Faahfaahin: Dagaal Maanta Ka Dhacay Deegaanka Janaay Cabdalle Iyo Dad Rayid ah oo Ciidamada Kenya Ay Dileen


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii illaa 60km u jira magaalada Kismaayo kaasoo dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ee la socda iyo kuwa ururka Al-Shabaab.

Wararka deegaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalka uu bilawday kadib markii weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyadoo weerarkaasi uu socday qadar saacad ka badan.

Muxumad Maxamed Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada Soomaaliya ere ku sugan Janaay Cabdalle ayaa sheegay in maanta ay soo weerareen ciidamada Al-Shabaab hase yeeshee ay iska caabiyeen.  Sarkaalkan wuxuu Raxanreeb u sheegay in shan ruux ay ka dileen dhanka Al-Shabaab labo ka mid ah meydadkana ay uga carareen Janaay Cabdalle.

Wuxuu intaa ku daray in dhankooda ay ka dhinteen labo askari qaar kalana ka dhawacmeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab illaa hadda oo ku saabsan dagaalka maanta.

Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya Janaay Cabdalle ayaa sheegaya in xaalada deegaanka ay caawa degan tahay, inkastoo ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada y wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Rayid la dilay

Dhanka kale sida dad deegaanka noo soo sheegeen, waxaa ciidamada Kenya galabta rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob suuq ah oo deegaanka Janaay Cabdalle ka tirsan halkaasoo ay ku dileen toddoba ruux oo rag ah kuna dhaaweceen hal ruux oo kale.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo telefoon kula hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen reer miyi socoto ah oo sonkor ka iibsanayey meel dukaan ah kuwaasoo ciidamada Kenyanka ay ka shakiyeen kadibna ay toogteen.  Waxaana xilligaasi dhamaaday dagaalkii tooska ahaa ee tuulada ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya.

Saraakiisha ciidamada dawlada oo aan weydiinay waxay sheegeen inaysan ka warheyn dhacdadan.  Mana jiro wax war ah oo dhanka Kenyanka ka soo baxay.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

21 Responses for “Faahfaahin: Dagaal Maanta Ka Dhacay Deegaanka Janaay Cabdalle Iyo Dad Rayid ah oo Ciidamada Kenya Ay Dileen”

  1. wadaad yare says:

    Waan ka xunnahey haddii la laayey dad shacab ah oo soomaaliyeed,waanan canbaareneynaa. Laakiin yeysan idinka hoos bixin in argagixisadu ay dadka shacabkaa isku ekeysiiyaan si ay hal dhagax labo shinbirood ugu dilaan.

    Kooxdaan sheydaanku ku adeegto waa nimanka ciyaal iskuulka dharkooda inta soo gashada laaya askarta ajnebigaa. Markaasna askartii ajnebiga aheyd ardeygey arkaan ayey tooganayaan! Markaas wiilashii yar yaraa oo dhan cadowtooyo awgeed ay ciidammada shisheeye u qabaan ayey iyaga u gelayaan.

    Miyigana sidaas oo kale ayey doonayaan iney ka dhigaan. Laakiin iyaga soomaali way is barteen oo cid danbe oo ay siri karaan way soo yaraaneysaabaan filayaa.

  2. jamaal idsan says:

    daa hala laayee wixii laga shakiyo wa in madaxa laga toogtaa, dalka waa in laga sifeeyaa cidkasta oo laga shakiyo wax rayid ladhaho majiraan waa hub site iyo lasite, ama kenyanka raac ama madaxa dhiibo.

  3. Wankamudug says:

    Rayidkaas. Waxay. Tageen. Goorxun. Meelxun. Hadii. Ay ahayen. Rayid. Ilahay ha u naxariisto Hadii. Ay ahayen jawasiis. Alshabaab a mudankooda.

