa tahay oo dagmadaas qardho aniga ayaa dhinac walba Ka dagan waana ku buufinayaaa doqonyahaw

  38. gaasira says:

    caawa riwaayad baa socota qof 20 copy oo magacyo degaano iyo qabiilo huwan sita baa meeshan qiyaame shidaya waxaasaa isu jawaabid la yidhaahdaa kkkkkkkkkkkkkkk

  39. run sheeg says:

    s c w
    waxaan lenahay froole iyo aaran jaan taldina waa dhamaatay niman yahy awalba talo maheen faroole idinka gudaha ma jogtaan eaa talo waxaa uhaya oo wax uqora niman aaran jaan layiraahdo oo u madax u yahay axmed ceydiid oou ah xogheynta gaar ah iyo cali gaab oo ah ninka labaad oo ah wasiirkuxeenka arimaha gudah oo ilkajiir ku xiga bal ilah ayaan idinku dhriyaye ninkaas caligaab ah waa wasiir ku xigeen sandkudhawaad ayu wuxu fadhiyayey nairoobi oo isposer kusugaayay oo naagtiisa 3aad usoo dirtay hadan ameerica ayu ka soo qorayaa wasirada cusb kii u shaqeynaya oo lahaa wasiirkuxegeenka oobooskisa fadhiyay foroole wuceyshay waa cabdiyasiin bal aarajaan halkaas aye gareen kan maqanmiyaa la eryaa misa kan shaqeynaya faroole wadanka ha badbaadiyo ama reer puntland ha kacaan oo aara jaan iska celiyaan gaajo ayaa logu dhintay
    wabilaahi towfiiq.

  40. ahmed says:

    ascw
    waxaan dhiiri geinayaa shacabka reer puntland ee ka dhidhiyay xumaha uu doonayo farole saxiib isga tag meesha ileen gurigaadi maahan ama meel aad leedahay umaduna wey kubaratay markale kuuma baahan ilaahey hau keeno mid adiga kudhamaa oo baahidooda daboola kana shaqeya midnimada sooaliweyn soomaliya hanoolaato hana israacdo kadiidan dhulka hagalo aamin aamiin

  41. [...] digniinta ee wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya xilli dibadbax lagu diiday yahay mudo kororsiga madaxweyne Faroole uu ka dhacay magaalada Qardho usbuucii hore kaasoo madaxweyne Faroole uu ka [...]

  42. [...] digniinta ee wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya xilli dibadbax lagu diiday yahay mudo kororsiga madaxweyne Faroole uu ka dhacay magaalada Qardho usbuucii hore kaasoo madaxweyne Faroole uu ka [...]

Leave a Reply