Faahfaahin: Dad ay Ku Jiraan Haween iyo Dhalinayaro oo Ciidamada Ethiopia Ku Xasuuqeen Tuulada Miir Dambas ee Soomaali Galbeed
Nairobi (RBC) Wararka naga soo gaaraya dhulka Soomaali Galbeed ee ay gumeysato Ethiopia ayaa sheegaya in dad gaaraya 22 ruux oo u badan hal qoys ayna ku jiraan haween iyo dhalinyaro lagu xasuuqay tuulada Miir Dambas oo u dhow deegaanka Qorileey oo ka mid ah deegaanka Soomaali Galbeed.
Xasuuqan oo ay geysteen ciidamada Ethiopia ayaa dhacay maalinimadii Khamiista ee ku beegneyd 6-da bishan Sebtembar kadib markii ciidamo Ethiopian ah ay soo weeraareen tuulada.
Dadka la xasuuqay waxaa intooda badan lagu dilay rasaas halka ay jiraan dhalinyaro ay gawreceen ciidamada Ethiopia. Waxaa dadkaasi ku jira hooyo Khadro Axmed Guuleed iyo ilme aad u yar oo gabar ahayd oo ay dhashay oo labaduba ka mid noqday dadka la gawracay.
Odayaal u gurmaday uulada ayaa soo sheegay inay heleen meydka illaa saddex oo labo haween yihiin kuwaasoo qoorta looga xiray xarig laguna dilay geed dheer oo laga soo lalmiyey.
Isgaarsiinta deegaanka oo aan gebi ahaan shaqeyn iyo cabsi weyn oo dadka deegaanka ka qabaan inay u waramaan saxaafadda darteed ayaa keentay in aad u yar yihiin helitaanka wararka ku saabsan xasuuqan ka dhacay tuulada Miir Dambas ee lagu laayey maxasta Soomaaliyeed.
Sida wararka maanta na soo gaaraya weerarka askarta gumeysiga Ethiopianka ayaa ka dambeeyay kadib markii deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed aan looga dabaaldegin geerida kaligii taliye Meles Senawi oo 2-dii bishan lagu aasay Addis Ababa. Waxaana askar fara badan oo Ethiopian ah loo diray dhulka Soomaali Galbeed iyagoo ka cabsi qaba in weeraro lagu soo qaado kadib geerida Senawi.
Illaa hadda ma jirto cid ka hadashay xasuuqa Ethiopianka ka geysteen deegaankan walow aysan ahayn markii koowaad ee dad Soomaaliyeed sidan oo kale loo xasuuqo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












ithopia iska kaaya laaya iskana kaaya gumaysta maxaa yeelay waa wax aan gacmaheena ku keensanay hadii soomaali ay walaaloobi lahayd oo waa hal isire oo si jecel isu gargaara noqon lahaayeen cadawgoodna si wada jir ah u arki lahaayeen ma ithopia ayaa maanta meesha ay joogto jooge la.hayd
iska daa dhulka somalida ay gumaysato ee looyaqaan somali galbeed ee dhulkii xurta ahaa ayeey haysataa oo waliba dad soomaliyeed oo madax sheeganaya ay ithopia amaanayaan oo malas ku tilmaamayaan haleey
marka ilaahay wacdigiisa iyo guusha dadka islaamka ah ayeey sugayaan reer somali galbeed
yaarabi burburi dawladaha dadkayaga gumaysta adaa awood badane
kuwa liyuu poliiska la baxay shaqadoodu maxay tahay, ma soomalida ethiopia un bay ka adag yihiin?
waa maahmaahdii ahayd weysha gowrac sacu haku quustee, ujeedadoodu waxay tahay Xabashidu in ay ku niyad jabiyaan hadayba dhacdo in ay dad isku dayaan in ay sameeyaan wax lid ku ah taliska Itoobiya kadib geeridii Males. Itoobiya waa wadan ku dhisan dulmi iyo gadoob fal lagula kaco Ummadaha laga tirada iyo awooda badan yahay waxaas oo dhan waxaa loogu marmarsoodaa waa Midnimada Itooobiya iyo ishaysadkeeda oo aad looga baqo inay kala daadato. mar walba oo kaligi taliye meesha kabaxaba saasaa dad loo xasuuqaa. Reer galbeedkuna saasuu raali uga yahay iyagoo fulinaya danahooda istaraatiijiyadeed iyo diin ee gobolka geeska afrika.
