Faah-Faahin: Tirinta Codadka Wareega 3-aad Doorashada Madaxweynaha Oo Bilaabatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Waxa goordhow bilowday tirinra codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la maraayo wareega seddaxaad, taasoo ay iskugu soo hareeyn labada musharrax ee kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

General Muuse Xasan Cabdulle oo ka mid ah guddiga doorashada ayaa hadda tirinaya codadka labada musharrax ay ka heleen ilaa 271-ka mudane ee ku sugan xarunta dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Gen Kaahiye.

Waxa ilaa hadda la tirinayaa codadka sanduuqa koobaad ee codkooda ay ku rideen xildhibaanada,waxa sida muuqato codadka la tiriyay ugu horreeya musharrax Xasan Sheekh Maxamuud, laakin ilaa hadda ma heyno natiijo rasmi ah waayo waxa socota tirinta codadka..

Dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobalada dalka ayaa kala socda doorashada Iddaacadaha iyo TV-yada oo si toos u soo baahinaya.

Waa markii ugu horreysay ee doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya muddo ka badan 21-sano, markaas oo dalka ay ka dhaceyn dagaallo sokeeye. oo ay ku dhinteen dad badan.

Labada Musharrax ee iskgu soo hartay wareegan seddaxaad oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa isku meel fadhiya, waxan mid kasta uu ku mashquul sanyahay waxa ka soo bixi doona natiijadda wareegan oo ah sida ay umuuqato ah kii lagu kala bixi lahaa.

Soomaaliya ayaa saacad yar kaddib yeelaneysa, waxana dadka ka faalooda siyaasada Soomaaliya ay lee yihiin waa fursadii ugu fiicneed ee Soomaaliya soo marta tan iyo burburkii dalka 1991-dii.

Waxa hadda dhammaaday sanduqii koobaad, waxana guddiga doorashada ay sheegeyn in la furi doono sanduuqa labaad.

La Soco Raxanreeb

Share

1 Response for “Faah-Faahin: Tirinta Codadka Wareega 3-aad Doorashada Madaxweynaha Oo Bilaabatay”

  1. [...] Taken from: Faah-Faahin: Tirinta Codadka Wareega 3-aad Doorashada Madaxweynaha Oo Bilaabatay [...]

Leave a Reply