Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Weeraro Ismiidaamin Ah oo Goordhow Ka Dhacay Hotelka uu Degan Yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (Wararkii ugu Dambeeyay)
Muqdisho (RBC) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa labo weerar oo ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay afaafka hore ee hotelka Jasiira oo uu degan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wariyaha Raxanreeb oo ka mid ahaa koox wariyaal oo saaka ku sugnaa hotelka gudihiisa ayaa soo sheegaya in labo qarax oo ismiidaamin ah lala beegsaday banaanka hore ee hotelka xilli ciidamada amaanka oo isugu jira kuwa Soomaalida iyo kuwa Uganda ay baaritaan ku sameynayeen dad marti ah oo madaxweynaha u socday kuwaasoo hotelka sii galayey.
Xubno ka socda Midowga Afrika iyo siyaasiyiin ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii la joogay madaxweynaha markii uu qaraxa ka dhacay bannaanka hore ee hotelkiisa.
Labada qarax ee ismiidaaminta ah ayaa isku xigay waxaana la arkay labadii ninee isqarxisay oo iyagoo googo’ay hilbahooda ay bannaanka yaalaan. Waxaa la sheegayaa in ruux saddexaad oo ismiidaamin lahaa uu goobta ka cararay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in raga ismiidaamiyey ay wateen labo baabuur balse si dhab ah looma xaqiijin taasi.
Illaa hadda waxaa la soo xaqiijiyey geerida saddex askari oo labo Soomaali tahay midna uu yahay Uganda kuwaasoo ahaa ilaalada madaxweynaha, kuna sugnaa bannaanka hore ee hotelka uu degan yahay madaxweynaha.
Dhaawacyo dhowr ruux ayaa goobta lala daadgureeyay, sida uu sheegayo wariyaha Raxanreeb oo weli ku sugan hotelka gudihiisa.
Rasaas fara badan oo ay fureen ciidamada ayaa laga maqlay bannaanka hotelka iyadoo ciidamada ay xireen wadada tagta garoonka oo hormarta hotelka Jasiira oo uu degan yahay madaxweynaha cusub.
Hotelka Jasiira
Tan iyo maalintii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh wuxuu xafiis ahaan ugu shaqeynayey hotelka Jasiira oo ah hotel gaar loo leeyahay oo ku dhow garoonka Aden Cadd ee magaalada Muqdisho, waayo madaxtooyada Villa Soomaaliya weli waxaa degan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xaasaskiisa kuwaasoo codsaday in waqti loo siiyo inta ay ka guurayaan madaxtooyada.
Waxaa la wadaa diyaargarow uu madaxweynaha cusub ugu guurayo madaxtooyada maalmaha soo socda, sida maanta Raxanreeb u sheegeen saraakiil ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












inkaartii sh.shariif baaka soomuuqatay!
shabaabkii u dhaaranaayey ee lahaa asagana gaalaa wadata ayaa hoteelka ku maqashey waxay islahaayeen hadaad fursad u haystaan balaayo idinku dhacdey soowtii lalahaa xamar waa ka baxeen ma mansuur ayaa intuu tegi waayey iskool bulisiya is yiri maanteey ku haboon tahay oo ninkii dibada joogaa alloow umada ka qabo kuwaas sheydaamada ah.
@kadija madaxeynaha aa u bahaan naag kale oo sadexaad ah marka codsi qoro nooh adiga boos aa kuu banaane intaas lee wax walaan aa sheegtaa.
eebaw warkaan war maaha
Khatumo midka wata sowma Ogid qofkaad taageertaan doontaa ladagta marka masha alah baan leenahay hadii ilahay ka badbaadshay labo shariif wadanka musuqmasuq kooxaysi nin jeclaysi jaahilnimo intaas oo dhan baa Somalia ka badbaaday maalintii doorashada
aad iyo aad ayaan oga xumahay dhibka somaliyana waa idhibayaah qalqal xumada markaan maqlo aad bnaa jirku ii dibaaxiyaah hada bal maxa lugu magay oo loo qarximayaah madaxwaynaha cusub oo an la ogayn wuxu soo wado oo 2 days go la doortay aan cidna eed u haysan markii la dooranayay oo xitaa kuwii la tartamay ay raaliga oga yihin loona wakishay samata bixinta somalia allow naxaji amin
waligay maan maqal meel Sheikh Shariif joogaa laysku qarxiyey?In badan baan su’aashaa iswaydiiyey!
Waxba yaan lakala soocin Shariif afgaduud iyo Al-Shayaadiin waa isleeyihiin.
Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed mudane Xasan Sheikh Maxamuud Ilaahay dhib matuso shayaadiintana shartooda Allaha kaxijaabo.Shariif lasoo gamay Villada halaga raro sida ugu dhaqsaha badan si markaa Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed shaqada badan ee sugaysa u guto.
To khaatuma seeg, Adeer dhuusadu maxay tahay Iyo habaarka laba sharif Iyo galyr way is raaceen waxayna ahaayeen tuugo. Adeer khaatumaay aabahaa shariif wan Ka taqluusay mana soo noqonayo stop habaarka wan garanayey in aad meel cidla ah ku soo dhacday anigana geed dheeer Iyo mid gaaban Ayaan u fadhiiistay sidan ooga cayrinlahaa bye
kk madaxweyne shariif sharafta hakaga ciyaarin hasan naag intaas qabyaalad kashaqaynaysa maxuu kufalayaa khadiijo mudo waan arkaynay qoraalkeeda mar walba qabiil ayeyka hadashaaa marka isku xishood qabiilkana iska dhaaf adiga naag ayaad tahay naagna qabiil maleg ama ugandhayska utag kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
kkk ceeb kan khaaduma seeg sheeganaaya yaan loo jawaabin akhyaaray maba istaahilo waayo madaxweynaha cusub oo umada dhan taageertay ayuu habaarayaa adeer habeen iyo maalin habaar ayaad wadaan idinkuuna idinku noqday waayo somali gobal ayaad kalaheydeen gobalkiina gumaysi ayaa haysta dadkaagi qaar s/lad ayey qaxooti kuyihiin qaarna puntland cuqaashadiina shariif ayey shaxaad udoonteeb ceebay tacaal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk