Faahfaahin: Dilalka Dadka Rayidka oo Sare u Kacay Kismaayo Iyo Kooxo Hubeysan oo Boob Ka Wada Magaalada
Kismaayo (RBC) Wararka galabta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in tan iyo markii uu waagu baryey saaka gudaha magaalada lagu dilay illaa saddex ruux taasoo tirada guud ee dadka rayidka ee lagu dilay magaaladaasi mudo 24 saac ah ka dhigeysa shan ruux.
Saaka waaberigii ayaa rag hubeysan ku toogteen nin ganacsade ahaa bartamaha magaalada, waxaana abaare 10:00 barqanimo ee maanta markale rag hubeysan labo nin oo dadka deegaanka ahaa ku toogteen xaafada Fii Afmadow ee dhanka galbeed ee magaalada ku taalla.
Sidoo kale ayaa habeenkii xalay waxaa gudaha magaalada lagu dilay labo nin oo kale oo isla deegaanka ahaa.
Illaa hadda ma cada cida dilalkan geysaneysa waxa ay yihiin iyo sababahaasi dadkaasi loo dilay.
Xaalada magaalada iyo maanta
Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Raxanreeb oo maanta la hadashay, waxaa tan iyo gelinkii hore ee maanta kacsanaa xaalada guud ee magaalada iyadoo magaalada ay ka dilaaceen kooxo burcad ah oo hubeysan oo boob ugu dhaqaaqay bakhaarada ganacsiga, dukaamaha iyo xitaa guryaha la degan yahay.
Dadka deegaanka oo qaarkood aan weydiinay cida ay yihiin dadka wax dhacaya ayaa sheegaya inaan la garan karin balse ay yihiin dad magaalada ku sugnaa oo hubkooda la soo baxay markii ay xalay bexeen ciidamadii Al-Shabaab ee magaalada ka talinayey mudada saddexda sano ka badan.
Ciidamada Kenya ee ugu horeeyay ayaa la soo sheegayaa inay galabta gaareen dekeda magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha halkaasi oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan. Ciidamo Soomaali ah oo aan badneyn oo la sheegayo inay yihiin kuwa dawlada iyo Raskambooni ayaa lagu arkayaa qeybo ka mid ah kontoroolada labada gees ee waqooyiga iyo galbeedka magaalada walow aysan magaalada gudaha u gelin.
Dawlada Soomaaliya kama hadlin weli boobka iyo xaaladan ka taagan magaalada.
Dhanka kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay agagaarka Goobweyn oo 25-km u jirta magaalada Kismaayo halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab iyadoo ciidamada Kenyankana ay farisimo ka sameysteen meel xoogaa u jirta Ceeldhiig oo tan iyo shalay deganaayeen. Goobweyn waxaa u dhow saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab oo ku yaalla xaruntii hore ee Akademiyada oo ahaan jirtay difaacii labaad ee ciidanka cirka Soomaaliya.
RBC Radio












Nin baa waxa uu qabay gabar yar iyo islaan
Wayn ninka waxa uu ahaa nin dhaxaad,ciro &
Tin madow ah leh,habeenkuu aado islaanta
Yar waxay jartaa tinta cirada ah,habeenkuu
Aado islaanta wayna waxay jartaa tinta
Madow.marka mithaalkaan somali ayaa
Ku sifoowdey alshabaab waxay dilaan somal
Magac loo bixiyey,kuwa kalana waxay dilaan
Somali magac loo bixiyey kuwana waxayba
Mushaar ku qaataan kala celinta smali kkkkk
waxaan sugnaaba waa in dib loo furo kuwaankii dadka ee kismaayo, inay soo noolaadaan kufsigii iyo boobkii. dagaalkii qabaailada iyo dulmigii. waa mar kale iyo hoogii ay caanka ku ahayd.
Qabsashada Kismaayo ma waxey ka dhigan tahay Kenyaatigii oo xalaaleysan doona bada la sheegay inuu doonayo inuu boobo mise dowlada somaliya awood ayey u yeelan doontaa iney kenyaatiga runta u sheegto oo ey noqoto dowlad aan dhul badeedkeeda horteeda lagu boobin?Kenyatigaan uma bogin iyagoon weli meelna qabsan ayey la soo taagnaayeen bad dal kale ayaan qeyradka kala baxeynaa waana waxaan hor aduunkaan uga dhicin in dal badiisa dal kale qeyraadka kala baxo ee toloow dowlada cusub ee somaliya ma noqon doontaa dowlad dadkeedu mahadiyo oo is hor-taagta damaca waalida ku dhisan ee kenyaatigu wado mise umada somaliyeed waxey dib u gocan doontaa madaxweynahoodii Shariif Shiikh Axmed oo kenyaatiga ganaca ku dhiftay kolkii damacii dhul badeedka la soo shir tageen.
Waxa wax laynaya waa alshabaabkii magaalada looga tagay. Qaacido eysan jirin meelay caalamka kasocto ayay rabaab in Somalia kasocodsiiyaan. Taasoo ah hadaad rabtid nabad inaad kunoolaatid aniga itaageer oo aan kuxukumo, haddii kale madaxaan kaa jabin oo cid aan nabad u’ogolahay maleh! War nimanku caqli xumaa. Miyeysan ogeyn in qaacidan dad badan ee meelo kala duwan oo caalamka ah isku dayeen aakhirkiina ay socon weysay.