Eithopian waxaa hilmanteen 77 wale ilaah dowlad xoog le ha na siiyo mrkaas ayaa ogaaneysaan wxaa tihin insh,laah
Waxyar ayaa nooga harey markaan ka quusan lahayn adis abab. War naftiina u baqa.
tacsi iyo tiiraanyo ku aadan xasuuqii kadhacay soomaali galbeed maanta wax kale ma awoodo oo aan tiiraanyo ahayn in aan diro maamulkii abdi noosheegay oo xoriyada qabay ilaa khamiistii waaa uu aamusanaah 6bisha maanta 11 waa waqtidheer madaxwayne maamulka soomaali galbeed ninkii aad ku sheegtay mail box maanxaaladaan oo kale kama aamuseen ninka madoobow
leyuu police waa somali xag jir ah oo cilmi iyo caqli badan lahayn maqaar saar u ah dawlada itobiya loona adeegsado beelaha somaliyeed ee ku dhaqan deegaanka siday isaga horkeeni lahayeen
Maxaa gacanta noogu jira soomaliyeey Ethopian ka Ogaada waa cadowga koowaad ee Soomali leedahay. Markasaan lee nahay Al Shabaab Hala diriraan , Hadaan Dalkeena & Dadkiisa aan daacad u noqono Uma baah nin ciidan ajnabi ah Anagaa kadifaacan karna cadow walba , Alshabaab & Axmaaro Hadal baan heynaa & Reer hebel maalaa yacni ah ,Aan idin su’aalee Soomaaliyeey Maxaa gacanta noogu jira ? Viva Puntland & Soomaalia
Wakhtigan waa fursadii noogu weyneyd aan wax kasta sameysankarno, yaan laga aamusin arintan, sida ugu dhakhsiyaha badanna haloooga jawaabo, fuleynimo dhaqan uma lihin, mana dhici dooonto inaan baqno, soomaali galbeedeey idinkoo kaashanaya soomaaliweyn, hiil iyo hoo intaba waat ka heli dooontaane, nimanka waxaa sameeyey tariikhda galiya,.
xabashida eeda malaha kuwa ka soo cararay oo magaca shabaab sheegtay oo soomaalida kale dagaalka ku jira ayaa dembigoodii laga jarayaa dadkii ehelkooda ahaa oo ay ug soo tageen degaankoodii
Wax cusub ma’aha arintan ee ilaahay ayaan u baryayaa walalehey Somalida Ogadenia, Dad weey dhameeysay Ethiopia sababta eey saas u sameeyneeysana waa dadka ha dhamaadaan, qaarna ha qaxaan si eey kheeyraadka dhulka iyo shidaalka ula soo baxdo taasna waxaa ka hor taagan ONLF, ONLF shacab ma dufaaci karto oo waa jabhad dagaal ku naafeeyn karta ciidan nacabka iyo argagaxa ah, Kheeyraadka waa ku kalsoonahay 100% in eey dufaaci karto taasina shaki iiga ma’jiro…..Naftood hurayaasha Raamaha leh waxaan leeyahay xabadu ha socoto ilaa aad yoolkiina ka kaareeysaan…..Midnimo….Mintid…Isku tashi iyo Guul viva ONLF insha allah
wax kale oranmayno illaah baa u maqan walaaleheen cadowna waa jabayaa maalin uu jababa insh allah lakin ducada haloo badiyo gaaalda in alle jebiyo