  4. Bashir Osman says:

    Raxanreeb wali waxaad wadaan dacaayadii raqiiska ah. Waxa ila quman in aydaan katagin media ethics ood joojisaan ku tilmaanka ciidamada deegaanka aad ku tilmaameysaan maleeshiye qabiil .Waa sual da weyn ciidanka uganda ee melaha qabsanaya waxa la socda soo maleemshiyo beeledyo maha xageed ku aragtay ciidan sax ah oo soomali wada dhistaya 22 sano ugu danbeeyey.
    Mida kale Ugnada maalin kasta dad shacab ah ayey ku leysaa melaha ay ka howlgasho waxayna geysatay xasuuq aysan itoobiya muqdisho ka geysan marka maxaad ooga hadli la,dihiin maxaad mar kasta kenya farta ugu fiiqeysaan mise wax kale baa jia.
    Muhiimada waa in aad ogaataan in Absme tashaday oo cidna u joojineyen dacayad iyo propoganda ee waxaa ila quman in aaydaan sumacada iskaga ciyarin.
    Mida kale xaqaaiq iyo wararka ugu danbeeyey waa idn ka maqanyihiin.

    Mida Kale xaq u dirirka raaskambooni iyo itoobiya waa hore heshiis la noqdeen.

  5. Cali says:

    Tiro naman ah oo intaa la’eg inay magaalo dagaal kasocdo soo galaan halmar iyagoo ku andacoonaya inay wax iibsanayaan. Jana Cabdalle waa tuulo yar oo waliba ciidamo isku horfadhiyaan, maxey u’aadi waayeen maalooyinka kale ee nabdoon sida Kismaayo, Afmadow, ama canjeel ama magaalooyinka kale ee kuyaala deegaankaas ee nabdoon hadey run katahay wax iibsasho? Mida kale, maxey udiideen markii lagu amray inay ciidamada xarada uraacaan si loo baaro? Nimankan alshabaab baa soo dirsaday waxaana loo soo diray inay soo sahmiyaan difaacyada ciidama ama ay howlgal fuliyaan.

  6. faagfaagte says:

    Jamaal Idsan iyo wadaad yare.

    xanuunka qalbiga ee aan daawoobin iyo cadaalad darada jaahilnimada ku salaysan ee bilaa diinta ah waa mida laga dheehan karo erayada yaqyaqsi ah ee aadba moodeen inaad hadasheen.

    allaha ka jiseeyee qalbi ku dhiig lahaan la dhaca masaakiinta la xasuuqay ee hadana afka somaliga qoraya soo ? ma saarna inuuba ku jiro iyo inuu ka baxay.Dad reer miyi somaluyeed ah oo dhulkoodii luugu yimid ayaa lalaaya.waana ku faraxdeen. what a savage ignorant apes.

  7. wadaad yare says:

    Faag Faagte

    Anigu kuma farxin dad xaq darro lagu laayey ee been ha iga sheegin. Waxaan sheegey in Shabaabku si ula kac ah shacabka isugu ekeysiiyaane adigu taas miyaad diiddantahey?

  8. [...] deegaanka Janaay Cabdalle ayaa xaqiijiyey in ciidamada Kenya ee ka barbar dagaalamaya kuwa dawlada ay xasuuqeen 9 ruux oo Soomaali ah oo rayid [...]

  9. [...] Col Cali Aadan Xumud wuxuu sheegay in AMISOM ay baareyso wararka sheegaya in askarta Kenya ay si bareer ah u toogteen 9 ruux oo reer miyi ahaa oo ku sugnaa deegaanka Janaay Cabdalle maalintii shalay [Axad 23/09/2012] kadib dagaal iska horimaad culus oo ku dhexmaray ciidamada Kenya, kuwa dawlada iyo ciidamada Al-Shabaab. Halkan ka akhri dilka shalay dhacay [...]

  10. [...] (RBC) At least seven Somali civilians were massacred while two others were seriously wounded in Janaay Abdalla location, some 60km west of Somalia’s port town of Kismayo on Sunday, officials and residents [...]