@ Ali Yare, waan ka helay sida aad xaalada aan ku suganahay Somali hadaan nahay uga hadashay.
Waxaan rajeeynaaa in tusaalahaas aad bixisay oo xaqiiqa ah inta aan garano Somali maryooleey, in aan is ogolaano oo aan wada noolaano, iskana dhaafno maalayacniga magaalo hebel reer hebel ayaa leh. Maxeey caqli xumadaas kordhisaa? Somalida waa in eey fahantaa walow eey waqti nagu qaadaneeyso in qofka tiisa “individual” ah, ee asaga iyo immediate familigiisa uu ka fakaro siduu uu nolosha ugu guuleeyso hadeey tahay in uu lacag sameeyo, hadii eey tahay in uu waxbarto. Dabcan, dad ayaa jira ayaga oon ka warheeyn ku habsaamayo u doodida qabiilka. Kuwa yar ayaa sidoo kale jira oo isticmaalo qabiilka iyo dadka eey ka dhaseen si eey amaba shaqo ku helaan, amaba lacag. Masuuliyada waxeey saaran tahay dowlada hada Somaliyeed in eey wacyi galin u sameeyso umada Soomaliyeed oo la fahamsiiyo in aan qabiil loo baahnaan doonin mustaqbalka hadii uu qofkasta xaquuqda Somalinimo uu leeyahay uu helayo. Dadka waa in la baraa, loo sheegaa qabyaalada in eey ka mid tahay “kalsooni daro uu qofka naftiisa ka qabo” sidaas darteed ayeey dadka “weak” ah u isticmaalaan qabiilka taas oo dad badan ka dhigtay “hostage” laakiin waa in dadka maskaxdooda laga xoreeyaa qabiilka. Waxyaabaha hadafkaas lagu gaari karana waxaa ka mid ah aqoonta qofka soomaliyeed oo la dhiso, wacyi galin joogta ah, dib u heshiisiin iyo waxyaabo kale.
salaamulaahi caleykum dhamaan aqyaarta kutaxan webka iyo shaqaalaha intaba salaan kadib horto wax lagu farxo ma,aha in wadankaagi cadaw qabsado lkn waxaa iyana marnaba aanan lahilmaami karin dad aadan aqoon meel laga xukumo iyo waxa ay doonayaan ciddii kudhaafisaa aadbaa loogu ma,ahad celiyaa. soomaalida waxey tiraahdaa cadawgaaga cawadgiisa caanaa lasiiyaa. waxa saa loo leeyahay ma,ahan iney kuu kala sokeeyaan labada cadaw. lkn waa kala dhib badan yihiin mid waa kuugu af kuugu dhaqan misna diin kula sheeganaya haddana aadan garaneyn dhinac aad u raacdo iyo qaab aad iskaga dhiciso. kan kala waa mid aad ujeedo cadaawaddiisa haddana aan kuugu dhaqan iyo diin aheyn oo aad dhinac ugu soo wada jeesan kartaan kolkey kudhaafaan kuwaan waalan oo dhinac loo raacaa lagaran la,yahay toodana anfic kariweysay tu,dad leeyahayna qaadaneyn. hadda waxa ku hortaagan waa hal cadaw waliba dadkoo dhami garan karaan lkn kii maanta baxay waa doqon magarato, waayo ilaa hadda waxaad heleysaa dad taageersan waliba hadddaad weydiiso oo aad tiraahdo maxaad kutaageereysaan dadkaa islaamkii dhameeyay jawaab macquula nin kusiiyaa arki meysid. waxaa xaqiiqa ah in kiiniya ay cadaw tahay waliba damaaci ah kadaran gumeysigii itoobiya shalay waxey iigusoo marmarsiiyootay in alqaacida wadankeygii gabbaad kadhigatay. lkn maanta taas wey dhamaatay oo hadda waxaan fursad u heysanaa waa haddii dowladan ay noqoto tii loo hanweynaa in damacii kiiniya laburburiyo. lkn haddey noqoto sida kuwii iyada kahoreeyay xoogaa dhib ah waa jiri doonaa ilaah kiiniya sharteeda hanaga koriyee. insha allaah dad muwaadiniin ah oo hor sitaago damaceeda lawaayi maayo war iyo dhamaanti soomaalaay isku tashada oo iska daaya cudurkaan qabyaaladda ee qurunka ah ee idsiin dilooday waa kan aan mel lagaari kari la,nahay. ee aan waddankeenna cadawga hororka ah kadhacsanno sida ugu macquulsan iyadoo aanan qar iska tooreyn waan iska dhicin karnaa haddii aan qaladkeenna fahanno cadawgeenana aragno intaas waa iga talo waliba anigoo og inaan ahay kiinna idiinkugu caqliga xun inta iga caqliga badan ama iga cilmiga badan war hurdada halaga kaco oo yaan dowladda kaliya lagu haleyn dalka iyo dadkaba wabilaahi towfiiq