Faahfaahin: Dagaal Galabta Ka Qarxay Duleedka Kismaayo oo Weli Socda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada ururka Al-Shabaab iyo kuwa DKMG ah oo ah weyliyaan kuwa Kenya ayaa maanta dib uga bilawday deegaanka Janaay Cabdalle oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Warar laga helayo dadka deegaanka Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalka uu culus yahay isla markaana hubka waaweyn ee loo adeegsanayo laga maqli karo deegaano ka fog goobta dagaalka. Sidoo kale guuxa diyaarado la sheegay inay dagaalka ka qeybqaadanayaan ayaa laga maqlaa deegaanada Birta dheer iyo guud ahaan agagaarka magaalada Kismaayo.

Waxaa sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan dagaalkan uu ka bilawday duulaan ay qaadeen ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya oo ku jiheysan magaalada dekeda ee Kismaayo. Weli lama hayo khasaaraha rasmiga ee dagaalka, waxaanaa dagaalka uu hadda galay xilli habeen ah, sida wararka ugu dambeeya ay sheegayaan.

Goor sii horeysay oo maanta ah ayaa duqeyn loo adeegsaday gantaalo badda laga soo ganay waxaa lala beegsaday meel u dhow dekeda magaalada Kismaayo inkastoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay.

Xaalada Kismaayo

Dhanka kale, Waxaa aad u kacsan xaalada magaalada Kismaayo oo sida hadda muuqata dhinca Al-Shabaab ay ku loolamayaan inaysan gacantooda ka bixin halka ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada ee wada socdana ay rabaan inay magaalada qabsadaan.

Barakac xoog leh oo saddex maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada ayaa weli socda, iyadoo warar maanta soo baxayna ay sheegayaan in Xarakada Al-Shabaab ay dadweynaha maatada ah amreen inay magaalada uga baxaan bannaanka si ay uga badbaadaan duqeymaha culus ee loo geysanayo magaalada.

 

RBC Radio

Share

Tags:

5 Responses for “Faahfaahin: Dagaal Galabta Ka Qarxay Duleedka Kismaayo oo Weli Socda”

  1. B Jameeco says:

    War nimanku indha adakaaa oo isla wanagsanaaa Ilaah ha. ina dhafiyo intuusan ku biirin Shekh Shariif waa muuqdaa inuu abaabul ku jiro markuu waayo krsiga waa shariif Musbaar

  2. muslim pure says:

    rabi ha guleeyo wixi diinta iyo dalkaba difaacaya aad baanu ugu ducaynaynaa inuu rabi guuleeyo

  3. gundid says:

    @Muslim Pure….Walaal kula ma yaabayo qof muslim oo daacad ah baa tahay lakiin ma oktahay Muslim Muslim ma gaaleeysiiyo, Muslim muslim kale xoolihiisa kuma dhaco Zaka jookta ah oo bil kasta ah….Musli muslim kale ma qaniimeeysto….Muslim Muslim kale ma bara kiciyo….Muslim ma diido wada hadal, heshiis iyo Nabad muslimiinta dhexdooda ah…Muslim ma qarxiyo ubadka Muslimiinta….Ma is weeydiisay sababta eey isku qarxin la’yihiin Godane, Abu mansuur, Cali dheere, Xasan dahir iyo inta hormuudka u ah Khawaarijta ama caruurtooda ma ka qeeyb qaataan…Ayagu jano ma doonayaan miyaa…..Mid kasta afar naag buu qabaa shacabkiina hortooda ayuu ku dhiig baxayaa….Walaal yaan lagugu beer laxoowsan Aayadaha qur’aanka iyo axaadiithta sida qaloocan loo fasirtay oo lagu daneeysanayo….Markeey shabaab fasirayaan aayadaha quraanka ma weeydiisay waa tafsiirkee…ma ibni kathiir baa, ma ibni qayim baa, ma ibni teeymiya baa mise waa Tafsiir ayaga u gooni ah….Waana’deeydu wexeey tahay walaal koox islaam ah ha raacin ee adiga iskum xukun shariicada intaad diinta barato, ka dibna xaaskaada, caruurtaada,ehelkaada, ka dibna dariskaada ku far in eey shariicada ku dhaqmaan adoon qarxin ama khasbin…..Sidaas ayeey ku hir gali kartaa Khilaafa islaamiyah ama dowlad musli ah ku dhalan kartaa….waxaa lagu jiraa zamankii eey muslimiinta ukala bixi jireen 73 koox, nabigana (C S W S) uu yiri gidigood naarta ayeey galayaan aan ka eheeyn hal koox….Kooxdaas yeey tahay, ma is weeydiisay…. ma Al-qaacida baa, ma shabaab baa,ma suufiyada baa, ma xamaas baa, ma akhwaani muslimiinkaa, ma xisbulaahi shiicada ah baa mise wahaabiyada sucuudi….Walaal ma koox gaar ah ha taageerin iskana ilaali tacasubka diimeed waa iga talo, gidegeena towfiiqda allaha na waafajiyo

  4. anas says:

    asc walaalka iga horeeyow lkn maanta waxaa badan mixed muslimka oo pure muslimkii waaba yaryahayba aamiin aamiin aamiin

  5. anas says:

    GUNDIID YARKA LABAXAY WAX AAN JIRIN YAAD AKHIRINEE

Leave a Reply