Faahfaahin: Iska Horimaad Isbaaro Ka Bilawday oo Ciidamada Dawlada Saddex Askari Isaga Dileen
Muqdisho (RBC) Ugu yaraan saddex ka mid ah ciidamada dalwlada Soomaaliya ayaa ku geeriyootay agagaarka deegaanka Lafoole ee wwadada dheer ee Afgooye kadib markii uu iska horimaad ku dhexmaray maanta duhurnimadii.
Iska horimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii koox ka tirsan ciidamo horey u joogay deegaanka Lafoole oo isbaaro u dhigtay baabuurta dadweynaha ay soo weerareen koox kale oo isla ciidamada ka mid ah. Iska horimaadka oo qadar nusa saac socday ayaa sababay in saddex dhimato labo kalana ay dhaawacmaan.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa qadar xirneyd isu socodkeeda iyadoo markii dambe labada ciidan ay kala dhexgaleen ciidamo ka tagay Ceelasha Biyaha oo illaa galabta ku kala dhexjiray.
Sarkaal ka tirsan taliska saldhiga Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ay kala joojiyeen dagaalkii u dhexeeyay labada ciidan haatana xaalada ay degan tahay.
Dadka deegaanka qof ka mid ah ayaa Raxanreeb u sheegay in weli labada ciidan ee isdagaalay ay ku ka;la sugan yihiin labada dhinac ee laamiga xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye isla markaana la fili karo iska horimaad kale.
Muranka ayaa salka ku haya isbaarada kooxda kale ee ciidamada ay dhigteen taasoo baabuurta dadweynaha looga qaado lacag aaneyd dawladu ka warqabin, waxaana muranka uu ka kiraa in isbaarada laga qaado halkaasi halka kooxda kalana ay isbaarada daafaceyso. Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa beryahan dambe waxaa ku soo laabtay isbaarooyinka ay dhiganayaan ciidamada iyafdoo gaadiidleyda iyo dadka rayidka ahna ay ka cawdeen isbaarooyinkaasi.
Iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada dawlada ayaa horeey uga dhiciu jiray Muqdisho walow ay waayadan dambe yaraadeen, waxaana dhamaan falalkan ay qeyb ka yihiin ambi darri baahsan oo caasimada iyo hareeraheeda kyu soo kordhay tan iyo intii ay dhacday doorashadii madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio











