Faahfaahin: Baardheere oo Maanta La Duqeeyay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Baardheere (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay duqeyn maanta ka dhacday magaaladaasi.

Duqeynta ayaa waxaa sida dad ku sugan magaalada ay sheegayaan geystay diyaarad militari oo loo maleynayo in laga leeyahay Kenya taasoo dhowr gantaal la beegsaday gudaha iyo bannaanka magaalada.

Hal qof ayaa la soo sheegay inuu ku dhintay markii gantaal ka mid ahaa kuwii ay ridaysay diyaarada uu ku dhacay meel u dhow masjid ku yaalla gudaha magaalada, ugu yaraan labo kale ayaa ku dhaawacantay halkaasi.

Xaalada magaalada Baardheere ayaa galabta aad u kacsaneyd waxaana dadka ay ka welwelsanaayeen duqeymaha ka dhacaya magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qoysaskii ku noolaa magaalada ay bilaabeen inay maanta ka qaxaan magaalada kadib markii duqeynta ay dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ay ku wajahan yihiin magaaladaasi kadib magaalada Kismaayo oo ahayd xaruntii ugu weyneyd ururka Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya taasoo xalay ay ka bexeen kadib markii ay ku soo dhowaadeen ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada.

 

RBC Radio

Share

1 Response for “Faahfaahin: Baardheere oo Maanta La Duqeeyay”

  1. Birqalax says:

    Meel kasta Waa Qub iyo qac iyo qax.

Leave a Reply