  11. khadar says:

    Maah markii ugu horeysay ee ciidamada duulaanka ah ay laayaan dad rayid ah, sida kuwa ethiopia, uganda iyo kenya,shakhsiyan waa iskugu key mid ciidamada waayo dhamaan waxay laayeen dad rayid ah oo somaliyeed,somalia sida dhulalka badan oo caalamul islaamka ka mid ah waa waa la haystaa , waxaana haysta dalal shisheeye oo kala ulajeedooyin kala duwan.karsayga ka taliya afghanistan ugu yaraan wuxuu leeyahay awoda uu ku dhaleeceeyo haddiiba la laayo dad rayid ah, sidoo kale pakistan inkastay xidhiidh la leedahay maraykanka hadana marnaba ma ogalaadaan in dad rayid ah la laayo,waana maraykan oo adduunka ugu dhaqaale iyo ciidan roon, hadaba somalida iyada waxaa daluystay addoontii kenya ahayd, dhiiiga muslimiina shacabka somaliyeed ee qaaliga ahna maalinwalba laynaya, markab laga soo duqeeyo, diyaarado lagu garaaco, ama si ula kac oo loo gowraco,Dadka somaluyeed ah oo dhulkoodii luugu yimid ayaa lalaaya.

  12. [...] deegaanka Janaay Cabdalle ayaa xaqiijiyey in ciidamada Kenya ee ka barbar dagaalamaya kuwa dawlada ay xasuuqeen 9 ruux oo Soomaali ah oo rayid [...]

  13. buhodlaawi says:

    Juba yaa leh kismaayo

  14. [...] naxdinta leh ayaa shalay duhurkii ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Kosmaayo.  Waxaa ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dad ku [...]

  15. [...] dad deegaanka ay u sheegeen Raxanreeb shalay [Axadii] ciidamada Kenya ayaa si bareer ah u toogtay dad ku sugnaa goob suuq ah oo deegaanka Janaay Cabdalle ka tirsan halkaasoo ay ku dileen toddoba ruux oo rag ah kuna dhaaweceen hal ruux oo kale oo [...]

  16. [...] Kenya ayaa si bareer ah u toogtay dad ku sugnaa goob suuq ah oo deegaanka Janaay Cabdalle ka tirsan halkaasoo ay ku dileen toddoba ruux oo rag ah kuna dhaaweceen hal ruux oo kale oo [...]

  17. [...] cad uga wareegtay su’aalo adag oo laga weydiiyey cida sharciyan qaadeysa masuuliyada dilkii 7 ruux oo rayid Soomaali ah oo Sabtidii [23/09/2012] askarta Kenya ku dileen deegaanka Janaay Cabdalle oo 60k u jira magaalada Kismaayo ee [...]

  18. [...] si cad uga wareegtay su’aalo adag oo laga weydiiyey cida sharciyan qaadeysa masuuliyada dilkii 7 ruux oo rayid Soomaali ah oo Sabtidii [23/09/2012] askarta Kenya ku dileen deegaanka Janaay Cabdalle oo 60k u jira magaalada Kismaayo ee [...]

  19. [...] soo jeeda gobolada Jubbooyinka oo sheegay in Kenya ay beegsaneyso dad rayid ah iyadoo toddobaadkana askari Kenyan ah uu toogasho ku dilay 7 ruux deegaanka Janaay [...]

  20. ISTAR says:

    http://puntlandtalk.net/?p=5507 WAA AY IDINKA XADEEN
    SIDOO KALE TUUGADAANA WAA AY IDINKA XADEDEEN
    http://banadirnews.com/?p=882

    SAXAAFADEEY XAAL QAADO

    RAXANREEB AKHRISTAYAASHA AYAA IDIIN SOO SHEEGAYA WAAANA KA SHEEGEYNAA GOLEKASTA

  21. [...] waxa ay ka geysteen xasuuq bareer ah iyaga oo dad shacab oo Soomaali ah ay ku laayeen deegaanka Janaay Cabdalla Xasuuqaas Dowlada Kenya waa ay qiratay [...]

Leave a Reply